Home » Warar »

Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool Gobolka FAGERSTA ee Sweden oo soo Dhiibey Deeq Lacageed Barakacayaasha Abaaraha .

Deeqdani oo ay soo direen Soomaalida ku nool Gobolka  FAGERSTA ee Dalka Sweden ayaa waxay u soo wakiisheen Xubin ka mid ah Gudiga Culimada & Ganacsatada Gurmadka Degdega ee Abaaraha .

 

Walaalaha Soomaaliyeed oo iska soo Aruuriyay lacag Gaareeysa $1,600 ( kun iyo lix Boqol Doolar) ayaa waxay ugu tala galeen in la gaarsiiyo  walaalahooda soomaaliyeed Gaar ahaan waxaa la gaarsiiyay Gabdho Naafo ah kana mid Barakacayaasha.

 

Qeybinta Deeqdan ayaa waxaa loo qoondeeyay in la siiyo qoys waliba lacag kaash ah oo gaareysa 500,000 oo shilin Soomaali ah ilaa 600,000 Shilin Soomaali.

 

Waxaa ka faaideystay Deeqdaan Qoysas gaaraya ilaa 100 qoys, Ugu dambeyntii Dadkii loo qeybiyay Deeqadan ayaa ugu Horeyn u mahad celiayay Allaah Kadibna Walaalhooda Soomaaliyeed ee ka damqaday  walaalahooda Dhibaateeysan,  iyagoo Alaahna uga Baryay inuu Badal Kheyr qabo Siiyo halka ay Gudiga iyo Wakiilka Deeqdaana baaq u jeediyeen Soomaalida Dibada Jooga ah,Ganacsatada Dalka iyo Dibadiisaba , Shakhsiyaadka Muxsiniinta ah , iyo Hayadaha Kheyriga ah ineey ka qeyb qaataan Samata Bixinta Dadka Dhibaateeysan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dibadaha ayaa noqdey Xoogga ugu badan ee ka qayb qaadanaya samatabixita Dadka Soomaaliyeed ee ay isugu darasameen Abaaraha , Colaada iyo Cudurada kuwaas oo ku jirey Muddo laabatan sanno ah

 

Wixix talo iyo tusaale ah kala Soo Xiriir Gudiga

E-Mail Address: gcgg114@hotmail.com

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaao@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.