Home » Warar »

Raiisul Wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka qaybgaley Banaanbax lagu Taageerayey Dowladda Federaalka

Banaanbax uu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Federaalka ayna ka qayb galeen  Dadweyne ka kala yiimid Degmooyinka Gobolka Banaadir  ayaa lagu qabtey Garoonka Banaadir ee Degmada Cabdicasiis waxayna Dadweynaha ay siteen Boorar ka turjumaya sida ay ugu baahan yihiin nabad ka dhalata Magaalada Muqdisho

Banaanbaxaan ayaa waxaa ka Hadley Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo  u mahadceliyey Dadweyanha Gobolka Banaadir sida ay ula shaqeynayaan Dowlada Federaalka isagoo ugu baaqey in ay halkaa ka sii wadaan Taageeradooda , sidoo kale waxaa uu sheegey in Dowladda ay sii wadi doonto Dagaalka ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab ilaa uu sheegey inta laga saaro Dalka

“U dul qaadanmeyno kuwa Nabadda Carqaladdda ku ah ee Boobaya Raashinkii loogu talagaley dadka ay  Abaaraha ay saameeyeen   sidoo kalae waxaa la daagaalameynaa kuwa Maleeshiyo beeleedka ee doonaya in ay hor istaagaan Guulaha ay gaartey Dowladda Federaalka “ayuu yiri Raiisul Wasaare Cabdiweli  oo sheegey in Dowladda  ay Ciidamo u gaar ah u sameyn doonto Gargaarka la gaarsiinayo Dadka ay Abaaraha Saameeyee.

Dhinaca kale waxaa dib loo furey qaar ka mid ah Wadooyinkii geli jirey Suuqa Bakaaraha gaar ahaan wadaooyinka Dabka iyo Tarbuunka kuwaas oo ku xirmey Dagaaladdii mudooyinii la soo dhaafey ka socdey Magaaladda Muqdisho , waxaana Furitaankaan soo dhaweeyey Shacabka Soomaaliyeed ee ku ganacsan jirey Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale Waxaa maanta Magaaladda Muqdisho soo gaarey Wafdi Balaaran oo uu Hagaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Iiiraan  Cali Akbar Saalixi  waxaana uu kulamo la yeeshey Madaxda  Dowlada Federraalka  oo ay isla soo qaadeen Xaaladda Sooomaaliya gaar  ahaan Xaaladda Abaarta ee ka taagan wadanka Soomaaliya  waxaana Wasiirka arimaha Dibadda ee Iiraan Dowladda Federaalka ku wareejiyey Deeq Balaaran oo ay soo dhiibtey Dowladda IIran oo ay ugu talagaleen dadka ay abaaraha iyo Dagaaladda Saameeyeen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaao@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.