Home » Warar »

Shirkii guddiga wadajirka ee Amniga oo maanta markii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Muqdisho

Waxaa maanta markii ugu horeysay laguqabtay magaalada Muqdisho shirkii guddiga wadajirka ah ee Amniga dalka iyadoo ayshir guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb.Augustine Mahiga iyo kuxigeenka wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsanSoomaaliya Mr. Wafulu Wmanyinyi.Shirkan oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka sooqeyb galay wakiilada, ururada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, midowgaYurub waxaana goob joog ka ahaa wakiilo ka socday dowladdaha Mareykanka,Ingiriiska, Fransiiska, Jarmalka, Norway, Denmark, iyo Sweden.Kulanka ayaa intii uusan soo gabagaboobin ka hor waxaa warbaahinta faahfaahinsiiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli MaxamedCali iyo ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay ee Soomaaliya Amb. Mahiga iyagoosheegay in kulankani uu ahaa kulan taariikhi ah isla markaana markii ugu horeysay aytahay oo lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya.Kulanka ayay sheegeen in looga arrinsaday arrimaha amniga iyo sidii loo xaqiijin lahaanabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya waxayna tilmaameen inuu ku socdo weli si habsami iyo saaxiibtinimo leh.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Amb. Mahiga ayaa yiri “Kulankan wuxuu jawaab u yahay horumarka laga gaaraynabadda Soomaaliya gaar ahaana Muqdisho oo laga saaray Al shabaab, waxaanakulankan midka xiga lagu qaban doonaa halkan 2 bilood kadib oo maanta kabilaabaneysa” ayuu yiri Mahiga oo xusay in Q/midoobay ay dib u dhis iyo tayeyn kusameyn doonto hay’addaha nabadgelyada sida ciidamada Booliska iyo saldhigyada.Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Dr. Cabdiweli ayaa xusay in kulankaniuu yahay midkii sagaalaad oo uu guddiga wada jirka ah ee Amnigu yeesho balsesiddeedii kulan ee hore ay ka dhaceen dalka dibadiisa “Dowladda Federaalka shirkanimuhiimad gaar ah ayuu u leeyahay maadaama markii ugu horeysay lagu qabtay dalkaSoomaaliya waxaana rajeyneynaa in kulamada dambe ay si rasmi ah uga dhacaandalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada.Guddigani wadajirka ee Amniga ayaa waxaa lagu aasaasay dalka Jabuuti sanaddii2008 kadib heshiiskii ka dhacay dalkaasi Jabuuti iyadoo ujeedadiisuna ay aheyd inbeesha caalamku ay ka taageerto Soomaaliya sidii loo dhisi lahaa hay’addaha Amnigasi dib loogu soo celiyo Amnigii iyo kala dambeyntii dalka Soomaaliya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.