Home » Warar »

Rajab Ordegan Waa Nin Cayn Kee ah

Waxa Magaalada Muqdisho ku sugan Raiisul Wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Ordegan iyo Wafdi aad u  balaaran , waxaana Booqashaada lagu tilmaamey midii ugu balaarneyd ee Muddo labaatan sanno Ruux Darajadaas leh uu ku yimaado Magaalada Muqdisho , waxayna Booqashadaan lagu micneeyey Mid Ordegan uu ku doonayo in Beesha Caalamka uu ku soo jeediyo Xaalada Soomaaliya Xiligaan ka taagan  hadaba  waa nin Caynkee ah Ordegan

Rajab Dayib Ordegan haddii aan Dib u Milcsano Taarikhdiisa waxaa uu dhashey 26 Feberaayo Sanadkii 1954 tii wuxuu ku dhashey Magaalada istanbuul, Yaraantisii waxaa uu ku soo barbaarey Qoys Diinta aad u yaqaan walow ay noloshoodu ahayd mid aad u adag taasina waxay keentey Ordegan  in gelina uu wax Baro Gelina uu Suuqa ku iibiyo Qarre ama Xabxab.

Wuxuu noloshaa adag ku soo jiro waxaa uuy dhameystey Dugsigiisii Sare kadib waxaa uu heley jamaacad isagoo Bartey Culuunta Dhaqaalaha , wixii waqtigaa ka dambeeyey waxaa uu noqdey nin firfircoon oo siyaasada Misaan ku leh waxay sameeyeen isaga Saaxiibadii dhowr Xisbi ka dibna Burburey , wuxuu rafto Waxaa uu ka mid noqdey Xubnaha ugu muhiimsan Xisbiga uu haatan ka tirsan yahay ee Cadaalada iyo Horumarinta.

Intii uu Xisbigaa ka tirsnaa waxaa loo doortey in noqdo Duqa Magaalada Stanbuul oo intii uu hayey Xilkaa wax weyn ka bedeley Caasimada Stanbuul ha noqoto dhinaca Nadaafada,Waxbarashada , Biyaha iyo Korontada , waxaa kaloo lagu xasuustaa markii shaqooyin u abuurey Haweenka  ka ganacsada Jirkooda oo Wadankaas ay Caadi ka ahayd maadaama Ciidamada dalkaas ay yihiin kuwo ogol in Haweenka ganacsadaan Jirkooda kuwaas oo ay u sameeyeen Xarumo Caafimaad oo lagu baaro Haweenkaas iyo Shatiyo ay ku Ganacsdaan hase yeeshee haddii uu dhihi lahaa waxaan Diinta ma ogola waxaa uu Cadaadis  kaga imaan lahaa Ciidamada balse waxaa uu u keeney in Barnaamij ah in Haweenka uu ka dhaadhicyi in uu u hayo Shaqooyin  ka wanaagsan mida ay haatan ku jiraan.

Markii uu noqdey Gudoomiyaha Xisbiga  Cadaalada iyo Horumarinta waxaa uu saddex jeer ku guuleystay in Wadankaas uu ka noqdo Raiisul Wasaaraha waxaa uu isbedel uu ku sameeyey Dhaqaalihi Wadankaas  oo uu kor u qaadey Boqolkii 11 Toban,wuxuuna yeeshey Taageero Badan , Ordegan waxaa uu sumacad ku dhex leeyahay wadamada Yurub,Aasiya , Carabta iyo Afrika , waxaa uu u ololeeyaa sidii Falastiiniyiinta ay u yeelan lahaayeen Dowlad u gaar , waana mid  keentey in dhowr  jeer uu Cambaareeyo falalka Guracan oo ay Israaiil kula kacayso Falastiiniyiinta , sidoo kale waxaa lagu xasuustaa sida uu isu garab taagey dadka ku Go’doonsan Marinka Gazza oo dhowr jeer uu u geeyey Daawooyin iyo Raashin kala duwan.

Hadaba Booqashada uu ku yimid Soomaaliya waa mid wax weyn ka badeleysa Xaaladda dalka Soomaaliya weliba waxaa Candhuuftooda dib u Liqaya Hayadaha maalin weliba  Hadalada Guracan ee ka soo yeeraya sida Qaramada Midoobey oo Soomaaliya u bixiy Zoonka Shanaad taasoo keentay in Dhaqaalhii Soomaaliya loogu talagaley in lagu quudiyo wadamada Deriska  la ah Soomaaliya ka dib markii ay sheegeen in Soomaaliya ay tahay meel Qatar ah sidaa darteed maanta maxay ku marmarsiyoon doonaan Hayadahaas Xafiisyadooda ka dhigtey Nairobi iyo meelo kale maadaama Muqdishadii ay ugu yeeri jireen Bahalo Galeen uu yimid nin Miisan ku leh Beesha Caalamka  waa Ordegan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Rajab Ordegan Waa Nin Cayn Kee ah "

  1. Run sheeg says:

    waa run warkaas oo gaalada waa yaaban yihiin, oo warkooda wuxuu ahaa (( qawda maqashii waxna ha u qaban)) oo lacagana ay magaca soomaaliya ku soo uruursadaan waxa ay ku kala qaybsadaan nairobi iyo adis, waa arin xun, waxaase ka xun kuwa magaca soomaali huwan ee u suura geliyey in arinkaas sameeyaan.
    dadka waxa ay mucaawino ugu keenaan galey dhacday oo ay qashin ahaan isaga soo dhaqaajiyeen, daawo dhacday ama faa’iidadeeda ay aad u yar tahay, RABBIYOOW naga qabo yuhuud iyo nasaara iyo munaafiqiinta daba carareysa oo rucbi ku rida oo aduun iyo aakhiro seeji amiin

  2. salmaan nuur says:

    hadaba Erdogan waa nin ehlu diin ah oo dhibaato badan kala kulmay maamulkii cilmaaniga ahaa ee Rabi Jalla wa Calaa ka kor qaaday dadka muslimiinta ah ee Turkiya. Rabi waxaan ka baryayaa inuu muslimiinta mideeeyo dhamaantood. aamiin yaa Rabi

  3. salmaan nuur says:

    asc waraxmah, Rejab Erdogan waxaa sidoo kale loo xiray gabay uu ka jeediyey gole fagaare ah, gabaygaas oo tixo ku jiray ay ka mid ahaayeen ” Masaajiddu waa xeryaheenna ciidan, qubbadahuna waa koofiyadaheena helmetka,minaaraduhuna waa beynaadaheena, askarteenuna waa kuwa iimaanka iyo taqwada u saaxiibkaa.

  4. diiriye says:

    asc dhaman wariyaasha howl wadeenada shabakada somalitalk.com waa arin xasus leh oo aan ku helayno sumcadii aan ku lahayn umadaha aduunka iyo beentii laga sheegi jirey in mugadhishu ay tahay meel aan la isku aamini karin iyo dhaqaalihii lanagu talagalay ee dhunsan jirey in aan helno waliba wadanka oo dib u dhisma iyo nolashii dadka in oo dib usoo laabata erdogan waxan dhihi lahaa si fiican noo gacan qabo waan u bahanahay walaheena reer turki. asc

  5. Ilaah habarakeeyo walaalkeen iyo dhammaan doowlada Turkiga oo run ahaantii noo moojiyay walaalnimo buuxda mana ilaabi doonno sida eey isu keen garabtaageen. Waxaa xusid mudan madaxda kale ee dalaka carbeed aa caadeestay kali talisnimada iyo guud ahaan caalamkaba maanta sawir ceenkee ah ayuu kaqaadan doonaa Xamarcadde. Fadlan waxaan kacodsanaa inaan labuunbuunin qashqashaada ama kuwa isku dayaaya ineey magac xumo noosoo hooyaana waxyaabaha eey sameeyaan saxaafada waa 2afle hadba dhankii loo isticmaalo eey wax weeyn katartaa.

  6. YOOLAX says:

    iyada oo aan bahda mareegtan qiimaha leh ee SomaliTalk kaga baranay danaynta iyo dhowrista masaalixda muwaadinka soomaaliyeed, waxaa naga codsi in sidii caadadu u ahayd ay noo soo bandigaan baarintaan ama xogta arimahan hoos ku qoran:-

    *afeef
    ( report-yada UNka & FAO&WHO) midna madooneyno.

    1- Xaqiiqda gaajada iyo baahida wadanka taal inta ay le’gtahay, tirada caruurta& qaxootiga ku naf baxay abaartan, gobalada iyo tuulooyinka baahida dhabta ahi ka jirto & waxa ugu wacan dhibaatadaas.

    2- gargaarka & deeqaha lagaarsiiyey inta ay le’gyihiin & meesha loo mariyey& sida ay wax ugu tareen.

    3-Xukuumada KMG ah wax qabadkeeda & lacagta sida tooska ah loogu deeqay & sida lacagtaas loogu tasarufay.

    Mahadsanidiin
    Yoolax