Home » Maqaallo »

Isbedelka Dunida ka socdaahi waa dib usoo noolaashada Soomaaliya.

 

Subxaana muqayiril axwaal: Soomaalidu waxeey ku mahmaahdaa ‘’Qeeyla yeertaa qoon ayey qeeyr utahay” Waxaa aad dareenkeeyga usoo jiitay isbedelada lama filaanka ah ee Dunida kasocda kuwaasi oo igu dhaliyey feker ah ineey suurta gal weeyn tahay in Soomaaliya dib ugu soo laabato Dunida iyadoo Maamul, kala danbeeyn iyo nabadi ka jirto 21 sano kadib.

Hadii aad u fiirsato isbedelada dunida ka socda Waxeey ku saleeysan yihiin laba arin oo sal u ah:

1= Dhibaatada dhaqaalaha ee inta badan ku habsatay Wadamada Reer galbeedka waa Yurub iyo laatiin ameerika oo si weeyn oo dheereeysa u socota cabsi badana abuurtay.

2= Dhibaatada siyaasadeed iyo kacdoomada ka jira inta badan Dunida Carabta iyo Muslimka taasoo ah dhibaatada ugu weeyn ee Dunida maanta ka taagan.

Marka aan si fiican ufiirino dhibaatada dhaqaale ee heeysatada Wadamada Yurub oo deeyn fara badan lagu leeyahay isla markaana aan awoodin ineey deeyntaasi iska bixiyaan tiiyoo dadkoodii eey ka cabanayaan shaqo la’aan iyo nolosha oo sii bur bureeysa.

Marka aan firino mudaharaadyada arintaasi ku saabsan ee ka dhacay wadamada aan horay looga baran sida Giriiga, portaqiiska, Talyaaniga iyo rabshadihii u danbeeyey ee ka dhacay Wadanka Ingiriiska waxeey ku tusineeysaa musiibada balaaran ee heeysata Reer yurub iyo bur burka dhaqaale ee soo socda.

Waxaa ugu danbeeyey oo mudaharaadyo eey ka biloowdeen dalka israil oo Magaalooyinka Xeeyfa, bi’ri sabca ,qudus iyo inta badan magaalooyinka waaweeyn si xoogan ugu faafay kaasoo shacabku eey kudalbanayaan is bedel dhaqaale iyo mid ijtimaaci ah ama bulsho.

Dadka hor booda bulshada ayaa si xoogan ugu dhaaranaya ineey ridi doonaan dowlada yuhuuda hadii eeysan ka jawaabin dalabaadkooda isla markaana eeysan wax ka qaban arimaha eey ka cabanayaan taasoo horay aan loo arag kuna tusineeysa dabeeysha xoogan ee kasocota dunida oo shacuubti eey si aan horay loo arag u kacsanyihiin isla markaana go aanku uu iyaga ka imaanayo.

Dalka jarmalka ayaa soo saaray warbixin uu leeyahay lacagta Euroga ee dalalka Yurub eey isticmaalaan 10ka sano ee soo socota gudaheeda weey lumeeyso suuqyada caalamiga ah ayeyna ka baxeeysaa taasoo macnaheeydu yahay in wadamada yurub eey dib u bur burayaan lacagihii gaarka ey u lahaayeena eey ku laabanayaan taasoo meesha ka saareeysa awoodii iyo isbaheeysigii dhaqaale iyo iskaashigii dhan walba ahaa.

Dalka Mareeykanka ayaa isagu maraya meeshii ugu xumeeyd taariikhda dalkaasi isagoo deeyn xoogan oo dalka shiinuhu uu kuleeyahay iska gudi la’ isla markaana culeeyska dhaqaale(crisis) ka uu u wehliyo dhibaatada milatari eek u heeysata wadamadii uu horay ugalay sida Afganistaan iyo ciraaq, isagoo dhaqaala xumida aawgeed ka lug jiiday gelitaankii dalka liibiya oo hada eey horboodayaan wadamada yurub gaar ahaan ingiriiska iyo faransiiska.

Dhaqaalaha reer galbeedka oo inta badan muuqaalkiisu u u yahay wahmi ama wax aan si rasmi ah u jirin salkana ku haya deeyman iyo dheefkoror ama waxa loo yaqaano(interest ) oo ah nidaamka ribada ee lacaga dulsaarka ah laga helo ayaa afka ciida daray wixi ka danbeeyey sanadkii 2008kii waxaana aad u adag in dib loogu laabto beri samaadkii sababo badan oo jira aawgeed.

Dhibaatooyinka xaga Siyaasada: isbedelada aan horay loo fileeyn oo eey la yimaadeen kacdoonada ka jira dalalka carabta ayaa dunida wax badan kabedelay Madaxdii carabta waxeey dhamaantood ku mashquulsan yihiin sidii eey uga badbaadi lahaayeen duufaanta is bedel doonka ah ee dalka Tuunisiya ka bilaabatay taasoo ilaa iyo hada la kacday laba madaxweyne oo awood badan ku lahaa dalalka carabta eeysana jirin cid ku riyootay ineey sidaas fudud talada uga tegidoonaan waa Xusni mubaarak iyo zeynal caabidiin bin cali.

Waxaa jirta in dhowr madaxweyne kalana eey miiska saaran yihiin iyaguna sida Cali cabdalla saalax, qadaafi iyo bashaaril asad oo dhibaatooyin balaaran eey ka taagan yihiin wadamada eey xukumaan holaca ka holcaya dalalkaasina weli uu sii kordhayo wadamo badana uu sameeyn doono iyo gobolka eey ku yaalaan intaba.

Arinta kacdoonada ayaa ka dhigtay wadamada oo idil kuwa isku mashquulsan, tusaale ahaan wadamada qaliijka carabta ayaa ku mashquulsan oo isha ku haya waxa ka socda wadanka Yaman oo saameeyn balaaran ku yeelaneeysa amaankooda iyo siyaasadooda intaba, gaar ahaan dalka sucuudiga oo si gaara isha ugu haya waxa ka socda Yaman iyo Suuriya.

Dalka Iiraan ayaa iyaguna ku mashquulsan sidii eey door muuqda ugu yeelan lahaayeen isbedelada kasocda dalalka Yaman, Baxreeyn iyo Suuriya iyagoo gadaal ka riixaya mashruuc lagu faafinayo shiicada ku nool wadamadadaasi isla markaana kor loogu qaadayo doorkoda ama kaalintooda wadamada ana soo sheegnay oo idil waana taas tan keentay in Turkigu uu si gaara gacanta ula galay arinta Siiriya isagoo digniino usoo jeediyey Madaxweyne Bashaar al Asad.

Dalka Turkiga ayaa faragelin toosa ku sameeysanaya Kurdiyiinta ku nool dalalka Ciraaq iyo suuriya labadaba si aaneey isula jaan qaadin Kurdiyiintaasi oo qeeyb balaaran ka ah dalka Turkiga isla markaana mudo dheer dalbanayey Madaxbanaani iyo wadan iyaga u gaar ah oo eey yeeshaan.

Dalka israail ama yuhuuda ayaa iyagu si aad ah ula socda waxa kasoo baxaya isbedelada Carabta ooa an wax maslaxo ah ugu jirin iyagoo luminaya saaxiibo mudo dheer eey lahaayeen oo carbisan isla markaana saameeynta ka imaaneeysa isbedeladaasi eey la timid dhibaato aan wax dan ahi ugu jirin iyaga sidii ka dhacday furitaankii Xadka loo yaqaano Rafax ee masar iyo falastiin udhexeeya iyo go aamada oo shucuubta carabtu ey si toosa markaan iyagu gacanta ugu dhigeen gaar ahaan weliba dadka islaamiyiinta looyaqaan ama wadaadada ah.

Dalalka reer galbeedka ayaa iyaguna isha ku haya isbedelada ka socda dunida Carabta iyagoo ku dadaalaya sidi eey saameeyn ugu yeelan lahaayeen iyo galaangal hadba cida timaada ee kasoo dhex baxda kacdoonada soconaya si aaneey banaanka uga noqon siyaasada bariga dhexe iyo hogaamiye yaasha cusub ee sameeysmaya si cadna waxaa arintaasi uga hadlay madaxweyne obama oo yuhuuda ugu baaqay ineeysan filan saaxiibadood ineey kasoo baxayaan bariga dhexe iyo africa.

Isku soo wada duuboo arimahaan oo dhan waxeey indhihii caalamka iyo cid waliba oo ku mashquulsaneeyd arimaha soomaaliya kusii jeediyeen meelo kale oo uga daran xiligaan waana taas tan aan u arko ineey Soomaaliya u tahay Fursad xaga alle ka timid oo keeni doonta in gacmihii faraha badnaa ee shaqada ka dhigtay wadankeena eey meela kale kusii jeedaan xiligaan farajna noo noqon doonta inshalaah.

Waa sunada ilaaheey isbedalaan dhacaya cidina aaneey koontarooli Karin ilaaheeyna wuxu leeyahay jala wa culaa “ Wa tilkal ayaamu nudaawiluhaa baayna naasi…” oo macnaheedu yahay anaga ayaa u kala bedeleyna maalmaha dadka dhexdooda oo maalinba cid siineeyna fursada.

Ma jirto cid fursada iska heeysaneeysa waligeed shalay hadii mareeykanka iyo Ruushku awooda ugu xogan dunida ahaayeen maanta Rushkii waa ka baxay khadka, berito shiine, hidniya iyo islaamka oo quwad is heeysata ah ayaaa soo socda sidaas ayaana marba qolo alle usoo saarayaa waligeedna eey ahaan jirtay taariikhdu.

Waxaa cajiiba tusaale kugu filan shalay waxaa qaxayey shacabka reer ciraaq oo inta ugu badan eey u qaxday dalka Suuriya balse maanta dadkii reer suuriya ayaa sanado yar kadib u qaxaya Dalka ciraaq oo dib isaga gudaya abaalkii loo galay meel waliba in sidaasi kadhici doonto ayaan rajeynayaa(Yowmun laka wayowmun calayka).

Waxaa ii muuqanaya in mar dhow aan arki doono inshalaah wadamada Kenya, ugandha iyo itoobiya oo laga soo qixi doono iyadoo Soomaaliya loo soo qaxi doono taasoo ka dhalan doonta inshalaah isbedelka iyo duufaanta aan istaaga laheeyn ee dunida kasocota iyo guusha samirkii shacabka soomaaliyeed eey la yimaadeen balse dhameeystir iyo alle bari ayey ubaahan tahay iyaduna oo arinku maaha mid iska salaxan oo diyaara.

Cidna si gaara looguma qorin ineey dhibka ku waarto ama dhaxal u yeelato waxaa la joogaa xiligii aan dhulka ka kici laheeyn waxeeyse arintaasi u baahan tahay nasriga xaga alle ka imaanaya oo ana cidna lagala tashaneeyn kadib cid u istaagta sidii aan uga faaiideeysan laheeyn fursadaha dhalanaya dhaq dhaqaaqna aan la nimaado sunada ka mid maaha in wax la iska kaa siiyo adigoon asbaab la imaan.

Waxan u baahanahay cid fekerkeedu sareeyo dunida ku xiran la socota waxa hareereheeda kadhacaya isla markaana saaxiib xoogan ku yeelata dunida si aadan unoqon miskiin kaligiis meel taagan balse dunidu waa isbaheeysiyo iyo kooxo maanta ee aad cid dabada ula gasho si aan mar uun u istaagno.

Maanta waxaa soomaaliya u baahan tahay aqoon yahano diin iyo maadiba leh, siyaasiyiin bisil oo ka sareeya kuwa aragtidooda oo dhani ku foorarto reer hebel iyo gobol hebel ee an dunida waxa ka dhacaya oo dhanba war u heeyn waqtina u heeyn, waxaan u baahanahay siyaasi leh calaaqaad iyo xiriir caalami ah oo ku xirmi kara wadamada waaweeyn sida Shiinaha oo kale, istiraatijiyad iyo xeeladana adeegsada si uu mujtamacaan baa ba’ay mar uun u isitaajiyo.

Markaan sidaas leeyahay lama hadlaayo hogaamiye kooxeed magaciisa aan qori Karin ama xag jir aragtidiisu gaaban tahay oo aan arkeeyn wax ka badan sidee gaal xiriir loola yeeshaa iyo dunida wax nagama gelin kana fekeraya oo kaliya xamar ,kismaayo, bosaaso ama hargeysa, waxa uu la socdo, danihiisa iyo saameeyntiisoo idilna eey tahay oo kaliya waxa kasocda gudaha Wadanka Soomaaliya.

Diinta islaamku waa tan nafareeysaba in mucaahadaad iyo heshiisyo lala yeesho cidii hadba maslaxo ugu jirto ummada Muslimiinta ah iyadoo la xeeladeeysanayo nabiguna wa kii lahaa CSW “Alxarbu qudca” dagaalku waa xeelad, waxaa heshiisyo lala geli jiray Yuhuud iyo nasaaro ilaaheey aayado quraana ayuu kusoo dejiyey oo muslimiinta kula hadlayey dagaalkii u dhexeeyey Furus iyo Ruum iyo sida eey fursad ugu tahay muslimiinta cida guuleysata mar waliba( Qulibati ruum fii adnal ardhi wahum min bacdi galabihim sayaqlibuun) .

Waxaa ka mid ah dowladaha sida aadka ah u fahmay lucbada siyaasadeed(Game ka) ee reer galbeedka dowlada islaamiga ah ee Suudaan taasoo xiriir xoogan la leh dowlada Shiinaha dana dhaqaalena uu kala dhexeeyo taasoo keentay in dowlada shiinuhu danahaasi dhaqaale eey ilaashato isla markaana wixi lid ku ah dowlada suudaan eey ka difaacdo golaha amaanka oo ah goob mareeykanka iyo reer galbeedku danahooda ku xalaaleeystaan.

Ugu danbeeystii waxaa ii muuqda ifafaale nabadeed iyo jaanis aad u weeyn oo Soomaaliya eey heleeyso kaasoo ka dhalanaya isbedelada aduunka ka socda iyo Dowladihii faraha kula jiray Soomaaliya oo u diiday ineey dhan isu raacdo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaana xooga saarayey ineey si weeyn ugu jiraan gudaha soomaaliya iyagoo adeegsanaya Soomaalida oo ku mashquulay arimihii aan soo sheegnay.

Weey muuqataa in nalaka mashquulay waxaanan aaminsanahay in arintaasi eey tahay tan keentay in xamar maanta 20 sano kadib eey halkooxi ka taliso taasoo ah calaamad rajo nabadeed keeneysa una baahan inuu shacabku ilaashado riyadaasi sidi eey run unoqon laheeyd balse arintu koow ma joogto oo cadowgu sidaasi kuma tegin dadaal badan ayey u baahan tahay in aan ka xoroowno cadowgaasi na heeystay mudada 20ka sano ka badan.

Waxaa naga sii jeeda dhaqaalihii, siyaasadii iyo faragelintii sida qaawan wadamada reer galbeedka iyo kuwa carbeed ee alqaacida taageera intaba eey ugu soo qul qulayeen wadankeena Soomaaliya, cid walibana sidaan horay usheegay teeda ayaa heeysata waana inaan fursadaas si weeyn uga faaideeysanaa waxaan aamin sanahay ilaaheeyna nooga rajeeynayaa inuu wadankeenu dib cagihiisa ugu istaagi doono .

Carabtu waxeey tiraahdaa “Musiibatu qowmin cinda qowmin fawaaid” oo macnaheedu yahay Qeeyladii yeertaa qoowm ayey qeeyr u tahay, kacdoonka iyo dagaalada ka jira carabta iyo mudaharaadyada iyo rabshadaha ka jira reer galbeedka oo idil oo dhaqaalaha ku saleeysan waxeey fursad wanaagsan u yihiin muqtaqablka Dalkeena hooyo iyo sidii an dib ugu soo noqon laheeyn lugaheenana ugu istaagi laheeyn.

Waxaan rajeeynayaa sanadka danbe inaan arki doono inshalaah Soomaaliya oo dowlad shaqeeyneeysa eey kajirto taasoo koontaroosha wadanka oo idil waana inaan helnaa dad baraarugoodu sareeyo oo fahamsan In maanta caalamku hal tuulo yahay kaligaa aadan noolaan Karin laguna deeyneeyn.

Waa inaan fahamnaa iyadoo kala dano la yahay, kala diin la yahay ayaa hadana isla hal garoon lagu ciyaarayaa kubada iyo xarig jiidka siyaasadeed ee dunida maanta ka jira, cid walibana danteeda ayey hadba meeshii maslaxo eey u aragto ayey la gashaa, iyadoo ku dadaaleeysa ineey madida daabka danbe ku dheganaato oo eey iska leexiso si aan loogu qalin ama loogu goowracin.

Wixii Talo iyo tusaaleeyn ah ama aragti ah kusoo hagaaji emailka hoose:

Waxaa Qoray:

Eng: Cabdulqaadir Xaashi Maxamed.

E: hashi1960@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Isbedelka Dunida ka socdaahi waa dib usoo noolaashada Soomaaliya. "

  1. SXB””” ARIMOOD AYAAD AFKA ISU GELISEY”” in isbedel ka dhacay calaamka gaar ahaan dawladaha carabta iyo kuwa muslim ah waa run.
    aduunka inay saameyn ku yeelatay waa run””” lakiin sxb inta kale ee ah inay inoo soo qaxan dad kale ama inay dadyow kale musiibo ku dhacdo dabadeena aynu ku faraxno hadii aynu soomali nahay kuguma raacsani”” wax caqli gal ahna mahaa nin si ay ku jirto aragti dheer wax u qorana maha””
    markaa sxb ma rabno in lanoo soo qaxo””” sxb waxa rabnaa in aynu hadii aynu soomali nahay ogaano waxa faa”iido inoogu jirto iyo wixi inoo keenaya mushkilad””” sxb soomaliya waxay u burburtay inagoo galnay dagaalo aan xaq ahyan sida dagaalkii 1977 iyo inga oo samaynay xaq daro dadka dhexdiisa ah tuusaale ahaan nin ka yimi ama u dhashay qabri dahar ayaa wuxu ahaa genraal haysta ciidamada jamhuuriyda soomaliya qaar kale oo iyugna ka yimi godey wardheer jigjiga ayaa ha safiiro iyo waziiro
    nin ku dhashay moqdisho ama laasqoray ama burco ama hargaysa ama baydhabona waxa laga wax aan waxaba ayhayn taas iyo wax la mid ah ayaa saaxib burburaysay soomaliya markaa hadii la rabo in laga gudbo waan in did loogaa arinsadaa waxyaalahaas”’
    waan la qeexaa laba arimood
    1 soomalidii israacaday 1960” oo asaasey dalkii loo yiqiin jamhuuriyda somaliya
    2 dad ah soogelaati ama qaxooti oo aynu waadgano af soomaalinimda lakiin u dhalan jamhuuriyada”” oo ah in loola macaamilo si gaar tuuseele ahaan’
    inuu yahay qof ah qaxooti. inu mamnuuc ka yahay in uu ka shaqayo
    public department’ ama government department army police political parties
    iyo wixii la mid ah
    thank you

  2. AAWW,
    Walaal Cabdulqaadir baarakalaah, walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay qormadaan cilmiyaysan ee Alle ku waafajiyey in aad noo soo gudbiso, waxana dareemayaa inaad tahay dadka fara ku tiriska ah ee Soomaalinimada ku jirto oo rajada weyn ka leh in mar uun inay nabadi ka dhici doonto ku fekeraya oo fursadahana aad ula socdo. Waxaan ku leeyahay Alle ha ku dhowro, waana loo baahnaa baraarujintan, dad badan baa kugu feker ah, Alle waxaan ka baryayaa in uu na garansiiyo inaan heysano fursad weyn, inshaAllaah ha ka daalin fekradahaagan oo kale inaad noo soo gudbiso, waayo qalbigii dhintey nooleynayaan, inshaAllaah waan dadaaleynaa sidii looga faaideysan lahaa fursadan intii dareen soomaalinimo iyo islaanimo ku jirtana u gaarsiin laheyn. inshaAllaah waana arki doonaa rajada wanaagsan ee ah in Hogaan Caadil ah aan helno, naxariista Allena ka quusan meyno.
    AAWW

  3. Cabdi says:

    mashaa allaah baarakalaah walaalkay cabdi qaadir aad iyo aad ayaad u mahadsantahay qormadaan cilmiyaysan ee aad waqtiga badan galisay runti marka qof wax garanayo uu aqriyo faaladaadan wax badan ayaa u baxaya ilaahay waxaan ka baryaynaa in hadalkaagaas noo rumeeyo oo ay duufantan socota dawo noo noqotaa wax badan baa nala dayacaye dadkeenana tusiyaa ilaahay tubta toosan adunga kun jeer waad ku mahadsnatahay fikirkaaga saliimka ah iyo somalinimada kugu jirta nooloow

  4. garyaqaan says:

    asc
    hadii ay saan maskaxdaadu u furan tahay aqoonteedana aad leedahay sida ka muuqato qoraalkaaga maxaa kuu diiday inaad adigu hogaanka qabato.waan og nahay maanta meel laga galo maleh siyaasada soomaaliya boos walba ninbaa wax ku cunay.kii dhaha cadaalad baan ahayna cid ku dhageysanaysa waa yartahay. markaan saas leeyahay waan oagahay waxa maanta soomaaliaya ka jiro hadana waxaan arkaa inaysan meesha joogin dadkii aqoonta iyo caqliga u saaxiibka ahaa mise anaa khaldanoo shacabkaan wali bislaan oo wax ka socon la yihiin.ilaan dowladi waa shacabe.

    sideedaba fikirka wanaagsan wuxuu wax taraa marka laga shaqeysiiyo oo ficil loo badalo,laakiin hadii intii warqad lugu qoro meeshiisa ayuu ku baa’bayaa. soomaaliya maanta waxey u baahan sida aad sheegtay qof fahan san wax maanta dunida ka dhacaya,nadiifna ka cadiifada qabiilka iyo gobolaysiga.
    laakiin sidee lugu helayaa qof noocaas ah maanta? shacabkana loo tusaa qofkaan inuu daacad yahay.