Home » Warar »

Wadamada islaamka ma ka dhabeyn doonaan Lacagata 350 Milyan oo ay ugu deeqaan dadka Soomaaliyeed

Waxaa dalka Turkiga lagu soo gabagabeeyey Kulan ay isugu yimaadeen Wadamada islaamka , waxaana kulkankaas ujeedadiisu ahayd sidii gargaar Balaaran loogu fidin lahaa dadka Soomaliyeed ee ay Abaarta Saameesey , waxaana kulankaas ka qaybgaley 53 Dowladood oo islaam ah , waxaana kulankaan Marti geliyey Dowladda Turkiga oo iyadi ku cadaadisey Wadamada Islaamka in ay isku Daraan Qaaraan Balaaran oo la siiyo Soomaaliya .

Kulankaan waxaa Soomaaliya ugu qaybgaley Madaxweynaha Dowladda Federaa;lka Shiikh Shariif Shiikh Axmed , oo isugu khadbad dheer halkaa ka jeediyey oo u badneyd sidii loo Caawini laaha dadka  Soomaaliyeed ee ay isugu darsameen Abaarta, Dagaalada iyo Cudurada , isagoo ku canaantey in wadamada islaamka gaar haan wadamada Carabta ay ka jiifsadeen wax u qabasdhada dadka Soomaaliyeed

Raiisul Wasaaraha Turkiga oo isna Khudbad xamaarsaneyd  sida wadamada islaamka uga jeesadeen dadka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqey in dadkaas deg deg wax loo gaarsiiyo maadaama muddo labaatan sanno ah ku jireen Dagaalo aan dhamaad lahayn kuwaas oo uu sheegey in ay sababeen Macluul aad u daran

“Waxaa loo baahan yahay  in wadamada Islaamka aysan dib u dhigin gargaarkooda maadaama dadk ay dhimanayaan , waa in aad deg deg wax u gaarsiisaan si loo samatabixyo dadkaas  , waxaana idiin ku baaqayaa in   gargaarkiin aaydaan marsiin Hayado kale waan in aad gacmahiina ku qaybisaan “ayuu yiri Raiisul Wasaaraha Turkiga oo sheegey in dalkiisa  uu dadka Soomaaliyeed ugu deeqan lacag gaareysas 150 Milyan oo Doolar

Dowl;adiihii kale ee ka qaybgaley kulankaas ayaa iyana ku deeqay Qaaraan kor u dhaafaya 350 milayan oo Doolar oo ay sheegeen in ay ugu talagaleen dadka ay abaarta saameeysey waxaana qaarkood meeshii Kulanka uu ka  socdey ku bixyeee lacag Malaayinn Doolar ah , waana markii ugu horeeysey oo lacag intaa la eg ay bixiyaan wadamada Islaamka

Hadaba waxay la isweydiinayaa waa Qaaraankaas Balaaran oo ay ku Yabooheen Wadamada Islaamka ma noqon doonaa mid lagu guuleysta mise wuxuu noqon doonaa Afka Baarkii  oo qaar ka mid ah wadamadaas looga bartey in waxa ay ku Yaboheen aan dib dambe looga arag balse dadka qaar ayaa iyagu leh waa laga yaabaa in Qaaraankaan uu ka duwanaado kuwii hore maadaama uu si weyn u Canaantey Raiisul WAsaaraha Turkiga Rajab Dayib Ordegan.

Raiisl Wasaaraha Turkiga oo Maanta oo Khammiis ah lla filayey in uu yimaado Magaalada Muqdisho ayaa Booqashadiisu ay dib u dhacdey waxaana lagu wadaa in Maalinta Beri ah uu soo gaaro Magaalada Muqdisho , waxaan maanta Magaalada Muqdisho soo gaarey Koox dhaqaatiir oo ka socotey Wadanka Turkiga ,hase yeshee Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa maanta  dibn ugu soo laabeytay Magaalada Muqdsho ka dib markii uu ka qaybgaley shirkii wadamada islaamka ee lagu sioo gabagabeeyey wadanka Turkiga

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.