Waxaa weli si Xawli ah ku socda Gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saameeysey Abaaraha ee ku sugan Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyadoo taasi ay jirto ayaa Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) waxay gargaar aad u balaaran maanta ay gaarsiiseen Qoysas dhibaato ka soo gaartey Abaarta waxayna Qoysaskaas ay ku jireen Kaam lagu Magacaabo Siliga ama Beedle ee Magaaladda Muqdisho , waxay Qoysaskaa la gaarsiiyey gargaarka ay gaarayeen ilaa Seddex Boqol oo Qoys oo ka muuqatey Diifta iyo Darxmadii ka soo gaartey Abaaraha.
Qoysaskaa ayaa la siiyey Raashin isagu Jirey Bariis , Bur Sonkor , Saliid , Timir iyo Caano Gasacadeysan, waxayn Qoys kasta Raashinkaan Musuuliyiinta Hay’ada ay sheegeen uu ku filan yahay Muddo Bil , waxaana Qoyska kasta gacanta ka saarey Raashinkaas Masuuliyiinta Hayadda HARO oo uu Horkacayey Gudoomiyaha HARO Cali Xaaji Cabdi Nuur .
Intii ay socotey Qaybintaas Gargaarka ah ayaa Gudoomiyaha mar uu u waramayey Bahda Saxaafadda waxaa uu sheegey in Gargaar la mid ah midka ay Muqdisho ka qaybinyaan maanta ay haatan ka socdaan Magaalayinka Baydhabo iyo Diinsoor isagoo sheegey in Qoysaskaas ku sugan Magaalooyinkaa la gaarsiiyey Raashin ay Quutaan Muddo Bil sidoo kale wuxuu sheegey in Deegaanka Ceelasha Biyaha ay Hayadda ka qaybisey Gargaar kala duwan .
Gudoomiyaha Cali Xaaji ayaa sheegey in ay hore u soo qaybiyeen Raashin gargaar oo kala duwan oo uu sheegey in ay siiyeen Qoysas ay saameeysey Abaaraha , waxaa kaloo uu sheegey in ay sii wadi doonaan gargaarka ay gaarsiiinayaan dadkaas maadaama ay Hayadu u taagan tahay sidii dadka Soomaaliyeed uga bixi lahaayeen Abaaraha , Colaadaha iyo Cudurada.
Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Qoysaskii la siiyey Gargaarkii maanta ee ku sugan Kaamka Siliga ee Beedle ayaa ugu horeyn u Mahadceliyey Hayadda HARO oo ay sheegeen in Gargaarkaan uu ugu soo beegmey Xili ay si aad ah ugu baahnaayeen maadaama lagu guda jiro Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan , waxayna ugu baaqeen Hayadda HARO in ay halkaa ka sii wadaan Garagaarka la gaarsiinayo dadka ay saameysey Abaaraha
Hayadda HARO waa Hayad Samafal oo ka Howlgasha guud ahaan Dalka Soomaaliya waana Hayad Caawinta markasta dadka Dhibaateysan waxayna Deeqo Gargaar oo fara badan ay hore ugu qaybiyeen dhamaan Gobolada Soomaaliyeed waxayna Masuuliyinta Hayadda u mahadceliyeen intii ku gacansiisey qaybinta Gargaarkaas kala duwanaa , iyagoo sheegey in ay halkaa ka sii wadi doonaan Caawinta Ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.