Home » Warar »

Raiisul Wasaare Cabdiweli oo Xafiiskiisa ku qaabiley Wasiiru Dowlaha Dawladda Ingriiska u qaabilsan arrimaha Bani’aadanimada iyo Horumarinta

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa  Xafiiskiisa ku qaabilaya Wasiiru Dowlaha Dowladda Britian u qaabilsan arimaha Bani’aadanimada iyo Horumarinta Andrew Mitchell oo manta  Muqdisho soo gaaray.

Kulanka uu Raiisul Wasaaraha dalka la yeeshay mas’uulkaasi ayeey iskula soo qaadeen arimaha dhinaca bBni’aadanimada iyo sida ugu haboon ee loo gargaari karo dadka tabaaleeysan ee Abaaruhu saameeyeen.

C/weli ayaa kulankaasi kadib Saxaafadda u  sheegay in mas’uulkaasi ay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen oo u badnaa sidii loo gargaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee ka soo cararey Abaaraha iyo Dagaaladda .

Andrew Mitchell ayaa ugu Hambalyeeyay Raiisul Wasaaraha dalka hurumarka laga gaaray dagaaladii Muqdisho iyo in dowladdu ku guuleysatay sugida amaanka goobihii ay la wareegtay.

Socdalka mas’uulkan ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu danbeeyay ay Muqdisho soo gaarayeen mas’uuliyiin ka socotay wadamada caalamka kuwaas oo u kuurgalayay xaaladda Bani’aadanimo oo ka taagan Dalka waxaana hore u soo gaarey Magaladda Muqdisho Madaxweynaha dalaka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyadoo maalinta berri ah la filayo in Muqdisho uu soo gaaro Raiisul Wasaaraha Turkiga .

Halkan kadaawo sawiro dheeraad ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.