Home » Warar »

Kulan u furmey Puntland iyo waxgaradka Mudug

Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa sheegay: Kulankan  ka furmey xarunta Madaxtoyada Puntland ayaa waxa ka qayb galey Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole ,Ku xigeenka Cabdisamad Cali Shire,Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo qaar ka tiran golaha wasiirada,  sidoo kale waxaa ka qaybqaadanayey kulankaasi waxgaradka Gobolka Mudug oo kor u dhaafaya 50 qof.

Kulankan ayaa khudbad furitaan ah waxaa ka jeediyey Madaxweynaha Puntland Dr. Faroole taasi oo dhinacyo badan taabanaysay  wexeyna ka koobneyd warbixin guud oo ku saabsan Puntland iyo tan Somaliya kadibna waxaa la guda galay ajandaha shirka kuwaasi oo kala ahaa: Amaanka Gobolka Mudug,siyasaada iyo horumarka.

halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Madaxweynaha ayaa xusey in amniga Gobolka Mudug uu muhiim u yahay jiritaanka Puntland maadaama uu ku yaalo iridda hore ee Puntland ,isagoo shacabka iyo waxgardaka kulanka ka soo qaybgaley ugu baaqey in loo baahanyahay midnimo si looga gudbo dhibaatooyinka jira.

Khudbadaas furitaanka kadib ayaa waxaa loo gudbey iswaraysi iyo xog waran ay bixiyeen xubnihii ka socdey Mudug oo kasoo qayb galay kulanka.

Kulankaan ayaa socondoona mudo 3 maalmood ah iyadoo la filayo inay kasoo baxaan go’aamo wax ku ool ah.

Xafiiska Warfaafinta Madaxtoyada Puntland ayaa idin lasoo  socodsiindoona wararka iyo go’aamada kaso baxa kuwaasoo oo muhiimad gaar leh.

Communications Office
The Puntland Presidency

Puntland State of Somalia
E-mail: info@puntland-gov.net
Web: www.puntland-gov.net

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.