Home » Warar »

Dhaqaatiirta da’da yar oo howlo caafimaad u sameeyay barakacayaal kusugan magaalada Muqdisho

Dhaqaatiirta da’da yar ee SOYDA ayaa maata howlo caafimaad u fidiyay dad badan oo barakacayaal ah kuwaasi oo ku jira xero ku taala nawaaxiga Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

 

Howlahaan Caafimaad oo isugu jiray Baaris iyo daweyn lacag la’aan ah ayaa maanta ururka dhaqaatiirta da’da yar waxa ay ka sameeyeen xero barakacayaal ah oo ku taala nawaaxiga Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku noolyihiin qoysas la ildaran caafimaad daro iyo nafaqo la’aan.

 

Waxaa howlahaan caafimaad oo ay sameeyeen dhaqaatiirta da’da yar oo magacooda loo soo gaabiyo SOYDA, ka faa’iideystay bukaano kor u dhaafayay 350 ruux kuwaasi oo 189 ka mid ah ay ahaayeebn caruur la ildaran cuduro kala duwan oo ay ka mid yihiin nafaqo la’aan shuban biyood, Jadeeco iyo dhiig la’aan, waxaana maanta dhaqaatiirta da’da yar ay siiyeen daawooyinkii loogu talagalay.

 

Gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta da’da yar Dr. C/Qani Sheekh Cumar oo saxaafada kula hadlay xerada barakacayaasha ee maanta daweynta iyo baarista lacag la’aanta ay ka sameeyeen ururka SOYDA, ayaa waxa uu sheegay in talaabada ay howlaha caafimaad uga sameeyeen dadka cudurada ay ku heystaan xerooyinka barakacayaasha ee ku dhow Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ay qaateen kadib markii ay ka warheleen in aysan halkaasi laheyn xarumo caafimaad islamarkaana maalmihii u dambeeyay ay ku dhimanayeen caruur da’doodu ay aad u yar tahay sidaasi darteedna ururka dhaqaatiirta da’da yar ay u gurmadeen.

Xerada barakacayaasha ee maanta howlaha caafimaad ay ka sameeyeen dhaqaatiirta da’da yar ayaa waxa ku nool oo Saxaafada ay ku aragtay caruur, haween iyo dad da’ ah kuwaasi oo la ildaran cuduro kala duwan, waxaana dhaqaatiirtu ay sheegeen inay u sii wadi doonaan gurmadka caafimaad, barakacayaasha dhibaateysan inta karaankooda ah.

Halkan kadaawo masawiro badan

Ururka dhaqaatiirta da’da yar ayaa marar badan howlo caafimaad oo ay uga qeyb qaadanayaan u gurmashashada qoyasaska dhibaateysan waxa ay ka sameeyeen xerooyin badan oo kuyaala Magaalada Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay, iyagoo daawooyin siiyay caruur, haween iyo dad da’ah oo la ildarnaa cuduro kala gadisan

Dr. Abdiqani Sheikh Omar
+2526-15577282
+2526-99-750607
somyoungdoctors@gmail.com
dr.abdiqani@hotmail.com
www.soyda.net

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.