Home » Warar »

Markazka Sunni Center ee Magaalada Gothenbourg ee wadanka Sweden oo Deeq Lacageed soo gaarsiiyay Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Deeqdani oo ay soo direen Soomaalida ku nool Magaaladda  Gothenbourg ee Dalka Swden gaar ahaan  Masjidka ugu weyn Wadamada SCANDINEVIAN oo la kaashanaya Jamaacadda  ku Tukata Masjidka iyo Markaska Soomaalida ee Xaafadda Hinsingen,ayaa waxay u soo Wakiisheen Xubin ka mid  ah Gudiga Culimada & Ganacsatada Gurmadka Degdega ee Abaaraha .

Walaalaha Soomaaliyeed oo iska soo Aruuriyay lacag Gaareeysa $29,000 ( Labaatan iyo Sagaal kun Doolar ) ayaa waxay ugu tala galeen in la gaarsiiyo  walaalahooda soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Gobolka Baay iyo Bakool.

Qeybinta Deeqdan ayaa waxaa loo qoondeeyay in la siiyo qoys waliba Raashiin isugu jira Bur , bariis , Saliid , Timir iyo Lacago Kaash ah , halka Qoysaska qaarkoodna la siiyay lacago kaasha  oo u dhiganta Raashiinka la siiyay kuwa kale.

Howshani qeybinta deeqda ahi ayaa waxay qaadatay qeybo badan waxaan ka faaideystay qooysas gaaraya kun qoys ( 1,000 ) intaasi waxaa dheer in si gaar ah  kaalmo loogu  fidiyay  dad gaar ah oo mudnaa in kaalmo loo fidiyo , dadkaasoo isugu jiray kuwo  Xoolahooda ay ku baaba’een Abaaraha , kuwo Naafo ah , kuwo miirka  l’a iyo kuwo Caafimaad u baahnaa.

Ugu dambeyntii Dadkii loo qeybiyay Deeqahan ayaa ugu Horeyn u mahad celiayay Allaah Kadibna Walaalhooda Soomaaliyeed ee ka damqaday  walaalahooda Dhibaateeysan,  iyagoo Alaahna uga Baryay inuu Badal Kheyr qabo Siiyo halka ay Gudiga iyo wakiilka Deeqdaana baaq u jeediyeen Soomaalida Dibad Jooga ah , Ganacsatada Dalka iyo Dibadiisaba , Shakhsiyaadka Muxsiniinta ah , iyo Hayadaha Kheyriga ah ineey ka qeyb qaataan Samata Bixinta Dadka Dhibaateeysan.

Halkan kadaawo masawiro dheeraad ah

Wixix talo iyo tusaale ah kala Soo Xiriir Gudiga

E-Mail Address : gcgg114@hotmail.com

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.