Home » Maqaallo »

Baaq ku aadan carqaladaha ka socda magaalooyin ka mid Dalka Ingiriiska

OGEYSIIS:Dhamaan Waalidiinta, Waxgaradka iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan Dalka Ingiriiska

Annagoo ku hadleyna magaca waayeelka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee magaalada Bristol, waxaan u soo jeedineynaa dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan Dalka UK, ineysan wax lug ah aysan ku yeelan dhaca iyo boobka ka socda magaalooyinka qaarkood ee dalka Ingiriiska.

Waxaan dhamaan u sheegeynaa dhalinyarada in ficiladaani ay yihiin kuwo xaaraan ah oo aan sharci ilaah iyo mid bini’aadam midna ku banaaneyn, sidaas darteed waa in laga dheeraado wax kasta oo keeni kara inaad lug ku yeelato qulqulatooyinka socday dhowrkan maalmood.

Waxaan waalidka iyo mashaaikhda masjidyada Soomaaliyeed aan ka codsaneynaa iney la hadlaan dhalinyarada, khaasatan kuwooda laga yaabo iney lug ku yeeshaan arimaha hadda socda.

Waa ineynu ilaalinaa sumcadda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan Dalka Ingiriiska oo aan wax sharaf dhac ah aanan u keenin, kana qeyb qaadanna ilaaalinta xasiloonida meelaha aan degannahay.

Mahadsanidiin

Guddiga Odayaasha Bristol

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.