Home » Warar »

Shirkadda HORMUUD TELCOM oo 2500 oo Qoys Raashin Gargaar ah ugu qaybisey Gobolada Bay iyo Bakool

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa deeqdii u horeysay ee gar gaar ah sama fal ah gaarsiisay Gobolada Bay iyo Bakool, halkaasoo 2500-qoys ugu qeybisay Raashin isugu jiray Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid, xilli abaaro ba’an ay ka jiraan deegaanada Goboladaas.

Iyadoo shirkada ka jawaabeysa qeyla-dhaanta abaaraha iyo baahida deg deg ah ee xilligan ka jirta Gobolada dalka, ayay mar kale tallaabo ugu qaaday gar gaar gaarsiinta shacabka tabaaleysan ee ay Abaaraha ceyrteeyeen.

Shirkada ayaa min qoys walba gaarsiisay 25Kg, Bariis iyo Bur, 5Kg Sonkor iyo 3Kg oo Saliid ah, taasoo ay aad ugu farxeen shacabkii dan yarta ahaa oo isugu jira dad curyaan ah, waayeelo, haween iyo caruur aad uga muuqatay saameynta abaaraha xilligan ka jirta Gobolada Bay iyo Bakool oo lagu calaamadeeyay inay yihiin kuwo uga daran ee abaaruhu ku dhifteen.

Deeqdan ayay Shirkada waxay ka qeybisay degmooyinka Baydhabo oo 1300-qoys ay raashin ugu qeybisay, deegaanka Caliyow Muumin 200-qoys, Waajid 200-qoys, Ceelboon 200-qoys, Rabdhuure 150-Qoys, Tiyeeglow 200-qoys iyo Tuulooyin ka tirsan Xudur oo 300-qoys loo qeybsshay raashinkaas.

Gudiga Hey’adda u qaabilsana gurmadka abaaraha ayaa waxay soo sheegeen in dhamaan deegaanada ay gar gaarka gaarsiiyeen ay ka jireen abaaro iyo gaajo daran, iyadoo hadafka Shirkada ay ku sheegeen inuu yahay sidii loo gar gaari lahaa walaalaha Soomaaliyed ee dhibaateysan, si looga hortago macluusha iyo barakaca ka jira deegaanadaas, isla markaana Mas’uuliyad ka saaran tahay sidii loo kaalmeyn lahaa.

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa sidoo kale waxay dhowaan ilaa lix kun oo qoys gar gaar ugu qeybisay Gobolada Banaadir iyo Shabellaha Hoose, gaar ahaan xeryaha barakacayaasha ee Badbaado ee duleedka degmada Dharkeenley iyo deegaanka NO-50 oo min saddex kun qoys ugu kala qeybisay, dadka abaaraha ka soo barakacay ee dib u dejinta loogu sameeyay.

Waa shirkadii u horeysay ee dalka ka jirta oo gar gaar raashin ka qeybisa Gobolada dalka Soomaaliya, tan iyo markii ay soo xoogeysteen deegaanada sida daran abaaraha ugu jiraan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.