Home » Warar »

Hayadda SAHDO oo Muqdisho ka qaybisey Deeq Lacageed oo ay u soo Wakiisheen Hayadda Horn Africa Development Trust

Waxaa Magaalada Muqdisho weli soo gaaraya dad fara badan oo ka soo carerey ama ay saameeysey Abaaraha ka dilaacey Gobolo ka tirsan Soomaaliya waxaana dadkaan ay Abaarta Saameeysey u soo gurmaday Hayado kala Duwan, Dalal ka tirsan Dunida,Jaaliyada Soomaliyeed ee ku dhaqan Dalka Dibadiisa iyo Gudihiisa waxaa laba  Xero oo ku taal Degmooyinka Hodan iyo Waaberi laga qaybiyey Deeq lacageed oo la gaarsiiyey,Xerada Degmada Hodan waxaa Deeqdaas la siiyey  420 Qoys  Degmadda Waaberi waxaa la siiyey 300 oo Qoys

Deeqdaan Lacageed waxaa soo dhiibey Hayadda Horn Africa Developments Trust  waxayna la kaashatey Masjidka  Al Furqan Islamic Center ee Magaalada Manchester ee Dalka Ingiriiska  waxaana fuliyey Hayadda lagu Magacaabo Somali Action Humanitarian Organization oo marka la soo gaabiyo loogu yeero SAHDO Waxayna iyadana la kaashatey Maamulada ka jira Degmooyinka Waaberi iyo Hodan.

Qoysaskii la siiyey ayaa si aad ah ugu baahnaa Deeqdaas lacageed Maadaama lagu guda jiro Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan waxayna dadkii loo qaybiyey  ugu baaqeen Intii soo dhiibtey  iyo Intii ka qayb qaadatey qaybinta Lacagtaas  inay sii labalaabaan Gargaarka noocaan oo kale ee la siinayo dadka ay abaaraha saameeyeen iyo dagaalada  sIdoo kale Masuuliyiin ka socotey Hayada SAHDO oo iyana halkaa ka Hadley ayaa  sheegey in deeqdaan aysan ahaan doonin midii ugu Dambeysey balse ay jiri doonaan Deeqo kale hase yeeshee ay gaarsiin doonaan Hayadihii soo dhiibey in ay  sii wadaan deeqaha loogu talagaley dadka Abaaraha waxayna Hayadda u Mahadcelisey intii ku gacansiisey Bixinta Deeqdaas Lacageed.

Halkan kadaawo masawiro dheeraad ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.