Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo xafiiska ku qaabilay Amb Mahiga iyo wafdi la socday

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa sheegay in: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maantaxafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Qaramada Midoobey oo uuhoggaaminayey Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM AmbassadorAugistine Mahiga. Sidoo kale kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Ambassador WafulaWamunyinyi oo ah ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrikaee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga gaarka ah ee XG ee QM ayaa markii uu soodhamaaday kulankooda si wadajir ah ula hadlay saxaafada. Ra’iisul Wasaaraha ayaasheegay inay wafdigii QM kala hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeenmacluusha baahsan ee dalka ka jirta, guulaha dhanka amniga ee ay Dowladdudhowaan Al-Shabaab uga xorreysay Muqdisho iyo shirka wadatashiga ah ee la filayo inbisha September la qabto.

Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in QM ay ballanqaadayinay Dowladda ka saacido dhanka gar-gaarka bani’aadanimo iyo dhanka amniga.Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu kala hadlay Ambassador Mahiga sidii ay QMu saacidi lahaayeen qorshaha lagu xasilinayo nabadda ee magaalada Muqdisho oo ayxukuumaddu wado. Waxuuna sheegay in Suuqa Bakaaraha lagu wareejiyey ciidankaBooliska si ay amnigii u sugaan oo loo soo celiyo kala danbeyntii.Ambassador Mahiga ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in isaga iyo wafdigiisaay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha kuna faraxsanyahay guulihii Sabtigii la soo dhaafayoo ay dowladdu caasimadda ka saartay Al-Shabaab.

Mahiga ayaa ku nuuxnuuxsadayin QM ay diyaar u tahay inay Dowladda ka saacido sidii amniga loo soo celin lahaa,shacabka tabaaleysana loogu gurman lahaa. Mahiga waxuu sheegay in shirka soosocda uu muhiim u yahay Somalida lana rajeynayo in looga hadlo qorsheyaashaDowladda iyo mustaqbalka Dalka.

Halkan ka daawo sawira dheeraad ah

Halkan ka akhriso qoraalka oo PDF ah

Shirkan maanta ayaa ahaa mid muhiim ah oo ay ka soo qeybgaleen guddiga diyaarintashirka wadatashiga oo ka kooban qeybaha Dowladda iyo maamulada dalka ka jira.Arrimihii ay sida gaarka ah uga wada hadleen guddigan ayaa waxaa ka mid ahaaagendaha shirka iyo sidii loo soo xuli lahaa xubnaha ka qeybgalaya shirka wadatashigaah oo lagu wado inay ka soo qeybgalaan dhammaan qeybaha bulshada ay kakoobantahay. Guddigan waxey isku af-garteen in kulamada la joogteeyo maalmahasoo socda si horumar looga gaaro oo loo dhameystiro qabanqaabada kulanka.

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.