Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay wafdi ka socday Qarmada Midoobey (UN)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr CabdiweliMaxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo kasocday Qaramada Midoobay oo ay ka mid ahaayeen Mark Bowden, Isu-DuwahaXiriirinta iyo Gar-gaarka Bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay, Bruno Geddo,Madaxa UNHCR Somalia, Alvaro Rodriguez, Madaxa UNDP Somalia, Kiki Gbeho,Madaxa OCHA, iyo saraakiil ka socotay WFP, UNHCR, UNDP iyo OCHA. DhankaDowladda waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta,Warfaafinta iyo Wasiir ku-xigeenka Haweenka. Sidoo kale waxaa kulanka ka sooqeybgalay mas’uuliyiinta Hay’ada Maareynta Musiibooyinka.

Halkan kadaawo sawiro dheeraad ah

Halkan ka akhriso qoraalkii oo PDF ah

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey mas’uuliyiintii Qaramada Midoobayimaatinkooda Muqdisho oo uu sheegay inay beryahan danbe muuqato dadaaladoodaiyo imaatinkooda Muqdisho, ugana mahadceliyey dadaalada gurmadka abaaraha oohay’adaha QM qaarkood soo gaarsiiyeen shacabka tabaaleysan gar-gaar. Ra’iisulWasaaraha waxuu sheegay in xaaladda macluusha ay aad u baahsantahay loonabaahanyahay in dadaalada la labo jibaaro. Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuusheegay in Dowladdu ay ku howlantahay sugidda amniga goobihii Al-Shabaab kabaxeen, isla markaana loo baahanyahay in QM ay kaalin mug leh ka qaataan xasilintamagaalada iyo gaarsiinta shacabka adeegyada bulshada muhiimka u ah noloshooda.Mark Bowden ayaa siiyey Ra’iisul Wasaaraha warbixin la xiriirtay qorshayaasha QM eeku wajahan gar-gaarka bani’aadanimo, waxuuna sheegay in WFP iyo UNHCR aymucaawano gaarsiiyeen gobolada Gedo iyo Muqdisho. Waxuu kaloo uu sheegay inaymacluusha sii baaheyso oo gobolo hor leh lagu daray liiskii hore ee macluusha, kuwaasoo kala ah Jowhar, Afgooye iyo Muqdisho.

Ugu dabneyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Isu-Duwaha Xiriirinta iyo GargaarkaBani’aadanimo ee QM ayaa shir-jaraa’id si wada jir ah u qabtay warbixina kasiiyey shirkii oo ay labaduba sheegeen in la dar-dargelinayo dadaalada gurmadkaabaaraha, isla markaana la ballaarin doono howlaha gar-gaarka bani’aadanimo oo lagaarsiin doono goobo fara badan.Mas’uuliyiin ka soctay Qaramada Midoobey ayaa bishii ugu danbeysay dhowr jeeryimid Muqdisho, tan oo tuseysa sida ay uga go’antahay inay Dowladdu ku taageeraandadaalada gurmadka abaaraha iyo gar-gaarka bani’aadanimo.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.