Home » Warar »

Xeradii Badbaado ee Dadka Abaaraha oo loo bixiyey Ma Badbaado

Dhawaan ayay ahayd markii xero ay Dowladdu u sameysay dadka ka soo barakacay abaaraha kuna taalay agagaarka Xoosh ee degmada Dharkeynlay ay ka dhacdo xanuun badan oo maalmihii la soo dhaafey   Shacabku hadal hayaan kadib markii dad gaaraya 12 qofood lagu dilay kuwaas oo ahaa dadkii ku jiray xeradasi, waxaana falkaan gaystay Ciidamada ka tirsan Dowladda Federaalka oo watay Gawaari Tikniko ah.

Falkaan ayaa waxaa cambaareeyey Shacabka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka oo sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono kuwii ka dambeeyey falkaasi hase yeeshee dadka qaar ayaa qaba in Dowladda Federaalka ay dayacday dadkaasi Barakacayaasha ah maadaama dhowr jeer ay xeradaasi ka dhaceen fala isugu jira dhac, kufsi iyo dil, waxaana haatan xeradu u muuqataa mid ay ka sii barakacayaan dadkii horey loo dejiyey ee abaarta ka soo cararay.

Nin odey ah oo dhacdadaasi maqlay ayaa weydiiyey sida uu u arko, wuxuuna ku jawaabay “Markii hore ee Xeradaadi la furayey waan soo dhaweynay, waayo kumanaan qoys ayaa halkaasi dib u dejin loogu sameeyey, balse markaan maqlay dhacdadaasi foosha xun ayaan xeradaasi waxaan u bixiyey ‘Xerada ma Badbaado’ waayo dad ka soo cararay abaar iyo dagaalo ayaa waxaa loogu daray dil iyo dhac, marka waa arrin aad u fool xun, waxaana ku talin lahaa in dhacdada noocaas oo kale ah aysan dib u soo noqon kuwii geysteyna Maxakamad la soo taago”.

Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalk C/wali Gaas oo xeradaasi booqday ayaan soo hadal qaadin dadkii halkaasi lgu laayey, balse wuxuu dhowr jeer ku celceliyey in askartii gaysatay falkii Raashinka lagu boobtay la soo qaban doono sharicigana la hor keeni doono, hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jiraan cid u gurmatay dadkii dhibaatadu gaartay. Ra’isul Wasaaruhu wuxuu sheega yin guddi loo saaray dhacdadii ka dhacday xerada Badbaado ilaa iyo haddana lagama hayo guddigaasi halka ay wax u marayaan.

Dhinaca kale warar hadda na soo gaaray ayaa wuxuu sheegayaa in Degmada Xamarweyne meel Haween barakacayaal ah loogu qaybinayey raashin waxaa soo weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda oo la dhaqaaqay gaari raashinka siday waxayna ku dhifteen darbi kadibna darbigii soo dumay oo halkaasi ku dhinteen labo haween ayna ku dhaawacmeen shan kale.

Dowladda Federaalka ayaa u muuqata mid aan ka war qabin ciidamada tirada badan ee wata dareeska Dowladda isla waxayna ciidamada Dowladdu waxyeelo kala duwan u gaystay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan maalmihii ugu dambeeyey waxay dhibaato hor leh kula dhaqaaqeen meelaha la dejiyey dadka barakacayaasha ah waxayna sidoo kale boob u gaysanayaan raashinka loogu talagalay in dadka barakacayaasha lagu quudiyo. Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa sheegay in arrintaan wax laga qaban doono  laakiin inta badan hadalada ka soo baxa madaxda dowladda ma soo dhaafan afka baarkiisa, waxaana weli socda dhaca iyo dhibaatada lagu hayo shacabka Muqdisho gaar ahaan dadka Barakacayaasha ah oo dhibaatadii haystay loogu daray mid dil.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.