Home » Warar »

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada soomaliya

Shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiiradu yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho, ka dib markii shalay Al-Shabaab laga xorreeyey magaalada. Ugu horreyntii golahu waxey hambalyo u dirayaan geesiyaasha ciidamada Dowladda Soomaaliyeed iyo AMISOM oo ku guuleystay dagaaladdii kana saaray magaalada Muqdisho kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale Golahu waxey hambalyo u dirayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, uguna baaqayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan oo garab is-taagaan dowladdooda. Waxaana shacabka laga rabaa inay ka hor-tagaan cid allaale iyo cidii isku dayda inay amni daro ka sameyso dalka.

Halkan ka akhriso qoraalkii oo PDF ah

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.