Home » Warar »

Xarakada Al-Shabaab oo Sheegey in ay Xeelad Dagaal uga Baxeen Goobo ku yaal Muqdisho

Laga soo bilaabo Sanadkiii 2007 waxaa Magaalada Muqdosho iyo qaar ka mid Gobolada Soomaaliya ka jirey  dagaalo aad u qaraaraa waxayna Dagaalada Xoogooda dhaceen Magaalada Muqdisho waxaana Dagaaladaas ay galaafteen Kumanaan Soomaaliyeed waxaana ku dhaawacmey kumaan kale iyadoo sidoo kale ay ku barakaceen dad lagu qiyaasi karo 3 Milyan oo qof kuwaas oo ku dandareysan Daafaha Magaalada Muqdisho Xuduudaha wadamada Kenya iyo Itoobiya , waxayna Dagaaladaas u dhaxeeyeen Xarakada Alshabaab   Ciidamada Amisom oo gacansiiinaya Ciidamada Dowladda waxasy dagaalo dhaliyey khasaaro fara badan iyana ay dhexmareen Xarakada  Alshabaab iyo Ahlu Sunna

Waxaas oo Dagaalo iyo Burbur ah ayaa Xarakada  ALShabaab waxay si lama filaan ah  u faaruqiyeen Dhufeysyadii iyo Goobihii kale ee ay ku lahaayeen Magaalada  Muqdisho waxaana Goobihii ay Baneeyeen haatan ku sii siqaya Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Kuwa  Amisom iyagoo muujinaya taxadar Dheeraad ah hase yeeshee Afhayeenka Xarakada Alshabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere ) ayaa saxaafadda u sheegey in Ciidamadoodii ka joogey Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay ka baxeen isagoo sheegey in arintaas u sameeyaan Xeelad Dagaal

Afhayeenka wuxuu sheegey in Saacadaga soo socda Magaalada Muqdisho laga dareemi doono    Dagaal Rogaal Celin isagoo sheegey in  Ciidamadooda  ay ku sugan yihiin Mgalaalda Muqdisho wuxuu sii raaciyey” Waxaan qorsheyney in Caddowga Aan Dhabarka  jabino dagaalkana ma aha mid istaagay waxaana Ciidamadeena  uga saarney Jiida hore si Cadowga loo naafeeyo”

Habeenkii xaley ahaa ayaa dagaal fara looga gubtey waxay dhex mareen Xarakada Ashabaab iyo Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya Cidamada Amisom waxaana dagaalkaan soo qaadey Xarakada Ashabaab iyadoo Afhayeenkoodu uu sheegey in dagaalkii Xaley ay ka qayb qaateen Ciidamo Mareykan ah iyo Ciidamo Faransiis  , waxay dhawaan Xarakada Alshabaab ay sheegtey in Qarax ismiidaamin  oo ka dhacay Guryaha Xamar Bila ay ku dileen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykank kuwaas oo uu sheegey in ay tababar siinayeen Ciidamada Amisom.

Halkan kadaawo masawiro dheeraad ah              

Ciidamada Dowladda ayaan ku deg degin Goobihii ay Faaruqiyeen Xarakada Al- Shabaab waxaana goobahaas isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan kuwaas oo iyana muujinayey Taxadar dheeraad iyadoo Goobhii lagu dagaalamey Sannooyinkii la soo dhaafey ay yihiin kuwa ka muuqda  Burbur aad weyne iyadoo Guryaha qaar lagu burburiyey Gaariga Taaniga  sidoo kale goobhii ay baneeyeen Xarakada Alshabaab waxaa ka qodan dhufeysyo aad u waaweeyn

Ciidamada Amisom ayaa ku dhiiran la’ in gaaraan Goobhii ay baneeyeen Xarakada Ashabaab iyagoo ka cabsi qaba in ay ku aasan yihiin Miinooyin iyo weli Dagaal  Rogaal celin ah oo ay soo qaadaan Xarakada Al-Shabaab maadaama ay shegeen in ay bedeleen  Farsamadii  Dagaalada ayna saacadaha soo socda ay qaadi doonaan Dagaalo qaraar  sidoo kale Shacabka Muqdisho ayaa iyana aan tagin Guryahooda iyagoo ka cabsi qaba in mar kale dagaalo ka dhacaan Magaalada Muqdisho oo waayadaan hoy u noqotey Dagaalada an dhamaadka lahayn.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka  Shiikh Shariif Shiikh Axmed  iyo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goor dhow Shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadalka ku horeyey Raiisul Wasaaraha wuxuu sheegey in ka bixitaanka Alshabaab ee Magaalada Muqdisho ay Guul u soo hoyatey Shacabka Soomaaliyeed isagoo ugu Hambalyeeyey Ciidamada  Qalabka sida iyo kuwa Saaxiibadood ah ee Amisom  guusha ay gaareen wuxuu kaloo uu sheegey in uusan dhamaan dagaalii waayo Xarakada Ashaba weli waxay ku sugan yihiin Gobolo fara badan

Madaxweynaha wuxuu isna ugu hambalyeeyey  Guusha ay gaareen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom wuxuuna tacsi u direy dadkii ku geeriyoodey dagaaladii lala galey Xarakadda Ashabaab  , wuxuuna ugu digey Shacabka Soomaaliyeed in galaan goobhii ay  ka baxeen Shabaab  oo uu sheegey in ay dhici karto  in ay ku jiraan Miinooyin  waxaa loo uu sheegey in Dagaalada ay sii socon Doonaan inta Xarakada Al-Shabaab  laga saarayo Dalka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

   

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xarakada Al-Shabaab oo Sheegey in ay Xeelad Dagaal uga Baxeen Goobo ku yaal Muqdisho "

  1. waanku faraxsanahay ka bixitaanka xamar ee alshabaab allow xamar nabad ka dhig oo ciddaad kheyr ku ogtahay xamar ha joogto