Home » Warar »

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Sheffield UK oo Deeq Lacageed oo ay soo direen loo qaybiyey dad ku jira Xerada Ansalooti ee Muqdisho

Iyadoo welii Magaalada Muqdisho ku soo qulqulayaan dadka ay saameeysey Abaaraha kuwaas oo ay ka muuqato Darxumadii iyo Dhibaatadii Abaarta ayaa Hayada SWACRO Somali Women Children Rescue Organization waxay xerada lagu magacaabo  Ansaloot  ee Degmada Xamar JabJab  ka qaybisey Deeq Lacageed  oo ay qaybinteeda u soo Wakiisheen Jaaliyada Soomaaliyeed Magaalada Sheffield UK waxaana lagu magacaabaa RESTORE HOPE SOMALI COMMUNITY IN SHEFFIELD UK

Deeqadaan oo ay ahayd Kun iyo Boqol iyo Soddon Doolar iyo Sideetan Senti ayaa waxaa loo qaybiyey ilaa Saddex Boqol oo Qoys  waxaa Lacagtaas Mid Mid gacanta uga Saarey  Wakiilka Hayadda SWACRO ee Soomaaliya  Yaasmiin Mayow Maxamed iyo   Gudoomiye ku xigeenka Ururkaas Amiin Yuususf Khasaaro , waxaana qaybinta kula wehliyey Gudii Abaaraha e Degmada Waaberi oo ay ka mid ahaayeen Cabdulaahi Faarax  Cismaan  , Siidi Cai Cismaan iyo Iikar Amiin Maxamed..

Qoysas loo qaybiyey Deeqdaan ayaa ahaa dad Dhawaan soo qgaley Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka soo cararey Abaaraha ka dilaacay Gobolo ka tirsan Soomaaliya qaarkood ma ahaysan meel ay ka gaLaan dhaxanta iyo Roobabka ka da’aya Magaalada Muqdisho  iyadoo Caruurta Qaar ay ka muuqatey Nafaqo daro waxaana Guri Cooshado ka sameysan aan ugu tagney Canug yar oo isugu darsantaha Cudduro iyo Gaajo waxaana sawirada aad ku arkeysa Yaasmiin Mayow oo kor u ahaysa Cunugaas Lna a taagan Hooyadii oo sheegey in muddo ah uu ka Xanuunsanaa Canugga waxaana Xubnhi  Deeqda lacageed qaybinayey ay si aad ah uga Murugoodeen Dhibaatada haysata Canugaas .

Halkan kadaawo sawiro dheerad ah

Maxamed Axmed Rooble  oo ahaa Xiririyhii Jaaliyadda Magaalada Sheffield UK  ee soo dhiibey Deeqda  iyo Hayada SWACRO  ayaa waxaan wax ka weydiiney sababaha keenTey in ay lacagtaan u soo Wakiishaan ururka SWACRO ayaa yiri “ waxaan weyney Cid aan Aamino  oo aan u dhiibno Deeqdaan waxaan markii dambe aan warbaahinta ka arganey Ururka SWACRO oo dhowr jeer lacago loo soo wakiishey ka qaybinaya Xerooyin ku yaal magaalada Muqdisho sidaana aan ula soo xiriirney” isagoo intaa raaciyey “ Waxaan rajeyneynaa in aan marar kale  aan dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha Saameeyeen  aan wax u dirno

Deeqdaan ayaa ku soo beegantey Xili lagu guda jirro Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan  ayaa Guddiga abaaraha ee Degmada Waaberi waxay ugu baaqeen Shacabka soomaaliyeed Guddaha iyo Dibadda  in ay labalaabaan Gargaarka ay u soo diraayaan walaalahooda dhibaatada ka soo gaartey Abaarta iyo dagaaladda  waxaya Qaybinta Deeqdaas ku soo gabagaboWdey sidii loogu talagaley

Xubnhii ugu firfircoonaa ee Deeqdaan soo dhiibey ee Guddiga Jaaliyada Magaalada Sheffield UK waxaana ka mid Cabdulaahi .A.  Hassan, Daa’uud Maxamed iyo Maxamed Axmed Rooble waxayna Ilaah uga baryeen Ummadda Soomaaliyeed in uu ka dulqaado Abaaraha ,Coilaadaha iyo Cudurada.

Wakiilada Dalka Mareykanka

 

Tirik Axmed Cilmi

Swacro_org@yahoo.com

Maxamed Axmed Magan Cartan

Cartansamafale@yahoo.com

 

Wakiilada Soomaaliya

 

Yaasmiin Mayow Maxamed

Swacro_org@yahoo.com

E-Mail yaasmiinm@hotmail.com

Tel 00252615590407

 

Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

E-Mail Swacro_org@yahoo.com

Tel 00252615532494

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.