Home » Faallo »

Halka uu kasoo jeedo magaca puntland

DR. QASIM HERSI FARAH

www.qasimhersi.com

 

Qaybihii hore ee isla Qormadaan lagu baadi goobayo macnaha ay ku kala fadhiyaan magacyada dawlad goboleedyada waaydaan dambe harqiyay siyaasadda dalkeennii awalba la ciirsanaa burburka iyo baaba’a. Haddaba qaybtaan ka mid ah qormooyinkii hore ee xiriirka (muzalzalka) ahaa ayey ka qayb tahay, waxaanan ku soo qaadanaynaa magaca “PUNTLAND”. WAA MAXAY PUNTLAN?

Waxaa ceeb iyo fajac ah in ay boqolaal qof oo wada ah ama wada sheegta aqoonyahanno ay udhasheen goboladaas lagu magacaabay PUNTLAND, laakiin aysan tafsiir waafi ah oo lagu qanco ka bixin karayn magacaasi waxa uu u taagan yahay, halka uu ka soo jeedo, sababta loo doortay, iyo cidda ka dambaysa magac bixintiisa. Qaarkood haddii la weydiiyo waxay ku gaabsadaan in kelmadda macnaheedu yahay “Udug’ oo af ingisiir ah. Nasiib darrose waxay imaanaysaa marka uu qofkaasi yaqaano afka Ingiriiska. Hadaan qofka sidaa ku jawaabo ku hadal celiyo waxaan ku gaabinayaa “walaal kaalay oo qaamuuska ingiriiska naga tus kelmadda Punt oo ku fasiran udug”. Dhab ahaan kelmadani caawa Allah afna kuma ay jirto. Waxa ugu dhaw in ay xusaan qaar ka mid qaamuusyada dhawaantaan la qoray oo iyaguna ku sheega in ay tahay dhul magiciis. Xattaa haddi la helo qaamuus ku fasiraya inay tahay udug waa mid u maleeya in ay udug ku tahay afka Soomaaliga. Waa ayyaan darro in ay intaas oo aqoon yahan ama ka fiirsan waayaan ama garan waayaan magac-bxintaan qallafsan. Aniga oo baaritaan ugu jira bal in ay kelmadda punt abidkeed soo martay afka ingiriiska ayaan soo helay in ay qolo dadyowga ingiriiska ku hadla ka mid ihi u yaqaanaan qayb ka mid ah Doolshaha la cuno (cake) oo si aan qadarin lahayn loo sameeyo.

Haddaba si aan war badan uga baaqdo waxaan toos u abbaarayaa asalka magaca Punland. Kelmadda Puntland waxa uu asalkeedu ahaa “DHULKII GABADHA” oo af Carabi ah “Ardu Binti”. Laakiin waxaa dhacday in ay xilli ka mid ah qarnigii dhawaa ee hadda la soo dhaafay ay cilmi baarayaal ama qorayaal wax ku qora af Ingiriisi ay iyaga oo baaraya taariikhda dhulkaas heleen qaar ka mid ah buugaagtii waayo hore laga qoray oo ku qoran Af Carabi. Haddaba qoraalka af Carabiga laguma dhigo shaqalka sida ‘kor dhaw, hoos dhaw, iyo god toona”. Taasina waxay dhab ka dhigaysaa in uu cilmi baaruhu arko uu magacaan oo u qoran higaad ahaan xarfaha kala ah “B N T”. Haddaba cidina ma ogaan karto (xattaa kan af Caribigu afkiisa hooyo yahay) in ay B daani kor dhaban tahay iyo in ay godan tahay, illeen wuxu waa magac oo xaraf ma ahane. Sidaa awgeed waxay tarjumayaashii qoraalada Af Carbigu u qaateen in ay B’ daani godan tahay, halka ay kor dhaw qarsoon (xadfan)uga shaqlanayd. Markaa ayey ugu qormatay Punt ama Bunt, halkii ay ka ahayd “Binti”.

Ogow xafaha ama kelmadaha waa la qiyaasi karaa ama la garan karaa sida uu shaqalkoodu dhacayo, illeen waa wax la isla yaqaane. Laakiin magaca waxa sheegi kara ciddii baxsatay oo keliya. Waxaa kale oo xusid mudna in dadka taariikhdaas qorayey ee cilmi baarista qaaday aysan ahayn dad u dhashay Af Carabi, dad u dhashay dhulka, dad aaminsan diinta dalkaas, dad yaqaan dhaqanka dadka, iyo dad taariikhda horay ula socday toona. Waayadaas waxay ay reer Galbeedku olole ugu jireen sidii ay taariikh hor leh oo ay iyagu hogaan u yihiin dunida ugu sameeyaan, wixii jirayna u aasaan intooda nuxurka leh. Dadka taariikhaha noocan oo kale ah ka qora dunida Muslimiinta siiba bariga dhexe waxaa la yiraahdaa “Mustashriqiin” oo macnaheedu yahay reer Bari iska yeelayaal. Qaybtooda qoraallada Afrika u qaabilsanna waxaa afka Qalaad lagu yiraahdaa “African Orientalists”.

Haddaan ka eegno taariikhda xaggii dhaqdhaqaaqyadii gumaysiga iyo gumaysi iska caabbinta, magaca Soomaaliya ka hor waxaa dalka lagu kala magacaabi jiray guud ahaanba laba magac oo kala ahaa “dhulkii Gabadha” (Pintland/Ard Bint) iyo “dhulkii Ilaahyada” (Land of gods). Dhulkii Gabadha (Pintland/Puntland) waxaa bixiyey Carabtii ganacsatada ahayd, maadaama ay ugu yimaadeen soonahaas gabadh xukumi jirtay oo ay la lahaayeen cilaaqaad ganacsi oo heer dawladeed ah. Gabadhaasi waxay ka sii wakiil ahayd gabdhii la oran jiray “Xedsebshuut’ oo iyaduna ka sii wakiil ahayd reer Fircoon. Waxay kale oo gabadhaas dhalinyarada ihi cilaaqaad dublimaasiyeed la lahayd firkii gabadhii boqoradda ka ahaan jirtay Yemen, deegaanada reer Saba ee la oran jiray Balqiisa.

Waagii dambe oo ay dadkii magacyadaas kala haystay aqbaleen Islaamka oo ay ogaadeen in ay sheegitaanka iyo ogolaanshaha Ilaahyo wadar ihi ay ka soo horjeedo Islaamka, dhanka kalena in dhulkooda lagu magacaabo dhulkii gabadhu aysan u cuntamin ayey labadiiba baddeleen oo isla qaateen magac Islaamka waafaqsan. Magacaas oo ilaa qarnigii hadda la soo dhaafay dhulkaas iyo guud ahaanba ardiga Soomaaliyeed la oran jiray waxa uu ahaa “Bandar-Qaasim”. Haddaba maxaa magicii ay awoowayaashii isticmaali jiray ay weli qaar ka noolyihiin ee “Bandar-Qaasim’ loo qaadan waayey oo mid aan macnihiisaba la garanayn, luuqad uu ku jirana aan la ogayn, isla markaana dhaliyey ceebtaas iyo fadiixadaas loo maanta loo taagan yahay loo qaatay?

Qabtii hore waxan ku lafa gurnay magaca “Azania”, qaybtana “Puntland”, tan dambana “Somaliland.” Sidaa ayayna isugu xigi doonaan magacyada ka fiirsi la’aaneed ee lagu hoobtay.

Halkan ka daalaco Qoraalladi hore ee taxanahaan

Dr. Qaasim Hersi Faarah (www.qasimhersi.com)

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

13 Jawaabood " Halka uu kasoo jeedo magaca puntland "

  1. MAXAMED says:

    Asc walaalayaal magacan sheegsheegiddisa iyo wadwadidiisuba waxba soo kordhin maayaan ee yeynnaan waqti iskaga qadin soomaali weyn oo dhigahee
    dii wadata ayaa burburtay oon lays weydiin macdallaah buntland wax innooga muhiimsan aan difaacno oo adduun iyo aakhiraba innoo fiican ,

    laakiin wax soomaali lagu kala kaxaynayo oo cadowgii ummadda ee soo jireenka ahaa kafaaiidey sida itoobiya iyo keenya iyo gaaladooda cad waqti yaynnaan iskaga lumin soomaalkina ilaahay haysu soo jeediyo.salaam

  2. Dr Yusuf says:

    Somalidu waa cajiib haddii lagu dheho magacaa ama maxaan kuugu wacnaa waxaad dhehi Farax,maxaa keenay marka in lagu mashquulo Farax sidaan weeye iyo sidaa maaha,intaadan maqaal qorin waxaad la timadaa feker amase waxaa jira tabasho ay jirto inaad maqaal ku iftiimiso,marka ninkaan imisuu ka fekarayey inuu Puntland magaceeda saxo hadana dheho waa Bintland iyo naag baa Somalia xukumi jirtay waa wax lagu qoslo weligay ma maqal meel ay ku qorantahayna ma jirto,waxaase meel kasta ku qoran in Geeska africa waqti aad u fog ganacsi la lahaa Faraaciintii,kana qaadan jireen Foox,marka ninkaan marna kama hadal in kelmadan Punt kasoo jeedi karto luqada faraaciinta,mase ogyahay markaynu Dawlada ahayn 1991 fooxa kabaxa dhulkaas inuu udhigmay 50% productionka aduunka marka inuu sidaa magac udug ku heli karo tariikha hore muxuu ku diiday,waxaa kaloo cajiib ah Garaad jaamac oo xanaaqsanaa hada kahor inuu magacaas ku dhawaaqay marka mawaxaad isleedahay Garaadka hadalkiisa dabakh,maalintaase sidee baad ugu riyaaqday? ilaa waqtigaas ma tixraac iyo meel marin Garaadka hadalkiisa baad ku mashquulsaneyd? waxaan qabaa ilaa maalintaas hadaad ku mashquuli lahayd sidaad u hormarin lahayd bulshada SSC meel fiican ayaad wax marin lahayd maanta,dhulka ilaah baa iska leh magacaasna boqcada loo yaqaanay waa Gobolka bari iyo sanaag qeybteeda bari.
    Mahadsanid
    Dr Yusuf

  3. wadaad yare says:

    Waxaa kaloo in la ogaado u baahan taariikhda fog sida tii masaarida iwm carabta wax lagama weydiiyo oo soomaalidey kala mid yihiin.Carabtu xadaarad fog oo weyn oo diiwaan gashan oo Islaamka ka horreysey ma laha. Ummad ahaan waqti fog wey jireen laakiin xadaarad qoran oo la sheego oo islaamka ka horreysey ma laha. Af carabi qoraalkiis taariikhda kii ugu fogaa oo alfa beetada Carabiga ah waxaa laga hayaa mid la qorey 512 Nebi Ciise kadib,kaasoo ah qoraal alif beeto ah oo saddex luuqadood oo kala Griigga asyrianka iyo carabiga. Sidoo kale carabtii islaamka ka danbeysey wax cilmi lagu sheegi karo oo taariikhdii masar ah ma qorin. Laakiin cilmigaan cusub oo egyptology ga la yiraahdo wuxuu bilodey markuu Napolion Panaparti Masar qabsadey kadib oo lasoo saarey kunuuztii iyo taariikhdii aasneyd ee Masaaridii hore. Marka carabta hadda nool taariikhda Masar oo hore innagey nagala mid yihiin oo waxey ardey ugu yihiin aqoon yahannada gaaladaa oo arrintaas sida fiican u baarey.Haddana Masaaridu dad ku takhasusey ayey leedahey sida Dr.Zahi Hawas oo kale. Masaaridii horena carab shuqul iyo shaqo iskuma laheyne islaamka kadib ayaa la carabeeyey masarta cusub.

    Taasi waa mide dhulka bilaadul punt lagu sheegey waxey culimada egyptologigu ku sheegeen marba meel labada dhinac ee badda cas,kana sii fiiriya haddaad rabtaan mowsuucooyinka waaweyn sida Britanica oo kale.

    Azaniana sidoo kale min soomaaliya ilaa Muzambic ayaa marba meel la iskaga dhuftaa.

    waxa dhanna ma dhaafsiisna qoraal ummadihii hore ka tageen oon caddeyn oo marba ragga taariikhdu meel u maleynayaan.Dabcan Professor Gandi oo kale hadduu qaladka intaas la eg galey dadweynaha dameeri dhaan raacdeyda iska ah waa la qiyaasi karaa iney u maleynayaan iney arrintu af tahannimo iyo fadhi ku dirirnimo iska tahey ee aysanba u baahneyn baaritaan iyo maraajic.

  4. Maxamed says:

    Anigu magaca puntland labo ayaan u kal qaadi lahaa. Punt iyo Land. Punt waxaan la reebi lahaa Pda oo aan af somaliga ku jirin, oo B ayaan ku beddeli lahaa. la iskuma hayo in dhulkan ay faraacinnadii ku magaabi jireen Dhulkii Bunt. Taas waxaa daliil u ah qoraalka taalladii xitsebshuut ee masar markay ganacsato uu hogaaminayo nin magiciisa la yiraahdo Hanu ay soo dirtay ollog iyo daamo oo caluula korkeeda ah 2750 Ciise ka hor.
    Land waa af ingiriis oo u dhul la macne ah. Dadka ingiriis ahi ama luqaddooda ku hadlaa waa orankaraan Puntland, laakiin waxaa khald ah in qof somali ahi yiraahdo Puntland. Waxaa sax ah in la yiraahdo dhulkii Bunt. Carabtuna Arlu Bunt.
    Maxamed.

  5. Samatalis says:

    Asc dhamaan akhyaarta halkan ku soo gudbisay fikirkooda.
    Marka aan ka hadlo qormadan walaalkeen Qasim uu qoray, sideedaba haddii qofku aqoon sheeganayo waxaa looga fadhiyaa in uu u soo gudbiyo akhristayasha wax reference ah oo qofkii rabaa in si hufan u baarto ay u sahlanaato arrintaas.Lakiin sida ka muuqata qoruhu wax buu iska soo xarxariiqay aan wax raad ah lahayn.Marka Qaasimow marka dambe oo aad wax soo qoroyso,fadlan dadka muquushooda ha u gafin, soo qurxi oo wax aad iibin karto ha noqdaan, oo yaysan sida tani kaaga dusin.Haddii TITLE-ka aad wadatin sax yahay waxa aan ka hadlayo waad fahmaysaa, waayo qof yiri wax baan baaray oo haddana reference aan wadan waxa ku dhaca waad taqaan haddaad ACADEMICALLY wax u soo baratay. I thought I ask!!!

  6. wadaad yare says:

    Soomaalidu waa dad yaab leh oo agtooda aqooni ku ba,dey maadaama kii wax yaqaanna iyo kii kale aysan waxba kala dhegeysaneyn.Ninka maqaalka qorey halka mid oo uu ku saxsanyahey waxey tahey in magacaas in dhulkaas loo bixiyaa ay aheyd arrin aan qiimo laheyn oo la mid ah “Azaniya”! Sida Azania oo kale weeye magucu oo dhab ahaantii si dhab ah looma yaqaanno meesha dhabtaa oo ay faraaciintii ula jeedeen magacaas.

    The land of punt ku raadi wikipedia sidaan hoos ku qoran ayuu ka leeyahey:

    The Land of Punt, also called Pwenet, or Pwene[1] by the ancient Egyptians, was a trading partner known for producing and exporting gold, aromatic resins, African blackwood, ebony, ivory, slaves and wild animals.[2] Information about Punt has been found in ancient Egyptian records of trade missions to this region.

    At times Punt is referred to as Ta netjer, the “land of the god”.[3]

    The exact location of Punt remains a mystery. Most scholars today believe Punt was located to the south-east of Egypt, most likely on the littoral of the Horn of Africa in what is today Puntland in northern Somalia, Djibouti, Eritrea and the Red Sea coast of Sudan.[4] However, some scholars point instead to a range of ancient inscriptions which locate Punt in the Arabian Peninsula.[5]

    Qofkii ingiriiska yaqaanna wuu arki karaa in magucu uu yahey mid aan dhab ahaantii sal fadhin oo marba meel la iskaga maleynayo sida kan Azaniya oo kale. Inaad dalkaaga iyo degaankaaga malo awaal ku magacowdo soo qalad maahan?

    Laakiin qoraagu tan carabiga iyo bintland waxaan u maleynayaa isagaa iskaga ijtihaadey ee meel marjica oo uu ka keeney ma jirto.

  7. wiilwaamo says:

    Asc Aqyaarta wad salaman tihiin salan kaddib waxa wax la iswaydiiyo ah
    maxa Dadka daba dhigay Magacyo aan la aqoon inta ilaah magac bixiyay
    waxad ogtihiin Islamka in uusan ogoleen magac xun ama meel xun kasoo kasoo jeeda Gaalada oy wajib tahay in laqilaafo Gaal
    Anigu hadda lama yabani Dr Qasim madama magucu ahayn Magac Dimed ama magac Somali ama Magac 100% la isku wafaqsan yahay
    Mahan wax lagu faano Girig ama Gaal aya saas uyaqaan
    markaa waxbo yaan buuq laga kicin xata haddu Qaldamay Dr Qasim
    wayo magici ayanba ah magac mala awaal ama Gaalkasoo jeeda
    Mana ahan Aayad Quraan ah oo la beeniyay ama Fasirkeda la,isku qabtay
    Kuwa aya Azaniya labaxay kuwa aya ku doodaya Somali land Ingiriska aya noo bixiyay kuwa aya ku doodaaya Ogadenya Ingiriska aya noo bixiyay

    sow kama wanagsaneen dadku inay labaxan Waqoyi bari somaliya,Gobolada bari
    Waqoyi galbeed somaliya
    Somali galbeed
    Waamo,Jubada hoose
    mise waxay rabaan inay Mustaqbalka noqdaan Dowlado madaxbanaan oo
    ka go,a somaliya inteeda kale sida Somaliland iyo Putland oo iyana ku hanjabto xiriirka ayan ka goosaneena Dowladda federalka haddi waxas nalo yeeli waayo

  8. Cebla says:

    Asc all Akhyarta
    Wayahan danbe waxaa sobatay dad aqonyahan iska dhiga oo tariikhda jirta xataa ka been beensheg. ninka maqalkan been abuurka qoray waa aqonyahanaka fadhikudiriirka, necebna Magaca qurxda badan oo tarikhigaa Puntland. ninku inuan wax aqon waxaa cadenaya siduu wax uqoray iyo bint iyo Land mal mawada gali karan carabtu land maalbaxdaa. faraciintu afka carabiga kuma hadli jirin qoraladoodana kuma jiro. Carabtu dhulkena markay yimadeen waxay ubaxsheen Ardul Somal. Aqonyahanow xaal qado Punt waa magac baxay tarikhdii Faraciinta wana caraftii ama udgonkii beyda iyo fooxa oo ay ushidan jireen asnamtii cabudi jireen faracintii xiliga. magacan wuxu yalaa tariikhda masar ee dhulka faraciinta.

  9. shugri says:

    waxan u malaynanya in dr qaasin uu qoralka ka soo xigtay,Garaad jaamaca

  10. Qaasimoow waxaad qoratay DR. inaad tahay laakiin waxaad soo qortay wax aad u hooseeya. Caqligaaga isticmaal ma jiraan wax la yiraahdo puntland ama BintiLand ama Ardul Bint. Labada erey ee Punt iyo Land ma isku luqad baa? maxaa ninkii Ardi ku turjumay Land uu Bint u turjumiwaayey? Yaa noo yaqaaney Puntland? hadday carabta tahay Land afkooda maaha, haddey Ingiriiska tahay Punt afkooda maaha? Pakistan, Kazakhistan, Turkmenstan, IWM waa labo erey oo mid yahay Stan o ah dhulkii laakiin waa isku al luqad. England waxaa ku ku jira Land iyo ENG waana isku hal luqad. Maxaa anaga labo luqadood oo aan is qaban oo ama Carabi, Ingiriis ama hieroglyphs ah nagu imtixaamay?

    Saaxiib haddaad Dr tahay wax na anfacaya noo soo raadi aan kaa faa’iidaysanee wax calawsaad ah oo aan meel fog jirin waa ka daalnay.

  11. Waxaan rabaa inaan jawaab yar ka bixiyo ,maqaalka walaalkeen oo runtii aad mooddo inuu iska weeraray magaca Puntland, magacaas oo ah magac taariikhi ah oo soomali oo dhammi leedahay. Hadaba magaca intaanan gelin waxaan u sheegayaa in dhulkaas ay masaaridii hore ku magcaabi jireen dhulkii ilaahyada iyo dhulkii udugga iyagoo ka qaadan jiray maydiga fooxa,beeyada iyo dhirta la shido oo dhan ayna keeni jireen xariir iwm. Magaca Punt isgau waxuu ka soo jeedaa af ingiriisi ,waana mid ku cad qaamuuska ingiriisiga waana nooc doon ah oo balaadhan oo u eg noocii ay masaaridii hore isticmaali jireen. Magacaas Punt waxaa leh oo loo yaqaan noocaas doonyaha ah waana xilligaas kuwii socday oo lagu yiqiin geeska afrika iyo faraacinadii markaas joogtay oo xiriir fiican la lahaa soomalida. Waxaana hubaal ah oo taarriikhda ku xusan in faraacinada naftoodu ay raad weyn ku lahaayeen dhulka soomaalida ,waxaana ay culimada qaar yiraahdaan in soomaalida nafteedu ay ahaayeen qayb lka mid ah maamulkii faraacinada. Gabadha aad tilmaamayso ma jirin gabadh taariikhda lagu hayo oo ka talisay dhulka soomaalida, waxaana cad in xitshabsuut ay timid iyadoo marti ah dhulka soomalida balse aan wakiil iyo cid kale toonna u joogin soomaaliduna ay ahaayeen ummad madax banaan, sida taariikhda lagu hayo, marka laga reebo waqti ku siman dhowr boqol oo sano. Magaca Punt ee aad diiday inuu ingiriisi yahay bal waa kane bal eeg in eraygani ama magacani yahay yahay ingiriisi iyo in kale qaamuuska afka ingiriisigana ka eeg, waxaad kaloo ka eegta magacyada doonyaha oo aad ka helayso magacaas waa isla afka ingiriiskee.Tan af carabigana walaal xilligii faraacinada ma hyno taariikh carbeed iyo carab soomaali u dhow oo xiriir la lahayd islaamka ka dib. waxaan filaayaa inaad bal isna akhrido webkan ka faaloonaaya magaca The land of Punt. Waxaan rajaynayaa inaad ku qancdo jawaabtayda aadna ogolaato in Puntland ay magaceeda labaxday iyadoo la garanaayo waxa uu yahay iyo meesha uu ka soo jeedo.

    Punt (boat), a flat-bottomed boat with a square-cut bow developed on the River Thames.

    http://en.wikipedia.org/wiki/Land_of_Punt

  12. rage says:

    asc wr, walaal waad ku mahadsantahay cilmibaarista aad ku samaysay magaca PUNTLAND halka uu ku fadhiyo, balse walaal waxaa su,aal mudan haday dadkii hore carab ahaayeen maxaa loogu magacaawi waayey ARDUL BINTI, amaba haday dad kale oo aan ingiriiska ku hadlin ahaayeena maxaa magac kale ugu bixin waayeen, mxaa is raacshay PUNT oo aad tiri waxay ka dhigan tahay BINTI, ok hadaba maxaa is raacshay kalmad carabi ah iyo LAND oo ingiriis ah.

  13. hashim says:

    asc wr. sxb haday kalmadu carabi tahay sida aad qabto, hadana sidee isku waafajinaysaa pint land, binti waxaa tiri waa carabi garanay laakiin LAND waa ingiriis, marka hadalkaagau halkuu iska qaban la,yahay