Home » Faallo »

Bilowgii iyo Dhamaadkii Al-Shabaab

Waxaa in mudo ahba jiray aragti kala duwanaansho iyo khilaaf sii xoogaysanayay oo soo kala dhexgalay hogaanka sare ee ururka Al-Shabaab.  Khilaafaadkaas qaar waxay salka ku hayeen istaraatiijiyada dagaal ee ururka, gaar ahaan dagaaladii Muqdisho ee Sanadkii ugu danbeeyay.  Sidoo kale waxaa jirtay in isbedelka ka dhacay dunida Carabtu uu saamayn weyn ku yeeshay taageeradii Al-Shabaab ay ka heli jirtay wadamo badan sida Masar oo kale, isbedelka Yemen iwm…  Waxaa intaa sii dheerayd gumaadka lagu sameeyay rag badan oo ruug cadaa ahaa kana mid ahaa hogaanka sare ee ururkan halbowlana u ahaa isku xirka Al-Shabaab iyo ururada kale ee Caalamu Islaami , gaar ahaan dilkii:  Fazul Cabdullahi Maxamed iyo Saalax Cali Saalax.   Sidoo kale waxaa jira rag abaandulayaal ah oo Al-Shabaab looga dilay dagaaladii ugu danbeeyay balse ay qarinayaan geeridooda.

Waxaa intaa ka sii dheeraa xiristii Suuqa Bakaaraha oo dhabarjab weyn oo dhinaca dhaqaalaha , saadka iyo saanada ah ku keentay Al-Shabaab.

Hadaba waxyaalaha ugu weyn ee khilaafka madaxda Al-Shabaab keentay waxaan oran karnaa inay ahayd xeelad iyo aragti kala duwanaansho soo kala dhexgalay ama sii xoogastay , kaas oo dhexyaalay Roobow iyo Fu’aad Shangolle oo isku dhican ah, iyo Axmed Godane iyo abaanduulayaashiisa ajaanibta ah.   Khilaafkaasi wuxuu ku saabsanaa Roobow iyo Fu’aad oo dareemay guuxa dadweynaya, gaar ahaan malaaqyada iyo waxgaradka Beesha Raxanweyn oo aad uga xumaatay dhalinyaradii beeshaas ee lagu soo daabuleeyay Muqdisho Sanadkii hore kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay ku nafwaayeen dagaalkii la rabay in lagu qabto jirta Maka Al Mukarama laguna dhabarjabito ama lagu kala jaro wadadaas isku xirta Airport Muqdisho iyo Madaxtooyada.

ka bixitaanka Al-Shabaab ee Muqdisho waxaa keenay dhowr arimood oo kala ah:

  • Culayska dagaalka Muqdisho oo noqday mid habeen iyo dharaarba jab hor leh u keena Ciidanka Al-Shabaab
  • Iyagoo dareemay inuu jiro dhaqdhaqaas cusub oo la doonayo in aagag cusub lagu furo laguna wiiqo awooda Al-Shabaabsida:
  •  ciidanka huwan magaca qabiil oo uu hogaanka u hayo Prof. Gandiga  dagaal oogaha noqday kaas oo doonaya inuu awood ciidan ku sameeyo maamul uu ugu magac daray AZANIYA,  ciidankaas oo hub, nafaqo, sahay iyo saanadba ka hela dowlada Kenya, ahna ciidan dub soomaaliyeed wata balse dano shisheeye fulinaya
  • Shirka Ahlasuna Wal Jamaaca ee Caabud-waaq ka dhacay iyo Itoobiyaanka oo raba inuu kooxdaas soo hubeeyo kuna soo jiheeyo Al-Shabaabka Goballada Dhexe

Qodobadaas kor ku xusan waxaa ka daran jabka Al-Shabaab ka soo gaaray siyaasad xumadooda ku aadan Abaaraha Xaalufisada ah ee ka jirta dhulka ay gacanta ku hayaan , iyo sida xeelad iyo xirfad xumada huwan ee ay ku wajaheen arintaas iyada ah.

Ugu horay waxay sheegeen in macaluun ba’an ay jirto ayna diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan arintaas, cidii taageero u fidinaysa shacabkaas tabaalaysana soo dhawaynayaan.  Arintaas ayaad moodaa in ay ahayd gool siyaasadeed ee ay Al-Shabaab dhaliyeen, taas oo sababtay xataa wadamadii ugu cadcadaa cadaawada Al-Shabaab inay hadalkaas isaga ah soo dhaweeyeen.  Waxaase nasiib daro , hungow iyo fajiciso Soomaliweyn iyo caalamkiiba ku noqotay kolkii ay Al-Shabaab sheegeen inaysan abaari jirin, cid iman karta dhulka ay joogtana aysan jirin.   Hadalkaasi wuxuu dhaawac weyn u keenay sumcadii Al-Shabaab waaba hadii ay sumcad lahaayeene, wuxuuna muujiyay inaysan kala jeclayn danta iyo daryeelka shacabka tabaalaysan oo hoostaga maamulkooda jajuubka iyo qoriga caaradiisa ku yimid.

Waxaa intaa sii dheer aflagaadada joogtada ah ee ay Al-Shabaab ku hayaan culimada Soomaaliyeed gaar ahaan Culimada manhajka Salafiga, kuwaas oo ka horyimid aragtida Al-Shabaab, diiday in waxa Al-Shabaab ay wadaan uu yahay Jihaad.  Hadaba aflagaadada Al-Shabaab ee culimadu waxay keentay inay halkaa ku waayaan taageero wayn, dhalinbadan oo la soo marin habaabiyayna ay ka dhuuntaan Al-Shabaab kana horyimaadaan mabda’ooda guracan ee gumaadka ku salaysan ee aan caqli iyo cilmi midna xambaarsanayn.

Gunaanad:

Waxaa hubaal ah in Al-Shabaab ay dareensan yihiin in ciidanka iska habqanka ah ee weli hogaanka qabiil hoostaga ee ku abtirsanaya TFG-2 iyo Ahlasunna aysan ku heshiin doonin maamulka muqdisho , maadaama uusan jirin haykal iyo hogaan midaysan ee ay hoostagaan, sidaa awgeed waxay Al-Shabaab rajaynayaan in kadib markii isbaarooyinkii , dhicii, kufsigii iyo dilkii soo noqdo ay shacabka Muqdisho u boholyoobi doonaan xukunkii midaysnaa ee gacanta birta ah watay ee Al-Shabaab.   Hadaba riyadaasi inay rumowdo in inkale waxaan oran karaa waa mid ku xiran sida ay dowlada TFG-2 u xakamaysano guushaan iyada ah, u maamusho ciidankooda, meeshana uga saarto ciidamo beeleedyada iyo diimeedyada aan isku hadafka iyo hogaanka ahayn.

Waxaa isweydiin mudan hadii aagag dagaal oo cusub lagu furo Al-Shabaab inay awood , daqaale, saad iyo ciidanba u hayaan ay isaga caabin karaan weeraradaas iyaga ah. 

Waxaa kaloo isweydiin mudan in TFG-2 ay awood ciidan, dhaqaale iyo xeeladeedba u yeelan karto inay ka faa’iidaysan karaan jabkan Al-Shabaab, raacdayn karaan , kalana wareegi karaan goobo iyo gobolo cusub, mise Muqdisho ayay baroosinka dhigi doonaan.

Waxa ugu weyn ee soo dedejin kara jabka Al-Shabaab waa in dagaal dhexmaro Al-Shabaab labadeeda garan, waa garabka Godane iyo Ajaanibtiisa iyo Garabka Roobow, Fu’aad iyo Xassan Daahire.

Maxaa yeelay Mr. Godane iyo Ajaanibtu waa dad aan lahayn goob iyo hoy ay u noqdaan waa hadii Al-Shabaab la kala diree, sidaa awgeed ilaa geeri waxay diyaar u yihiin inay dagaalamaan.  Meesha kooxda kale oo uu hogaanka u hayo Mr. Roobow ay joogaan guryahoodii , taageerona ka haystaan jifadooda.

 Farah Aw-Osman  – awosman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Bilowgii iyo Dhamaadkii Al-Shabaab "

  1. gaalo did says:

    asc wrx, qofka qoray qoraalkan horta wuxu uu eg yahay ruux hurda oo aan waqiciga la socon dhanka kalena uu ka buuxo gaalo jacayl iyo islam nacayb waxan uu qoray wax ka jira ma jirto horta waa markan sii dacaad ah uu eegno xallaada dhabta ah ee ka jirta somalia dhanka dagalka uu dhexeya xarakada iyo gaalada iyo kaalkaliyayashooda ninkan wuux iska jeclaystay in islamku jabo oo gaalo gulaysato oo xamar lagu kufsado hooyooyinka aay hooyadis ugu horayso.