Home » News »

War Saxafadeed Ku Saabsan Maamulka Azaaniya

Waxan halkan ku caddeyneynaa inaan si adag u diiddannahay muumulka la dhoodhoobay ee la magac baxay Azaaniya. Waxa ay innagula muuqataa in maamulkaasu aannu wadin danaha dadweynaha gobollada uu sheegtay inuu matalo iyo good ahaanba tan umadda Soomaaliyeed oo ka daashay kala qeybin.
Marxaladda dalku marayo maanta marka la eego, ma ahan in la abuuro kooxo cusub ee waa in laga shaqeeyo sidii la isugu keeni lahaa dadka meel wada dega. Gobolladan waxa ay soo mareen dhibaatooyinkii ugu ba’naa ee laga dhaxlay dagaalladii sokeeye, mana dooneyno in umaddu cadaawad dib loogu celiyo. Haddii maamul la sameynayo waxa ay tahay in ummadda oo dhan lagala tashto, ee ma ahan in dad gaara oo dalal shisheeye wataan si tuuganimo ah lagu soo magacwdo.
Sidaa darteed waxan caddeyneynaa in Maxamed Cabdi Gaandi uusan la tashanin dadkii degaanka Jubada Dhexe, ugaasyadoodii, sagaalayaashoodii, odoyaal dhaqameedyadii, culuaau’ddiinkoodii, iyo aqoonyahanadii xaqa u lahaa iney shuruucyada degaanka loo sameynayo wax ka dajiyaan. Intaa markaanu aragnay waxaanu garannay in maamulkan aaney dan ugu jirin umadda Soomaaliyeed ee degaanka. Sababtaa darteed annagu waxannu raacsan nahay ummadda Soomaaliyeed ee bah wadaagta ah ee xorta ah, Gaandina uusan nagu xisaabtamin inaan ka mid nahay. Waxan sidoo kale adduunka u sheegeynaa inaanan raacsaneyn maamulkaasi.
Waxan walaalkayaga Gaandi iyo inta la shaqeyneysa ugu baaqaynaa iney ka toobad keenaan khiyaamada faraha loo geliyey, ayna dib ula soo noqdaan sumcaddii iyo kalsoonidii ay ummaddooda dhexdeeda ku  lahaayeen.
 
Afhayenka jubada dhexe 
 Cabdi maxamed cali cabdisokar 
 Tel: 7012000018

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " War Saxafadeed Ku Saabsan Maamulka Azaaniya "

  1. geele jama says:

    marka waxaan salmayaa somalitolk marka xigga aragtidayda waxaan sicad u burinyaa ama udiidayaa bayaanka aan macnaha iyo murtidda midna xanbaarsaneeyn ee eedu kabuuxo waxaan u sheegayya dadka in loobaahanyahay state ka anzania, intaa kadib burburkii somaliaya waxaa kadhashay dowlad gobaleedyo kuwaas oo midwalba aay abuurteen dadka deegaanadaa leh waxaayna qabteen wax badan oo hadaan la abuurin maanta aay halis gali lahaayeen gobolo badan iyo dadbadaniba
    hadaba maxaa keenay in suaal laga keeno nin u istaagay in uu u adeego bulsho ubaahan horumar iyo nidaam maxaase kaliya oo suaasha loogu soocelcelinayaa ansaaniya , tan iyo dowlada dhexe waxaad moodaa in aay culees xoogleh ama cabsi xoogle kaqabaan abuuranka state anzania fikirkana waa fikir aay ethiopia kadanbayso iyadoo usoodhiibaysa biidhi qaatayaasha somalida ah cabsi weeyna ama xaqiiqiyan u aragta in anzania aay kutahay halis buuxda kana cabsanaysa in soomalinimadii aay soonoqoto
    sikastaba ha ahaatee haddaad deegaanka kamid tahay si farsama ah oo wanagsan doodaad qabto udhiibo ceebta iyo cayda iyo qaadacaada midnawaxba kuuma tarayso anzaniayana waa dhaqaqday kadhicin tarainka ee dhankaaga qabso