Home » Warar »

Ururka Samafalka Markabley oo howl Gargaar Raashin qeybin ah ka bilaabay Deegano ka tirsan Gobolka Gedo

Ururka Samafalka Wadaniga ah Markabley Relief and Development Trust  ee fadhigiisu uu yahay Dalka Ingiriiska  ayaa Maalmahii ugu dambeeyey waxaa uu howlo gurmad Raashin qeybin ah ay ka wadeen Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo xilligani ay ka taagan yihiin  xaalado Qalafasan oo la xariira Abaaraha iyo dhibaaatooyin nololxumo oo saameysay nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan qeybo ka mid ah Gobolka.
Gargaarkani Raashineed oo noocyadiisu ay ka kooban yahiin Bur iyo Saliid ayaa waxaa loogu tala galey in la gaarsiiyo dad gaaraya ilaa Labo kun oo qoys, kuwaasi oo u badan Qoysas ku xoolo beelay Abaaraha iyo Beeraley waxsoosaarkii ay ku tiirsanaayeen ay ragaadiyeen Abaaraha ka taagan Gobolka,iyadoo Gargaarkani rashineed ee la siinayo Qoysaskani faraha badana ay yihiin Deeq  ay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Nairobi iyo Hay’adda Kalkaal ee Nairobi ku Taageereen hay’adda Markabley.
Cabdweli Lugey Garaad oo ka mid ah Howlwadeenada Ururka Samafalka Markabley ayaa mar uu la hadlayey Warbaahinta waxaa uu ka warbixiyey deegaanada ugu daran ilaa iyo hadda ay gaarsiiyeen Raashinka Gargaarka ah in ay ka mid yihiin Dhulka  DIRHARA oo ah meelaha ugu daran ee ay abaaruhu saamaynta ba’an ku reebtay, Tuulooyinkaas waxaa ay kala yihiin Warguduudo (agagaarka Ceelcade) Kurtundhooble, Ceelguduud, Dheenle iyo Shabeeloow.
Cabdweli Garaad ayaa waxaa uu intaasi kudarey in maanta ay ku talo jiraan in Raashin gargaar ah in ay gaarsiiyeen Boqolaal Qoys oo u badan Haween iyo Caruur,kuwaasi oo ku kala sugan Qaar ka mid ah Tuullooyinka hoos yimaada degmada Baardheere oo ay ka mid yihiin Kudug,Busley iyo kuwo kale iyo weliba deegaano kale oo ka tirsan degmada Buurdhuubo. isagoo sheegayna Qoys weliba in ay u Qoondeeyeen raashin ku filan mudo Toban maalin ah.
Qaar ka mid ah Qoysaskii la siiyey Gargaarka raashineed ayaa waxaa ay u mahadceliyeen Ururka Samafalka Markabley oo deeqdani soo gaarsiiyey,iyagoona dhinaca kalena sheegay gargaarka noocani oo kale ah in ay baahi weyn u qabaan ,islamarkaana uu wax weyn uu ka tarayo Noloshooda.
Si kastaba arintu ha ahaatee Gargaar raashineed ee la siiyey Qoysaskani faraha badan ee ku kala sugan degaano badan oo ka kala tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xilil Qeybo badan oo ka tirsan Gobolada Koonfureed ee dalka ay ka soconayaan howlo gurmad raashin lagu gaarsiinayo Kumanaan Qoys oo ku macaluulsan Qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya.
 Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo  

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.