Home » Warar »

Ma Fogeysanayo in Muqdisho lagu iibiyo Xoolo Bakhtiyey”Xuseen Fiidow Cali”

Tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya 1991 waxaa dalka Soomaaliya ka dhacay arrimo fara badan oo dadka ku reebey Ma hadho  waxayna arrimahaan inta badan dadku ku sababeeyeen dowlad la’aanta jirta, waayo dadka haddii aysan haysan sharci kala haga, waxaa xaqiiqo ah in ay sameynayaan wixii ay doonaan, iyadoo ay taasi jirto ayaan xuuraansi u galay arrimo ka mid ahaa kuwo ugu foosha xun ee Muqdisho lagu arkay, waxaa soo ogaaday in Muqdisho lagu iibiyo Xoolo Bakhtiyey.

 

Xuseen Fiidow Cali oo ka mid ah Dalaaliinta xoolaha ayaa mar aan ka wareystay bal in ay jiraan in Muqdisho lagu iibiyo xoolo Baqtiyey ayaa wuxuu yiri “Arrintaan ma fogeysanayo waayo dhowr jeer ayaan damcay in aan bulshada u iftiimiyo, maanta waa Illaahey Mahadii hadii aan helay qof raadinaya xogtaan ku aadan in Muqdisho lagu iibiyo xoolo Baqtiyey, mudo dhowr iyo sodon sano ayaan ahaa Dalaal xoolaad, waxaana sanadihii dambe aan arkay in Gawaarida xoolaha lagu keeno waagii hore ay dhici jirtay in ay ku dhex Baqtiyaan marka ay is jiraan , waxaana lagu soo tuuri jiray meelaha Duurka ah, haatanse waxaa la soo geliyaa Magaalada Muqdisho, waxaana jira dad u taagan in ay iibsadaan si ay uga sii gacansadaan, waxayna si qarsoodi ah kula heshiiyaan Darawalada iyo Kirishbooyada Gawaarida kuwaas oo u eegaya meesha ay doonayaan”.

 

Nin kale oo degan Xaafadda XamarJajab oo xooggaa ari ah u joogaan ayaa neef ka mid ah ka Baqtiyey goor galab ah, wuxuuna go’aansaday in uu subixii iska fogeeyo Neefkaas baqtiyey, hase yeeshee wuxuu sheegay in habeenkii neefkii Baqtiyey gaari gacan lagu qaatay, markuu subixii waagu baryey oo uu damcay in uu neefka iska fogeeyo ayuu ka waayey meeshii uu ku ogaa, wuxuuna ii sheegay in neefkaas Baqtiyey hilibkiisa suuqa la geliyey.

 

Markii Gobalka Sh/hoose uu ka talinayey Maxamed Cumar Xabeeb (Maxmed Dheere) ayaa kawaanka Degmada Jowhar waxaa laga soo qabtay nin bulshada ka iibinayey hilibka Dhurwaaga, markii Maxkamadda la soo taagay ayuu ninkaasi qirtay in mudo dhowr sano ah uu bulshada Jowhar ka iibinayey hilibka Dhurwaaga, waxaana arrintaasi si weyn ula yaabay dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Gobalka Sh/Dhexe.

 

Magaalada Muqdisho gudaheeda waxaa jira goobo lagu qalo xoolo aad caato u ah oo goobtaas markay dadku marayaan ay sanka qabsadaan ur dartiis, waxaana dhawaan arkay neef Geel ah oo Gaari xaajiyad ah saaran, ninkii waday Gaariga ayaa weydiiyey sababta loo soo saaray Hashaan Gaariga, wuxuuna ii sheegay in neefku caato darteed socon waayey sidaas ayaana lagu soo saaray Gaariga  waxaana la doonayaa in laga iibiyo Bulshada Muqdisho.

 

Isku soo wada duuboo Illaah baa u maqan Soomaaliya, waxayna u dhexeysaa nin ka iibiya xoolo baqtiyey, nin Daawo dhacday ku iibiya, nin Daraagis ku dhex iibiya, nin Sun Badda ugu shuba, nin Qolofta Geedka Caleen shaah ka dhiga, Haween Caano biyo ka buuxiya oo sidaas ku iibiya, nin Qaad iyo xashiish ku iibiya, nin isbaaro u dhigta dadka, madfac si arxan la’aan ah loogu rido goobaha dadku degan yahay, nin cudur ku beera iyo arrimo fara badan oo  aan la soo koobin karin, waxaana arrintaan looga gudbi karaa iyadoo la helo Dowlad dadka u shaqeysa oo ka hortaga dhamaan xumaha aan soo sheegay 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.