Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo Meless Zanawi ka codsadey inuu kaalmeeyo shacabka abaaraha.

Waxaa Magaalada Adib Ababa ee Dalka itoobiya dhawaan gaarey Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Shiikh Shariif Shiikh waxaana halkaa kulan uu kula yeeshe Raiisul Wasaaraha Itoobiya Meless Zanawi waxaana kulankaas la iskula soo qaadey Abaaraha ka taagan Soomaaliya  iyo la dagaalanka Xarakadda Al-Shabaab iyadoo   Shhikh Shariif ka codsadey Meles Zanawi  in ay kaalmeyso Shacabka ka soo cararey  Abaaraha iyo dagaalada

Hadaba qoraalka ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada ayaa waxaa uu u qornaa sidatan:

Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa la kulmay  Raisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Meles Zenawi. Labada masuul ayaa waxay ka wada hadleen abaaraha baaxada weyn ee ka jira Soomaaliya iyo sida xun ay Al-Shabaab/Al Qaeda ay uga soo horjeesteen in shacabka gaargaar loo fidiyo

Madaxweyna ayaa u sheegay Raisul Wasaaraha in qaxooti aad u farabadan ay saacad walba usoo gudbaan xuduudaha ay Soomaaliya la leedahay Itoobiya iyo Kenya.Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka codsaday in ay dowladda Itoobiya kaalmeeyso shacabkaas kasoo qaxay Al-Shabaab/Al-Qaeda.

Halkan kadaawo sawiro dheeri ah

Raisul Wasaaraha ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay Itoobiya marwalba ay garab taagan tahay Soomaaliya lana wadaagay Madaxweynaha waayo arragnimo ay u leedahay Itoobiya xagga abaaraha. Sidoo kalena sheegay in ay Itoobiya ka saacideyso dhanka logistical ka iyo sidii ay ugu qeybqaadan laheyd gargaar la gaarsiiyo xuduudaha Soomaaliya iyo gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale labada Masuul ayaa ka hadlay amniga Geeska Africa iyo sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya loo helo xal nabadeed iyada oo la og yahay in ay Soomaaliya hada Al-Shabaab/ Al-Qaeda iyo Abaara xun ay ka jiraan, taasna ay u gudbi karto dhamaan Geeska Afrika.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa waxaa Magaalada Khatuum uu kula kulmey Dhigiisa wadankaas Cumar Xasan Al-Bashiir waxaana la iskula soo qaadey kulankaas xaalada Soomaaliya iyadoo Madaxweynaha ka codsadey Dowladda Suudaan in ay gacan ka geysato samatabixita dadka ay abaaraha Saameeyeen , waxaana Cumar Al-Bashiir uu u sheegey Shiikh Shariif in Dowladda Suudaan ay dhawaan garagaar soo gaarsiin doonto dadka ay abaaraha waxyeeleeyeen

Waxaa lagu wadaa in Sagaalka Bisha Agoosto Magaalada Adis –Ababa uu ka furmo kulan Dhaqaale loogu ururinayo Soomaaliya waxaana ka soo qaybgeli doona Madax  ka tirsan Dowladaha Afrika waxaana Dhaqaalahaas loogu tala galey dadka ay abaaraha Sameeyeen ee Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyo Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Mudane Maxamed Maxmuud Xaaji Ibrahim,Wasiirada Haweenka iyo qoyska Marwa Maryan Aweys,iyo Wasiirkiii hore ee hawlaha guud iyo Dib u dhiska Mudane Cabdi Rashiid Khallif Xaashi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.