Home » Warar »

doorashada gudomiyaha ardayda bangladhesh

Xaflad aad u balaaran oo si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa lagu qabtay Magaalo madaxda wadanka Bangladesh ee Dhaka, Xafladaas oo ay soo agaasimeen ururka ardayda soomaaliyeed ee Bangladesh taas oo loogu tala galay in lagu doorto guddoomiyaha sanadka 2011-2012 hogaamin doono ururka ardayda soomaaliyeed ee dalkaas Bangladesh, Waxaa Doorashadan sida caadada ahba la qabtaa sanadkiiba  mar kaas oo lagu doorto guddoomiye iyo guddiga fulinta ee ururka, Xafladaas oo aheyd mid si wacan loosoo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan inta badan ardayda wax ku barata dalka Bangladesh ayaa maalintii shalay ahayd waxaa suurto gashay iney qabtaan doorashadii taasoo sidii la rabay u dhacday waxaana lagu furay xaflada aayadaha quraanka kariimka ah sida diinteena qiimaha badan ay qabto, dabadeedna is marxabeysi kadib, waxaa halkaasi lagu soo bandhigay wax qabadkii ururka ardayda intuu jiray iyo wixii barnaamij ahaa uu ka qeyb galay, kadibna waxaa laga dooday dhibta hada ka taagatan Soomaaliya ay ugo wayntahay abaaraha ,iyo ardayda siday ugo qaybqadanlahaayin activitiga jaamcadaha dalkaan ka jira iyo  bisha Ramadan waxaa halkaasi qudbado kooban ka jeediyay guddoomiyaha xilka kadagayay  Eng.  Axmed cali cabdi ..(dayib)  iyo gadoomiye ku xigheenka Eng. Cabdulqaadir iyo  marti sharaf kale…


Waxaa ururkan Ardayda Soomaaliyeed la aas aasay markii taariikhdu aheyd 04 bisha April 1986-dii markii ardayda soomaaliyeed ee dalkan Bangladesh  ee wax ka barata jaamcada Islamioc Universty of Technology (IUT) ku nool inta isku tageen go’aansadeen iney aas aastaan urur hadafkiisa ugu weyn ay tahay wax wada qabsiga iyo iska war qabka ardayda soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan goboladda dalkaas Bangladesh , si midnimada iyo wada shaqeynta loo hagaajiyo loona mideeyo ardayda soomaaliyeed si ardayda kale ee asagooda ah ee wadamada kale ka yimid ay wax ula qeybsadaan, wuxuu ururka ku guuleystay intuu jiray waxyaabo badan oo ay ka mid tahay ujeedooyinka loo aas aasay oo ay ka mid tahay: midnimada ardayda, wax wada qabsiga, kor u qaadida tayada iyo magaca ardayda soomaaliyeed, ka qeyb galka barnaamijyada caalamiga ah ee lagu dhigo wadanka Bangladesh, soo bandhigida dhaqankeena suuban iyo diinteenaba, iyo ku baraarujinta ardayda sida ay wax u qabsan lahaayeen mustaqbalkooda waxbarashana isaga hagaajin lahaayeen, iyo iyagoo Jaamacadaha  ka codsay in kordiyo tirada ardayda soomaaliyeed ee deeqda waxbarasho la siiyo.


Intaa kadib doorashadii La qabtay ayaa waxaa ardayda u doorteen inuu Guddoomiye u noqdo Eng. Mohamed Abdullahi  Warsame, ururka ardayda Soomaaliyeed ee Bangladesh , iyo gudooomiya ku xigeen Eng. Ibrahim ali Abshir .Waxaana wax sharaf mudan ah sida ay kalsoonida iyo wax wada qabsiga u muujiyeen dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee halkaasi wax ku wada barta iyadoo gaba gabadii shirkiina lagu soo gaba gabeeyay farxad iyo reyn reyn.. 

By.Eng.Mohamed Abdullahi Warsame 
Email..Warsamecadde@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.