Home » Warar »

Munaasabad lagu Xusayey Sannad Guuradii 13 aad ee Maamulka Pundland oo ka dhacdey Garoowe

Waxaa Magaalada Garoowe ee Maamumul;ka Pundland  ka dhacay Fantasyo iyo Dabaaldegyo loo sameyanayey Sannadguuradii 13 aad ee maaamulka Pundland  waxaana ka qaybgaley Masuuliyiin uu horkacayey Madaxeynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole  iyo marti sharaf kale  waxaana garoonka Mire Awaare lagu soo bandhigey dabaadegyo ay sameeynayeen  Ciidamada Qalabka Sida ,Ururada Dhalinyarada , Kuwa Haweenka iyo kuwa Isboortiga

 

Madaxweynaha ayaa salaam ka qaatey Ciidamada Qalabka sida iyo xubnihii kale ee halkaa ku dabaadegayey mar uu halkaa ka Hadley Cabdiraxmaan Faroole wuxuu u mahadceliyey intii isku soo dubaridey Xafladda loo sameynayey 1-da Ogoosto oo ah  markii la aas-aasey Maamulka Pundland  wuxuu kaloo uu  ka Hadley Abaaraha ka jira Soomaaliya isagoo  sheegey in uu aad ugu xun yahay dadka dhibaatada ka soo gaartey Abaarta iyo Colaadaha

 

Madaxweyne Faroole wuxuu ugu baaqey shacabka ku nool Gobolada Pundland in ay gacan ka gaystaan sidii ay u Caawiini lahaayeen dadka ay saameeysey Abaaraha , wuxuu kaloo ka Hadley Amaanka Maamulka Pundland isagoo sheegey in Dowladda ay wax ka qabn doonto wuxuu ugu baaqey shacabka in ay kala shaqeeyaan xasiloonida Pundland

 

Dabaal degaan ayaa lagu tilmaamey kii ugu weynaa ee loo sameeyo Sanadguurada 13 aad ee Maamulka Pundland  hase yeeshee sanad guuradaan ayaa ku soo beegantey xilli Deegaano ka tirasan Maamulka ay ka jiraan xasiloonidarro iyo Dagaalo wallow uu maamulka uu sheegey in ay wax ka qaban doonaan nabagelyo xumida ka jirata Deegaanada qaar waxaana Caawa Xarunta Maamulak Pundland ka dhici doontaa Xaflad iyana lagu xusi doono  Sanandguurada 13 aad ee Aas –Aaskii Pundland

 

Maamulka Pundland ayaa waxaa Aas-Aasey Madaxweynhii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed mar dhawaan laga wareystey Amaandaridda ka jirta Pundland waxaa uu yiri “Anihga markaan Xukumayey waxaa adeegsan jirey Xeelado Milatari sidaa darteed ayaa ruuxa wax xukumaya laga rabaa in uu  la yimaado Xeelado uu ugu gudbayo wax soo wajahay  isaga ayey ku xiran tahay”

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.