Home » Warar »

Jaaliyadda Reer Qatar oo ku Dhaqaaqey Talaabo Taariikh ah ka dib markii ay iska Ururiyeen Deeq balaaran

Jaaliyadda reer Qatar oo khilaafaadkooda meel iska dhigey oo isku raacay inaay garab istaagaan walaalahooda Soomaaliyeed ayaa Xaflad si heer Sare ah loo soo agaasimey, ayaa dhawaan ka dhacadey Dalka Qadar   waxaa ka soo qeyb galay dhamaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda oo ay horkacayaan safaarada,hogaanka jaaliyadda, culimada, ururka ardayda,ururka Dhalinyarada iyo  ururka Haweenka.

 

Waxaa lagu bilaabey barnaamij Muxaadaro gaaban oo ay soo kala jeediyeen Sh. Axmed Xaaji QaAsim iyo Sh. Mahad Diiriye, kadibna waxaa lacagta lagu boobey Sanduuqyo ay keentey Hay’adda Qatar Charity oo ka mid ah Hay’adaha ugu dhaqdhaqaaqa badan arimaha Somalia.

 

Dumarka Soomaaliyeed oo iyaga lagu yaqaano Qiiro iyo wadanimo  ayna hore u baabuleen Barnaamij ku saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa markii ay arkeen sawiro naxdin leh oo la soo bandhigey ayay qaar ka mid ah la aamusin waayey oohin darteed taasoo ay si aad ugu qushuuceen dadkii lagu Martiqaadey Barnaamijka Ururinta Deeqda .

 

Xafladan oo ay aheyd inuu ka soo qeybqalo Safiirka Somalia ufadhiyo Qatar iyo Sheekh Cabdurashiid Sheekh Cali Suufi laakinse duruuf ku timid awgeed kama soo qeyb galin laakinse waxay soo direen fariimo dhiiri galin.

 

“Waa markii u horeysay oo aan arko jaaliyadda Soomaaliyeed oo isugu timaada Soomaalinimo” Waxaa sidaas yiri Sheekh Adam Sheekh Xasan oo kamid ah culimada jaaliyadda oo ku dhawaad 30 sano dagan magaalada Doha.

 

Oday kale oo mudo badan daganaa Qatar ayaa isna xusay sidey xaaladu ahaan jirtey jaaliyadda “Abaartii 1994, waxaa dalkan laga aruuriyey lacag lagu taageerayo dadkii Soomaaliyeed ee ku dhibaataysanaa Somalia. Nasiib daro, cidkasta oo wadankan dagan(xitaa Bangaliga iyo Nepalka) waxbey bixiyeen marka laga reebo jaaliyadda Soomaaliyeed waayo waxay kala taageersanayaan kooxii meesha ku herdamaayey. Maantase waxaan arkaa arin taas ka duwan iyo shacab isu naxaya”

 

Waxaa si aad ah loogu farxay markii dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka soo laabtay wadama reer galbeedka ay sheegeen inay iskood isu abaabulay xafladan ka hor oo la wareegey cunta siinta comp laga furey duleedka magaalada Muqdisho

 

‘Anagaa gacanta ku hayneyna quudintooda maalintii 3 jeer ilaa inta laga helaya Hay’ad la wareegta’ waxaa sidaas shaaca ka qaadey afhayeen u hadlay dhallinyarada oo ka soo qeyb gashey xafladan. Wuxuu intaas ku darey afhayeenku inay ugu soo qayb galeen xafladan inay si’ay u muujiyaan midnimada jaaliyadda reer Doha.

 

Dadkii meesha ka hadlay waxaa ka mid ah lataliyaha safiirka arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha,ahna siihaya arimaha safaarada Mudane Mukhtar Cali Yusuf oo sheegey in dadaalku intaa ku ekaan doonin oo la sii wadi doono isku tashiga maanta bilaamey. Wuxuu sidoo kale sheegey in Safaarad ahaana ay samayn doonaan xariiro badan oo arintaa la xariira.

 

Gudoomiyaha jaaliyadda mudane Cali Maxamed Askar oo sheegey in loo baahan yahay inaan garab istaagno Hay’adaha doonaya inay Somalia wax geeyaan laakinse baqaya amaan ahaan. “Xitaa anagaa balan qaadayna inaan gaarsiino meelaha la leeyahay waxa jooga dad diidan Musaacadada. Waxaan diyaarineyna volunteers geeya Musaacadada dhulka fog”

 

Baaq

Midowga Dhalliniyarada Soomaaliyeed reer Qatar waxay ugu baaqayaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay iska iloobaan ‘Aduunbaa’ noo soo Gurmanaya… Hay’adihii meeyey? Oo laysku tashado. Dhaqdhaqaaqa ay wadaan ummada Soomaaliyeed wuxuu xambaarsanyahay fariimo kala duwan oo lagu saxayo qalad horey na looga fahansanaa. Ummadda Soomaaliyeed ee gudahana waxay u tahay fariin kale.

Waxaa loogu baaqaya Xarakada Al-shabaab, dowlada ku meelgaarka iyo ciidama shisheeye wadanka jooga inay ku dhawaaqaan xabad joojin dedeg ah mudo 3 bilood iyo inta abaarta laga baxaya. Maantaa la ogaanaya cidda barnaamijkeedu yahay inay dadka noolayso iyo inaay la doonayso gumaad.

Ugu danbeyntii waxaa loogu baaqaya dhallinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan inay u kacaan wadankooda oo ay gaarsiiyaan Caalamka fariin ka gadisan waxa nalaga aaminsanyahay oo ah inaan naqaan sidaan ‘isu gumaadno oo aan aqoon sidaan isu nooleyno.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yaho.co.uk  

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.