Home » Warar »

Dugsiga Iimaam Axmed Bin-Hambal oo ay ka Qalinjabiyeen 170 Arday magaalada Minnesota

Xaflad weyn oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday badhtamaha magaalada Minneapolis, ee Minnesota caawa oo ay bisha ramadaan below tahay, berina laga soomayo Minnesota. Xafladan oo lagu beegey hordhaca Ramadaanka ayaa ku saabsanayd qalinjabin arday, ka qalin jabisey dugisga Iimaam Axmed Bin-Hambal ee ku yaala koonfurta magaalada Minneapolis. 
Dugsan ayaa waxa caawa soo bandhigay arday gaadhaysa 170 arday oo dhamaysay xifdinta quraanka, xadiisyada, higaada, barashada tarbiyada diinta, iyo ixtiraamka waalidka. Ardaydan ayaa waxa y uga duwaneyd ardaydii hore, waxa imtixaanka ka qaadayay dadweynihii ka soo qayb galay xaflada. Waxa la soo dhigay magac ay ku qoran yihiin ardayda, ka dibna waxa lagu dhahayaa kala bax magac, ardayga leh magacaas ayaa waxa uu akhrinayaa suurada ka danbeysa ee uu macalinku ku dhawaaqo. Suuradaas waxa ay noqon kartaa suuradkasta oo ku jirta kitaabka.
Sidoo kale waxa xafladan lagu soo bandhigay arday sedex jir ah oo higaada la baray iyo tarbiyada islaamka. sida in lagu cuno gacanta midigta iyo sida musqusha lagu galo. Waalidiintii halkaas isugu yimid ayaa runtii waxa ay u qireen macalimiinta dugsiga in ay u hureen ardayda wakhtigooda. Waxayna waalidiinta balan qaadeen, in ay la shaqayn doonaan macalimiinta.
Ugudanbeyntii ayaa waxa uu dugsiga balan qaaday in ay sanadka danbe soo bandhigi doonaan arday intan ka badan oo xafidsan quraanka.
Halkan kadaawo masawira dheeraad ah
Ardayda da’da yarna ay bari doonaan higaada quraanka, waayo waxa la isku wada raacay in ay higaadu muhiim tahay oo ardayga uu kaligiis akhrisan karo hadii la baro sida loo kicinayo quraanka.
Abdimalik Askar
Somali Media
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.