Home » Warar »

Ururka Samafalka HIRDA oo iskuul Waxbarasho oo ku yaala Magaalada Kismaayo ku kordhiyey dhismayaal Cusub

Ururka Samafalka Wadaniga ah ee HRDA ayaa gudaha Magaalada Kismaayo waxaa uu ku soo gabagabeeyey Howl Mashruuc balaaran oo dhismayayaal cusub loogu kordhinayey Mid ka mid ah iskuulkan  Waxbarashada ee ku yaala Magaalada Kismaayo,Iskuulkaasi  oo lagu Magacaabo Maxamed Jaamac Primary and Secondary School oo ay hadda wax ka bartaan ardey tiradoodu ay gaareyso ilaa 500 oo ardey oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.
 
Axmed Faarax Cali (Aweys) oo ah Maamulaha Iskuulka  Maxamed Jaamac Primary and Secondary School ahna Wakiilka Dalada JEN ee Gobolada Jubbyinka oo la hadlayey Warbaahinta ayaa waxaa uu faahfaahin uu ka bixyey Howlaha mashaariicda ah ee Ururka Samafalka HIRDA uu ka fuliyey dhismaha Dugsigaasi oo uu sheegay in ay ka mid yihiin ilaa 7 musqulood oo loogu talagaley in ay isticmaalaan Ardeyda iyo Macalamiinta,Berkad Weyn oo ardeydu ay ka cabaan biyo nadiif ah iyo Hal Ceel oo biyaha laga dhaansado.
 
Aweys ayaa waxaa uu intaasi ku darey Mashruucani dhismaha oo ah kii ugu balaarnaa ee Iskuulkan laga hergeliyo mudo ka badan ilaa 21 sano ayuu sheegay Mamuulka Iskuulka,macalamiinta ,Ardeyda iyo Gudiyada waalidiintuba in ay baahi weyn u qabeen in laga saacido adeegyadan noocani oo kale ah oo uu sheegay in ay ahmiyada gaar ah u leeyihiin dardargelinta Howlaha Waxbarashada ee ka soconaya deegaanka,isagoo dhinaca kalena ku amaanay Ururka HIRDA mashaariicdii dhismaha ahaa ee ay ka fuliyeen iskuulkaasi.

Halkan kadaawo sawiro dheeri ah
 
Iskuulkan  oo soo maray marxalado kale gedisan ayuu sheegay in hadda taageerada uu ku socdaa in ay tahay mid ka timaada gudiyada Waalidiinta ee Ardeyda,taasoona wada dabooli karin ayuu yiri Baahiyaha gaarka ah ee iskuulka  sida Dhismayaasha,Dayactirka Qalabka iskuulada  iyo Dhirigelinta Macalamiinta,waxaana uu ka Codsadey Ururka Samafalka HIRDA in ay sii laban laabaan kaalmada ay u fidinayaan Dugsiyada Waxbarashada ee ka dhisan Dalka Soomaaliya.
 
Ma ahan markii ugu horeysay ee Ururka Samafalka HIRDA uu taageero noocani oo kale ah uu u fidiyo iskuuladda  waxbarasho oo ku yaala Dalka Soomaaliya,Ururka HIRDA ayaa mudo ka badan ilaa iyo 13 sano waxaa uu ku howlanaa howlo la xariira dhinaca Waxbarashada iyo arimaha Samafalka ee Soomaaliya.Waxaana xaruntiisa ay tahay Magaallada Amsterdam ee Wadanka Holland.
 
Axmed Cumar Saalixi
Baardheere-Gedo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.