Home » Warar »

Gudiga Gurmadka Abaaraha Soomaaliyeed ee Dalka Norwey oo deeq gaarsiiyay barakacayaasha

Deeq gargaar biniaadanimo ah oo ay soo aruuriyeen gudiga gurmadka abaaraha Soomaaliyeed ee dalka Norwey ayaa maanta la gaarsiiyay dadka ay abaaruhu soo sal kiciyeen ee ku jira xerada Aala-Yaasir ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Deeqdan oo isugu jirtey Bariis, Saliid, Caano-Boore iyo timir ayaa waxaa la gaarsiiyay qoysas gaaraya ilaa 1000 kana soo barokacay gobolda koonfureed ee dalka soomaaliya halkaasoo ay ku dhufteen abaaro xoogan oo sababay inay dadkaasi ka le’daan wixii duunyo ah ee ay haysteen.

Lacag gaareysa lixdan iyo afar kun, sagaal boqol iyo shan doolar ayay gudiga abaaraha soomaaliyeed ee dalka Norwey ka soo aruuriyeen dadka soomaaliyeed ee wanaag doonka ah ee degan dalka Norwey taasoo lagu iibiyay sahayda isugu jirtey Bariiska, Timirta, Saliidda iyo Caane booraha loo qeybiyay qoysaskaasi tabaaleysan ee ku dhaqan xerada Aala-yaasir ee duleedka No.50 ee gobolka Shabeelaha hoose.

Deeqdan ay soo soo aruuriyeen gudiga gurmadka abaaraha soomaaliyeed ee dalka Norwey ayaa howlaha lagu gaarsiinayay dadka loogu talo galey waxaa meel mariyay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee horumarinta iyo nabadda ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (SYPD) iyadoo rag kale oo samadoono ah ay ka mid ahaayeen ustaad Kamaal Maxamed Kheyre, Cabdi Xakiin Xuseen Kaahiye, Maxamed Xasan Barre iyo Ismaaciil Yare ay goob joog ka ahaayeen gacanna ka geysteen qeybinta deeqda iyo kala hagista qoysaska la gaarsiinayay.

Halkan kadaawo sawiro badan

“Waxaan mahad balaaran u direynaa ilaah ka sokoow dadka wanaag doonka ah ee ka damqadey dhibaatada haysata dadka walaalahooda ah islamarkaana fidiyay gurmadkan balaaran, waa arin ku dayasho mudan islamarkaana aan ku boorinayno dadka muslimiinta ah ee soomaaliyeed inay u fidiyaan walaalahooda gurmad noocaanoo kale ah”, ayuu yiri Injineer Xuseen oo kamid ah odayaasha deegaanka No.50 oo goob joog ahaa xiliga deeqda la bixinayay.

Cabdulqaadir Macalin Maxamed oo ah sarkaal ka tirsan ururka SYPD ee meel marinayay howlaha qeybinta gargaarkan ayaa warfidiyeenada u sheegey in qoys kasta oo ka mid ah kunka qoys ee deeqdan la gaarsiiyay la gudoonsiiyay sahay isugu jirtey 25kg oo bariis ah 60 xabo caane boore ah, 6Kg oo timir ah iyo sedex litir oo saliid ah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.