Waxaa maalintii saddexaad uu dagaal ka socdaa Magaaladda Muqdisho gaar ahaan goobo oo hore Dagaalo ugu qabsadey Ciidamadii Itoobiya waxaana ka mid Wadada ka tagta Isgoyska Falorensa ee tagta is gosyska Cali kamiin waxayna dagaaladaan u dhaxeeyaan Ciidamada Amisom oo garab siinaya kuwqa Dowladda Federaalka iyo Xarakadda Alshabab waxaa dagaaladaas ay sababeen Dhimasho iyo dhaawac fara badan waxaana dhaawacii ugu balaarnaa uu gaarey dadka Rayidka oo buux dhaafiyey isbitaalada Muqdisho
Hadaba Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa maanta booqdey Xarun Caafimaad oo ku taal Dugsigii hoire ee Tababarka ee Xalane oo la sheegey in la geeyey Dhhawayadii Ciidmada Dowlada iyo kuwa Amisom , wuxuuna Madaxweyne Shiikh Shariif Sheikh Axmed uu Warbixin ka dhageystey Dhaqaatiirta ka howl Gasha Isbitaalka iyadoo MadaxweynahA uu mid mid u fiiriyey dhawaaca Ciidamada Dowlada iyi kuwa Amisom
Madaxweynaha oo ay Booqashadiisa ku waheliyeen Madax ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa uu shir Jaraaid uu ku qabtey Xarunta Xalane ayaa sheegey In Ciidamada Dowladda uga mahadcelinayo sida ay ula Dagaalamayaan wax uu ugu nyeerey Ciidamo shisheeye ee ku soo duuley dalka isagoo ugu baaqey Ciidamada Dowladda in ay sii laba jibaaraan Dagaal ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab
Dagaalada Saddexda Maamlmood ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhaawacmey dad fara badan oo tiradooda gaareysa ilaa sadex Boqol oo qof iyadoo dhimashada ay Cagagayneyso 120 qoof oo oo badankood ay yihiin dad rayid ah oo Madaafiicda ugu tagtey Guryahooda iyadoo haatan daryeel la’aan ku haysato Isbitaalada Muqdisho waxaa kaloo dagaalkaan uu sababey Burburka Hanti fara badan iyo Khasaare weyn oo soo gaarey Suuqii weynaa ee Bakaaraha oo hataan lagu dhex dagaalamayo
Dagaalkaan ayaa ku soo beegmey xili la filayo in maalinta Isniinta ay dhalato Bishii Barakeysaneyd ee Ramadaanka , waxaana dagaalkaan bilaabey Ciidamada Amisom oo sheegey in ay ka hortagayaan Duulaan balaaran oo ay soo qaadi lahaayeen Xarakada Alshabaab oo hore looga bartey in ay dagaalada laba Jibaaraan Bisha Ramadaan
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mai amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.