Home » Warar »

Madaweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo Xalane ku Booqdey CiIdamadii Dowladda ee dhaacwacmay

Waxaa maalintii saddexaad uu dagaal ka socdaa Magaaladda Muqdisho gaar ahaan goobo oo hore Dagaalo ugu qabsadey Ciidamadii Itoobiya waxaana ka mid Wadada ka tagta Isgoyska Falorensa ee tagta  is gosyska Cali kamiin  waxayna dagaaladaan u dhaxeeyaan Ciidamada Amisom oo garab siinaya kuwqa Dowladda Federaalka iyo Xarakadda Alshabab waxaa dagaaladaas ay sababeen Dhimasho iyo dhaawac fara badan waxaana dhaawacii ugu balaarnaa uu gaarey dadka Rayidka  oo buux dhaafiyey isbitaalada Muqdisho

Hadaba Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa maanta booqdey Xarun Caafimaad oo ku taal Dugsigii hoire ee Tababarka ee Xalane oo la sheegey in la geeyey Dhhawayadii Ciidmada Dowlada iyo kuwa Amisom , wuxuuna Madaxweyne Shiikh Shariif Sheikh Axmed uu  Warbixin ka dhageystey Dhaqaatiirta ka howl Gasha Isbitaalka iyadoo MadaxweynahA uu mid mid u fiiriyey dhawaaca Ciidamada Dowlada iyi kuwa  Amisom

Madaxweynaha oo ay Booqashadiisa ku waheliyeen Madax ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada  ayaa waxaa uu shir Jaraaid  uu ku qabtey Xarunta Xalane ayaa sheegey In Ciidamada Dowladda  uga mahadcelinayo sida ay ula Dagaalamayaan wax uu ugu nyeerey Ciidamo shisheeye ee ku soo duuley dalka isagoo ugu baaqey  Ciidamada Dowladda in ay sii laba jibaaraan Dagaal ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab

Dagaalada Saddexda Maamlmood ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhaawacmey dad fara badan oo tiradooda gaareysa ilaa sadex Boqol oo qof  iyadoo dhimashada ay Cagagayneyso  120 qoof oo  oo badankood ay yihiin dad rayid ah oo Madaafiicda ugu tagtey  Guryahooda iyadoo haatan daryeel la’aan ku haysato Isbitaalada Muqdisho waxaa kaloo dagaalkaan uu sababey Burburka Hanti fara badan iyo Khasaare weyn oo soo gaarey Suuqii weynaa ee Bakaaraha oo hataan lagu dhex dagaalamayo

Dagaalkaan ayaa ku soo beegmey xili la filayo in maalinta Isniinta ay dhalato Bishii Barakeysaneyd ee Ramadaanka , waxaana dagaalkaan bilaabey Ciidamada Amisom oo sheegey in ay ka hortagayaan Duulaan balaaran oo ay soo qaadi lahaayeen Xarakada Alshabaab oo hore looga bartey in ay dagaalada laba  Jibaaraan Bisha Ramadaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mai   amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.