Home » Warar »

Shirkadda Xawaaladda Jubba Express oo gaarsiisey gargaar fiican walaalohooda abaartu aafaysey

Waxaa dardar ku socda Gargaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen Abaaraha iyo Dagaalada ayna xoogooda Bixinayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudihiisa iyo dibadiisa , Iyadoo taasi ay jirto ayaa Shrkadda  Xawaaladda JUBBA EXPRESS gargaar kii ugu badnaa uguna tayada Wanaagsanaa ayey gaarsiisey dadka ka soo cararey Abaaraha oo ku jira Kaam lagu Magacaabo Nageeyle oo ku yaal Degmadda  Wadajir gaar ahaan Xaafadda Buulo Xuubeey

Gargaarkaan oo la siiyey Qoysas gaaraya ilaa 300 oo Qoys oo ahaa dad ay saameeysey Abaaraha ,waxaana Qoyskii  la siiyey 25 Kiilo oo Bariis ah ,  25 Kiilo Bur, 25 Kiilo, Sonkor ah , Qamadi, Saliid iyo  Timir  iyadoo Qoyskii loo raaciyey 300 oo Kun oo Shilin Soomaali ah oo ay ka dhiganayaan Goosaar , waxaana Deeqdaas mid mid Gacanta uga saarey Wakiilka Shirkadda Jubba Express ee Muqdisho  Mudane Cabduqaadir Cali Siyaad oo ku Magacdheer Cabduqaadir Doolaal oo sheegey in Shirkadda ay Tahay Shirkad ay leeyhiin Shacabka Soomaaliyeed ayey goosatey in ay la qaybsato dhibaatada ka soo gaartey Ummada Soomaaliyeed ee Abaaraha 

“Waxaan ugu soo beegney  Xiligaan in aynu qaybino Mucaawinadaan waa iyadoo ay nagu soo fooleedahay Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan , waxaana gargaarkaan ka faaiideystey ilaa Saddex Boqol oo Qoys , Wuxuuna Raashinkaan ku filan yahay  inta lagu guda jiro bisha Ramadaan “ayuu yiri Cabduqaadir Doolaal oo sheegey in gargaarka  noocaan oo kale ah  ee la siinayo dadka Tabaaleysan ay Shirkadda ay sii wadi doonto”ayuu yiri Doolaal.

Halka kadaawo sawiro badan

Midka mid ah dadkii la siiyey Deeqdaas ayaa u mahadceliyey Maamulka Shirkadda Xawaaladda Jubba Express isagoo  sheegey in Gargaarkaan ay heleen Waqti ay si aad ah ugu Baahnaayeen madaama maalmo yar ka dhiman tahay Bishii Ramadaan ee Barakeysneyd  Ramadaan  oo ah Bil wax la siiyo Dadka Masaakiinta ah, wuxuuna Ilaah ugu baryey Shirkadda Xawaaladda Jubba Express In Xoolahooda Ilaah u Siyaadiyo , waxaa kaloo mahad taas la miid ah u Jeediyey Masuuliyiinta kaamka Nageeyle oo la’aantood aan la qaybin lahayn Deeqdaan,wuxuuna u soo jeediyey Shirkadaha kale in ay ku daydaan Shirkadda Jubba Express oo bixisey Raashiin kii ugu tayada fiicnaa iyo weliba Lacag Kaash 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mai   amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.ukl

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.