Home » Warar »

Machadka Al-imra Qardho oo Arday Saxaafada dhameysey Shahadooyin…..

Xaflad balaaran oo ay kasoo qeyb galeen Agaasimayaal,Guddonka Gobolka, Gudd Waxbarashada, Ururada Saxaafada,Saxafiyiin, Walidiin, Aqoonyano
iyo Marti sharaf kale ayaa ka dhacdey Xaruunta Hodman ee Qardho waxaana halkaasi Shahadooyin lagu guddonsinayey Arday dhameysey Saxaafada iyo Computerka ee Machadka Al-imra International School.

Xafladaan ayaa ugu horeyn waxaa furey Duqa Degmada Qardho Maxamed
Siciid Hogaamo-laroor waxaana u wax lagu farxo ku tilmaamey in Arday
dhigatey Xirfada Saxaafada mantey ay soo gaba-gabeyaan, Duqa Degmada
Qardho ayaa mahad balaran u celiyey Machadka Al-imra sida wacan ee ay
kaga qeyb gateen horumarka dhanka bulshada, oo u shegay in marar badan
u kaso qeyb galey Xaflado nocan oo kale ah oo Shadooyin Arday la
guddonsinayey.

Qudbadii Xigtey waxaa qaatey Macalinka Computerka ee Machadka Al-imra
Ustaad Siciid asagoo ku dheeradey ahmiyada iyo muhimada Computerka iyo
Ardayda dhameysey sida ay usoo barteen maadadaan, waxaana u falanqeyn
koban.

Wariye Salmaan Jamaal Siciid (Salman Kaka) oo ka mid ah Wariyaasha
Radio Daljir ee qeybta Sportiga ayaa qudbad halkaasi ka jediyey
waxaana u ka Hadley Muhiimada Saxaafada iyo dorka ay ku dhax ledahay
bulshada.

Halkan kadaawo sawiro dheeraad ah Asagoo ku dheeradey hadalkiisa ayaa waxa u sidoo kale baraarujin ku
sameyey Ardaydi dhameysey Saxaafada in ay isku dayaan mar walba in
Xirfadooda kor usi qadaan oo ay Badiyaan qorida iyo hadalka si
markaasi ay u noqdaan kuwo awoodo in ay sameyaan barnaamijyo iyo
warar,

Wariye Salman Kaka ayaa shegay in safar u kaga yimi Bosaso muhimada
ugu weyn ay aheyd in u Xafladaan kaso qeyb galo.

Agaasimaha Radio Al-xigma Bosaso Siciid Xigma ayaa waxa u ka ku
booriyey Ardayda in ay Aqoontooda kor u qaadan oo ay xooga saran
Maadoyinka iyo Computerka si markaasi ay u noqdan kuwo aqoon buxda
leh.

“Wariye aan Computer aqoon wariye ma aha sababtoo ah hadii aad tagto
idaacad su’aasha kowaad ee lagu weydinayo waxaa weye wariye ma taqaan
Computer maku shaqeyn kartaa, markaas hadii intaas shaqadii aad ku
weydo soo sharaf dhac kuma ahan”

Sidoo kale Waxaa qadka Mobile-ka soo galey Wariye ka mid ah Howl
wadeenada Universal TV Wariye C/qaadir Cashir Nadaara, oo wax lagu
farxo ku tilmaamey Asaga oo jooga Magaalada Birmingham in ay u surta
gasho in u la hadlo Saxafiyiin Qardho Puntland jooga, C/qaadir Cashir
Nadaara ayaa shegay in Wariyahu yahay ileyska bulshada qof walbana
Markuu soo kaco u warka ka sugayo wariye haday ahaan laheyn Tv- u ka
daawado ama Idaacad u ka dhageysto.

Intaas kadib waxaa Shahadooyin la guddonsiyey Ardaydii dhameyey
Saxaafada iyo Computerka, waxaana guddonsiyey koox wariyaal ah oo ay
ka mid ahayen, Salman Kaka,Axmed Jooqle,Siciid iyo Macalimin kale.

Xafladaan inta ay socotey waxaa qudbado ka jediyey Masuuliyin kala
duwan oo iskugu jira qeybta Warbaahinta oo u ka mid ahaa Wariye Axmed
Xasan Jooqle oo ka mid ah Somali Public Radio.

Ugu Dambeyntiina Maamulaha Machadka Al-imra international Ustaad
Sharmarke Xuseen Biritish oo ka Hadley Taarikhdii dugsiga Al-imra
waxaana u shegay in Dugsiga ay ka qalin jabiyeen Dufcado kala duwan oo
iskugu jira Saxaafada iyo Computerka, waxaana u Ustaadku sheegay in
Dufcada mantey Shahadoyinka Guddomay dhanka Saxaafada ay yihin
dufcadii 4aad ee Saxaafada dhameysa.

“waxaa jira Arday ka qalin jabisey Saxaafada kuwaas oo hada ka howl
gala idaacadaha iyo Website-yada anagoo mar walba u taagan kor u
qaadida Xirfada ardayda si markaasi ay u noqdaan kuwo dhinac walba ka
tayeysan oo Xirfad Saxafadeed leh kana howl gali kara idaacadaha,
anagoo u sameyna barnaamijyo ay kor ugu qadayaan Aqontooda Saxafadeed,
sida aan wada ognahay Saxafiga xirfad leh waxa u in badan ka wanaagsan
yahay midka kale ee aan xirfada laheyn”

Xafladaan sida quruxda badan losoo agaasimey ayaa ugu dambeyntii waxay
kuso gaba-gabowday jawi aad u degan oo ay dadka wajiyadooda ka muqatey
shacurta ay u qabeen in ay mar un arkaan Arday aqoon leh oo Saxafiyiin
noqda kuwaas oo mustaqbalka dhow ka howl gali doona idaacadaha dalka.

Axmed Xasan Jooqle
puntlandjournalist@gmail.com
Qardho,Puntland
0025290751276

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.