Home » Warar »

Bayaan ay soo saareen Beesha reer Boqor ee (Dishiishe)

Waxa beesha reer boqor ee dishiishe maalmahan uga socday degmada waaciye shir wadatashi kaasoo ay beeshu kaga tashanaysay horumarka beesha, nabad gelyada, siyaasada iyo deris wanaaga. ugu damayntii waxay beeshu soo saartay bayaan kan.

Bayaankaan, ayaa waxaa ku cad qodobo aad muhiim ah; kuwaas oo ah:

1. beeshu waxa ay caddaynaysaa inay taageersan tahay dowlada puntland diyaarna u tahay inay la shaqayso marwalba.

2. waxay beesha reer boqor ku baaqaysaa maadaama aynu nahay dad muslima ah in guud ahaan dalka soomaaliya gaar ahaana dowlad goboleedka puntland lagu dhaqo shareecada islaamka.

3. waxay beeshu ku baaqaysa in la joojiyo colaada dhextaala dadka walaalaha ah guud ahaan soomaliya gaar ahaan puntland ;wixii beelaha dhexyalana lagu xaliyo isfahan.laysna walaalaysto.

4. sidoo kale beeshu waxa ay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee dhibtu ka dhexeeyso.

5. beeshu waxa ay soo dhowaynaysaa dhamaan heshiisyada dhinacyada is haya ee ka socda deegaanada puntland.

6. waxay beeshu sidoo kale ku baaqaysaa in ay ka hesho dowlada puntland xaqa ay ku leedahay dhinaca siyaasadda.

7. beeshu waxa ay ku baaqaysaa in dhamaan wadanka laga mamnuuco maan dooriyayaasha si loo badbaadiyo jiilasha soo kacaya.

8. beeshu waxa ay ku baaqaysaa in la iska kaashado ciribtirka burcad badeeda aafeysay badaha.

9. beeshu waxa ay ku baaqaysaa in la joojiyo xaalufinta dhulka, sida gubida dhirta iwm
10. beeshu waxay ku baaqaysaa deris wanaag in ay kula noolaato beelaha ay ood wadaaga yihiin.

11. ugu damayntii waxay beeshu ilaahay uga baryeeysaa dadka soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana dadka reer puntland inuu dhibta iyo abaarta ka saaro una soo celiyo haybadii iyo sharafti ay lahaayeen. quluubtoodana isu soo jeediyo. aamiin aamiin aamiin insha alaah.

waxaa Baaqaan ku saxiixan dadka kala ah :

1- Caaqil: cismaan ismaaciil Barre
2- Maxamed Cumar c/Raxmaan
3- Isxaaq Axmed Xassan
4- Maxamed Saleebaan
5- Qaasim c/Salaan Yuusuf
6- c/Ladiif Yuusuf Barre
7- c/Laahi Cali Cumar
8- Khaliif Xaaji Ismaaciil
9- c/salaam mire saalax
10- c/llaahi Max’ud Aadan
11- Jaamac Yaasiin Jaamac
12- Maxamuud Saleebaan Maxamuud
13- Sahal c/Salaan Yuusuf
14- Khaliif Maxamed Xassan
15- Cali Warsame Xirsi
16- Cumar Maxamuud Cali
17- Askar Xaaji Cartan
18- Barre Maxamuud Siciid
19- c/Nuur Maxamud Cumar
20- Mahdi Cumar c/Raxmaan
21- Abokor Maxamed Cumar
22- Cabdiraxmaan c/Llaahi Ismaaciil
23- c/Shakuur Maxamed Siciid
24- Axmed Xassan Barre
25- c/Risaaq Ibraahim Cali

Allahu Akbar Walilaahi AL xamdu

Date: 25/07/2011

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.