Iyadoo weli ay socdaan Gurmadka loo sameynayo dadka ka soo cararey Abaaraha ee Koofurta Soomaaliya
waxaana Gurmadkaas si weyn uga qayb qaatey Dadka soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudihiisa iyo dibadiisa
iyadoo taasi ay jirto ayaa kaamka lagu magacaabo Barwaaqo waxaa la gaarsiiyey deeq lacageed oo ay iska soo ururiyeen Dadka soomaaliyeed eek u nool Dalka Holand gaar ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed Magaalada AMHEM
Deeqaan oo ka koobneyd Afara Boqol iyo Kontan Doolar ayaa waxay Jaaliyadda u soo Wakiisheen Axmed Cabdicasiis Maxamed waxaana loo qaybiyey Boqol iyo Labaatan qoys oo ahaa dad dhawaan soo gaarey Mgaalada Muqdisho waxaana mid mid gacanta looga sarey Deeqaas lacageed , waxaana bixinta Deeqdaas fududeeyey Maamulka degmada Waaberi
Mid ka mid ah dadkii la siiyey Deeqdaas lacageed ayaa u mahadcliyey intii ka soo qayb qaadatey ururinteda iyo intii soo dhiibtey waxayna Ilaah ugu baryeen in uu u siyaadiyo Xoolahooda sidoo kale waxaa ka Hadley Maamulka Degmada Waaberi oo sheegey in maalin weliba ay soo gaarayaan dad ka soo cararaya Abaaraha waxayna ka codsadeen dadka soomaaliyeed ee ku nool Dalka Gudhiisa iyo dibadiisa in ay sii kordhiyaan Taageerada ay la garab taagan yihiin walaahooda ka soo cararey Abaarta
halkan kadaawo sawiradoo dhamaystiran
Axmed Cabdicasiis oo isna ka Hadley goobtii lagu bixinayey Deeqdaas ayaa sheegey in deeqda lacageed ay ahayd laba qaybood mid waxaa soo dhiibey Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Holland oo dhameyd 400 oo doolar mida kale oo ahayd 50 Doolar waxaa soo dhiibey gabar lagu magacaabo Raxmo X Casharo oo degen Dalka Mareykanka iyadoo Axmed u mahadceliyey intii isku soo dubaridey deeqdaas iyo intii fududeysey Bixinta Deeqaas si ay u gaarto dadkii loogu talagaley gaar ahaan Masuuliyiinta degmada waaberi iyo kuwa Kaamka Barwaaqo
Jaaliyadda Holand waxay ku wargelineysaa dadka soomaaliyeed Soomaaliyeed Ciddii Dooneysa wax Baxsato waxay ku soo Hagaajin karaan Kaalmadooda Dukaanka EUROCALL ee Soomaalidda waxaana si gaar ah u Hagaajin kartaa Yuusuf Bile ama Cabduqaadir Cabdicasiis oo Degen AMHEM Tel: 026-3704857
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.