Home » Warar »

Imtixaanaadkii Semester-kii Koowaad Masters Degree-ga ee Jaamacadd Kampala University oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey

Waxaa saakey Xarunta  ururka SOCWA  lagu soo gabagabeeyey Imtiaxaanaadkii Semester-ka 1aad  Masters-ka  ee Jaamacada Kampala University   waxaana Imtixaanaadkaas u fariistey ardey dhowr iyo Toban oo isugu jirey Macalimiin wax ka dhiga Jamacadaha Magaalada Muqdisho, Dadka ka shaqeeya Hayadaha dalka iyo dad kale oo hore u haystey Shahaada Bachelors waxayna Ardeydaan isugu jireen kuwo baranayey Maadooyinka kala ah Masters of Development Studies iyo Masters International Relation Diploma

waxaana Imtixaanaadkaan la soo gabagabeeyey  wax ka weydiiney Proff Mahad Cabdalla Cawad oo ah Madaxa Barnaamiyada Waxbarashada Jaamacadda  Hope  University  ee Magaalada Muqdisho  oo ah  Jaamacaddii heshiiska la gashey Jaamacadda Kampala wuxuu sheegey in ardeydaan  waxbarashadooda ay ahayd mid soo socotey AFar bilood oo ah Semester-kii Koowaad , isagoo sheegey in Todobaadkii hal maalin ay qaadanayeen Maadooyinka waxa laga dhigo Jaamacada  Kampala ee Masters-ka  iyadoo sidoo kale ardeyda ay dhiiban jireen wixii Su’aalaad ee ay u baahan yihiin in looga jawaabo

Mar aan waxa ka weydiiney Qiimaha wax lagu barto Jaamacadda Kampala  wuxuu S’uaashaas kaga Jawaabey “Dowladda Uganada  waxay waayaragnimo u laadahay marka dal ay ka dhacaan Dagaal Sokeeye  oo ay burburto   Waxbarashada  Dalkaas, sidaa darteed dalka uganada wuxuu si aad ah ula socdaa Dhiibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya hadaba  Ninka iska leh Jaamacada Kampala  wuxuu  Dadka Soomaaliyaa ee raba in ay dhameytaan waxbarashadooda qiimaha wax lagu barto looga dhigey 600 oo doolar Semester-kii halka jaamacada Kampala  ee Uganda   iyana wax lagu barto 1200 oo Dolar  waa qiimo aad u yar oo dadka Soomaaliyeed ay iska bixin karaan”

Waxaan weydiiyey Proff Mahad sababta ay u doorteen in dalka ay keenaan Heerka Waxbarashada  Masters-ka wuxuu ku jawaabey “Waa runtaa waa Suaal aad muhiim u ah waxaan u dooraney  in aan waxbarashada Mesters-ka aan dalka keeno markii aan ogaaney in ay sii kordheyso  ardeyda haysata  Heerka waxbarashada  Bachelors  kuwaas oo aan dooneyno in ay dhameystaan Waxbarashada Masters-ka sidoo kale waxaan dooneynaa in laga maarmo waxbarshadii dibada loo aadi jirey ee qiimaheedu badan yahay waxaa kaloo heerka Waxbarasho ee Masters-ka aan dooneynaa in ay meesha ka baxdo Dadka  ajaaniibta ahaa ee la qaadan jirey marka ay shaqooyin soo baxaan ’

Halkan kadaawo sawiradoo dhamaystiran

Proff Mahad wxuu ugu dambeyn sheegey in  Jaamacada  HOPE  UNIVERSITY ay wado qorshyaal ay ku doonayaan in Muqdisho uga fiuraan  Heerka waxbarashada Bachelors oo uu sheegey in ay ugu tala galeen dadka aan helin Waxbarashada Bacholars islamarkaana ku guda jira Shaqooyinka iyo Ganacsiga  isagoo sheegey in heerkaas Waxbarasho uu noqon doono Muddo hal sanno ah

Hadaba qofkii doonaya in uu wax ka barto Jaamacadda Kampala University iyo Jaamacadda Hope University  wuxuu faahfaahin ka helayaa madaxa Waxbarashada Jaamacadda Hope University Mahad Cabdalla Cawad oo ku sugan Muqdisho ka soo xiriir

  

00252615541448

E-Mail : mahadcawad@yahoo.com

 

 

WD Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.