Home » Faallo »

Waxaan Ogaadey In Waqtigu Uuna Ahayn Hadale Ee Qoraal u Baahan Tahay

Sida aynu og-nahay dadka soomaaliyeed ee ku nool Bariga Afrika, waa dadd leh dhaqan lagu soo heshiiyey mudo qariyaal badan, islamarkaana ku noolaa Bariga Geeska Afrika, waana dadd ilaahay hibo u siiyey hal-abuuro kala duwan, kuwaasoo isugu jira kuwo ay ka dhaxleen awoowayaashii dhalay iyo kuwo ay curiyaan facba faca ka dambeeya ee jira xiligaas.
Dadka soomaaliyeed sida lagu yaqaan ama ay ka muuqato habb dhaqankooda facyaashii hore iyo waxa ay ka tageen, waxaa ka muuqda in ay yihiin Qoom Nabadgelyada, Tacabka noocyadiisa kala duwan iyo talisyo kala duwan ay lahaayeen, kuwaasoo midba geestiisa u madax bannaanaa.  Taasina waxaa lagu garankaraa oo muujinaya waxyaabo ay ka mid yihiin, dhaqashada xoolaha, wadaagista biyaha iyo daaqa, habka deegaanka, iskaalmeysiga, is-dhexgalka bulshooyinka kala duwan ee ay ka kooban yihiin, habka maaweelo dhaqameedyada kala duwan iyo habka la isumaalo.

Dhamaan arrimahaasina waxaa lagu qiimeeyaa waxyaabo kala duwan sida deegaanka ay ku wada nool yihiin ama isugudub laba deegaan bulshooyinka ku nool iyo marka ay colaad dhex marto waxa looga gudbo, waxay ka sameysteen Xeerar dhaqameedyo ay leeyihiin bulshooyinkaas kala duwan misana isku isirka ka soojeeda ama caado dhaqameedyo ay leeyihiin, dhamaan qodobadaas kor aan kusoo xusney iyo kuwo kale oo badan, waxaa dejiya Hogaamiyayaasha bulshadda iyo wax garadd gaar ah oo ay leeyihiin bulashadaas.

Waxaana ilaaliya ama lagu xifdin jirey maskaxda ogaalka odayaashii hore wixii noolaa  xiligaa iyo kuwa ay la dhaqmeen, dadka soomaaliyeed waxay awood u leeyihiin in maskaxdooda ay ku keydiyaan taariikho muddo badan soo jirey iyo keydinta Hal-abuuraddii Qarniyaashii hore, waxay ka tageen, iyagoo isugu gudbiya hababb kala duwan oo soojiidasho leh, sida sheeko xariirooyin, gabayo, maansooyin, geeraaro, guuroow, jiib, jiifto iwm.

Qarnigii 19-aad dabayaaqadiisa, kadib markii uu ka guuray qaybo ka mid ah deegaanadda daddka soomaaliyeed ee Gumeysigii Reer Yurub xooga ku haystey, waxaa xoogeystey Hal-abuurka Qowmiyadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, waxaana si casriyeysan taariikhihii iyo hal-abuurkii hore, loogu soobandhigey caalamka oo dhan, taasina waxay keentey in ay kiciso duufaano kale oo colaad ah, taasoo si weyn ay ay uga caroodeen Gumeystayaashii soomarey Geyiga Soomaaliyeed, waxaana la isku dayey sidii afka ciida loogu gelin lahaa Iftiinka soobaxay iyo faafidiisa, inkastoo ay ku guuleysteen, haddana wali Hal-abuurka Soomaaliyeed maskaxdiisa isma bedelin, bal ee wuxuu gaarey in uu adeegsado, hababkii hore kuwo ka casrisan oo la jaan-qaadaya xiligan, si bulshada soomaaliyeed guud ahaan waxay lahayd aysan u noqon mid wadda baaba’day.

Waxaa soo baxay Abbwaano, Shactiroolayaal, Heesaa, Gabyaa iyo Qoraayaal badan oo isugu jira kuwo soogaarey hiirtaanyooyinkii Gumeysiga qaybo ka mid ah, kuwo la jaan qaadey kadib guuritaankii Gumeysiga iyo kuwo cusub.  Inkastoo aan halkaan kuwada xusikarin qorayaaashan kala duwan, haddana haddii aan sooqaadano Qoraaga Xeer Dhaqameedka Ciisaha, Cabdalla Xaaji Cismaan oo runtii la dhihikaro, wuxuu daaha ka rogey waddo cusub oo muujineysa baahida looqabo in la helo Buugg Koobaya Xeer Dhaqameedka Guud ee Qowmiyadda Soomaaliyeed, islamarkaana xujo ku ah qorayaasha Qarnigan iyo kuwa kale ee soo socda ayaa wuxuu buuggiisa ku xusayaa wax-yaabo badan oo uu ka soo uruuriyey mid ka mid ah Odey dhaqameedyada Soomaaliyeed ee Beesha Ciisaha Jaamac Muuse Miicaad, waxaa uuna buugan xeer dhaqmeedka ciisaha cadeynayaa facweynida Xeer Dhaqameedka Soomaaliyeed iyo waxa ay ku kala duwan yihiin, inkastoo dhamaan qowmiyadda soomaaliyeed Xeer dhaqameedka ay leedahay, marka laga reebo wax-yaabo  yar yar oo gaar ah, ay isku dhow dhowdahay.

Madaxa Keydka Golaha Raadiyaha iyo TV-ga Qaranka dalka Jabuuti, islamarkaana ah Gudoomiyaha Naadiga PEN ee Laanta Dalka Jabuuti Qoraaga Xeer Dhaqameedka Ciisaha Cabdalla Xaaji Cismaan oo aan wareysi gaar ah kulayeeshey Xafiiskiisa 03/07/2011, waxna ka weydiiyey sababta ku dhalisey in uu qoro Buugga Xeer Dhaqameedka Ciisaha, Ogaalkiisa dhinaca Warbaahinta, Xilga uu bilaabey Shaqada iyo arrimo kale oo Muhiim ah, ayaa wareysigiisa waxaa kaga Hadley arrimo badan, isagoo ugu horeyn u mahad-celiyey Somalitalk,

“Mudo 15-Sannadood ah, waxaan hayey Keydka, Gaar ahaan qaybta Taleefishinka Jabuuti, waxaan keloo qaabil-sanahay qaybta Suugaanta iyo Dhaqanka oo la yiraahdo war iyo waayo aragg, isagana waxaan ku soo jirey ilaa iyo 1994-tii, dhinaca Taleefishinkuna, Barnaamijyada Tixmaal, ayaan wada jir u soodiyaariney, anniga, Maxamed Daahir iyo Maxamed Cabdullaahi Riiraash, dadd badan oo suugaan yahan ah oo isugu jira Soomaalida dibadaha ka timaado iyo reer Jabuutiba, shaqadeyda weyni waa taa oo saxaafadd marka la yiraahdo dhinacaas dhaqanka iyo keyd haynta ayaan u badanahay” ayuu yiri Cabdalla Xaaji Cismaan.
Halkan kadaawo waraysigoo video ah

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaa ku darey “dhinaca qoraalada waxaa iisoo raaca,mudo badan baan kusoo jirey inaan wax yar yar qoro oo aan maqaalo ka diyaariyo,  waxyaabaha aan qorey waxaa ka mid ah qoraalo aan ka diyaariyey niman fannaaniin ahaa raggii reer jabuuti ahaa oo qaar ay dhinteen, Alle ha u naxariistee, yaan is iri taariikhdoodii waa in la soo nooleeyo oo dadku wax ka ogaadaan, maadaama dadkeenu ay yihiin dadd hadla oo aysan waxba qorin… ugu dambeyn barnaamijkii dhaqanka ahaa ee aan ka soodeyn jirney Radio-ga ee War iyo Waayo-aragg, oo aan ku hayno odayo dhaqankii iyo xeerkii iyo Af-soomaaligiiba aad u yaqaana, ayaa waxaan ogaadey, in waqtigu uuna ahayn hadale ee qoraal u baahan tahay…”.

Mar uu ka hadlaayey qaybaha uu ka hadlayo Buugga Xeer Dhaqameedka Ciisaha,  in uu faah faahin naga siiyo ayaa wuxuu yiri“…Guud ahaan Odayadu Xeerkan waxay u qaybiyeen, lix Kabood, kab waxaa la yiraahdaa wixii la dilo ama la dhaawaco lagu kala qaato, kabta kale waxaa weeyaan Kabta dhaqanka oo waa tan Ugaaska iyo qabashadiisa ku saabsan, Kabb kale ayaa jirta, waxaana la yiraahdaa Dheer, dheertu waa sharaf, gaar ahaan xaga qoyska iyo dumarka ayey qaabilsan tahay…”

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.