Home » News »

Quudi Hal Qof oo Baahan……………

Waxaan badankeen aragnay ama aan akhrinay dhibaatada abaaraha ee ku habsatey dalkeenii soomaaliya. Waxaa dhacday abaar iyo cunto la`aan aan taariikhda horay loogu arag. Taasi waxaa ay keentay in boqolaal muwaadiniin  soomaali ahi ay baaba àan una dhintaan silic, gaajo iyo darxubo. Maydadkii caruurta, hooyooyinka iyo duqeyda soomaaliyeed ayaa jidadka daadsan.Xitaa waxaa tabar loo waayey in la duugo. Haddaba walaalayaal waxaa dhamaanteen waajib inagu ah inaan wax ka qabashada arinkaas u istaagno. Walaahi ilaahay waa ina weydiinayaa cuntada qaboojiyaha inoogu jirta. Bal ka feker iyadoo caruurtii soomaaliyeed iyo hooyooyinkii gaajo u dhimanayaan ,inaguna aan kala dooraneyno cuntadii aan cuni lahayn. War aaway dhiigii islaamnimada, war aaway dhiigii soomaalinimada. Maanta waxaa ay taagan tahay waxii dhiig lahoow kaca. Wax badan baan qaban karnaa ee aan fadhiga ka kacno. Waxaan dhamaan ummada soomaaliyeed meel ay joogaanba aan kula talinayaa iney bilaabaan olole aan ugu magac dareyno:  ”QUUDI HAL QOF OO BAAHAN”

Ololaha ” Quudi halqof oo baahan” waxaan uga qayb geli karnaa sidaan:

1.      Magaalo iyo tuulo kasta soomaalida joogtaa waa iney isxilqaamaan oo is abaabulaan.

2.      Waa in qof walbaa iska soo jaraa waxii dhaqaale ah oo ka go à si dadka dhiban loogu diro,waa magaalo/tuulo kasta dadka joogaa lacagta meel kuwada ururiyaan.

3.      Waa in la wargeliyaa dadka kale ee muslimiinta ah oo lagu booriyaa iney sadaqo la baxaan

4.      Waa in masaajidada la tagaa oo laga soo ururiyaa waxii tabarucaad ah ee laga heli karo

5.      Waa in qofkii ama ururkii awoodaa  uu la xiriiraa ururada caalamiga si loogu dhiiri geliyo in ay kaalmo soomaaliya la gaaraan.

Walaalayaal haddii aynu qodobadaas ku dhaqaaqno wax badan baan qaban karnaa. Ololaha ”quudi hal qof oo baahan” waxaa uu ka socdaa magaalooyin badan oo Iswiidhan ah ee walaalow ama walaaley adiguna bilow hadda. Intii aad maqaalka akhrineysey dhowr caruur ah oo soomaaliyeed ayaa gaajo u dhintay ee ogow

War aan meesha ka kacno oon u gargaaro walaalaheena dhiban kolkaan sidaas yeelo ilaahay baa inoo gar-gaari doona aduun iyo aakhiroba.

Ka bilaw magaaladaada Ololaha ” QUUDI HAL QOF OO BAAHAN”

 

Mahadsanidin

C/RISAAQ M  XUSEEN

ESKILSTUNA . SWEDEN

habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.