Home » Warar »

Bayaan ay soo wadasaareen ganacsatada iyo culimaa,udiinka gudiga abaaraha

Guddigaan oo loo xilsaaray in ay u istaagaan samata bixinta iyo wax u qabashada dadka dhibaateeysan oo ay abaaruhu waxyeeleeyeen.

Magacaabida Gudigaani isugu jira Culimaaudiin iyo Ganacsato ayaa waxaa ka danbeeyeen Qaar ka mid ah Culimada waaweyn ee caanka ka ah Dalka Soomaaliya .

Howshani ayaa waxaa loo xilsaaray Gudigani Taariikhdu markeey eheyd 2 da Bisha Shacbaan 1432 Hij ee waafaqsan 3/7/2011 Mil..

Shirar dheer ka dib Gudiga waxaa u suura gashay in ay ka codsadaan Culimadii u xil saartay Howshani in ay jeediyaan Muxaadaraat lagu Boorinayo Shacabka Muslimiinta iyo Muxsiniintaba Meel waliba ay Joogaan si ay wax ugu qabtaan Dadkani dhibaateeysan, Muxaadarooyinkaasi ayaa waxa lagu qabtay Masaajida waaweyn ee ku yaala Ceelasha Biyaha Halkaasoo ay Ganacsatada ku dhaqan Ceelasha muujiyeen waxqabad la taaban kara.

Halkan kadaawo sawiro dheeraad ah

Waxyaabaha u qabsoomay Gudigani sidoo kale waxaa ka mid ah-

1. in ay usuura gashay ineey Furaan Akoono Dalka iyo Dibada wax loogu shubi karo.

ayna ka fureen Shirkadaha ugu waaweyn ee ka shaqeeya Dalka iyo Dibadaba

2. in ay gaarsiiyeen deeqo kala Duwan hadii ay ahaan lahayd.

a) Galley , Bariis , Sokor.

b) Bacaha Roobka laga hoos galo oo Xiligaan aad loogu baahan yahay.

c) Timir

d) Saliid

e) Dhar

f) Lacago Cadaan ah oo loogu tala galay in la siiyo dadka Diyaarka u ah ineey –

Beerahoodi Tacbadaan maadaama lagu jiro Xilliga Xagaayaha

g) Waxayaabaha Gurmad ahaan loo soo gaarsiiyay waxaa ka mid ah Dhar iyo waxyaabaha laga maarmaanka u ah Qoyska Sida Maacuunta , Cusbada Caleenta Shaaha

Waxaa xusid mudan in ay lasoo xiriireen qaar ka mid ah Hayadaha Maxaliga ah soonaa gaarsiiyeen kaalmooyin iyo shaqsiyaad Muxsiniin ah oo ku dhaqan Dalka iyo Dibadaba lagana Xusi karo Gabdho ku nool Dalka Kanada Gaar ahaan GRANDE PRAIR oo nasoo gaarsiiyay lacag dhan $900 mudana in lagu daysado.-

Gudigani ayaa wali waxay u taagan yihiin in ay sii wadaan Gurmadka wax u qabashada Dadkani ay Abaaruhu Sahmeeyeen. –

Sidaas darteed Gudiga waxay Codsi u jeedineeyaa Dhamaan Muslimiinta Meel kastoo ay Joogaan in ay Gargaaraan Walaalahooda tabaalaysan oo ay Abaaruhu ku Dhiftaan.

Gudiga oo isugu jira Culimo iyo Ganacsato Ayaa Xarun Haatan u ah Ceelasaha Biyaha,fadlan qofkii doonaya in uu wax u qabto walaalahiisa dhibaateeysan wuxuu ku shubi karaa Akoonadan: –

 

Dahabshiil Accoun-No 8425

Qaran Express Accoun-No 2295

Salaam Banka Accoun-No 30032108

Mustaqbal Accoun-No 22593

Amal Bank Accoun-No 48625

Bakaal Accoun-No 019

EVC-PLUS: 615423733 ama 615994555

 

Magacyada Gudiga : –

1. Sh. Cabdulaahi Sh. Cali Weheliye Gudoomiye –

2. Macalin Qaasim Sh.Max’ed Nuur Ku Xigeen –

3. Sh.Cali Cilmi C/laahi Khasnaji –

4. Sh.Cali Salaad Max’ed Xubin –

5. Sh.C/laahi Iimaan Aadam Xubin –

6. Sh.Khaalid Faarax Ismaaciil Xubin –

7.Sh.Jeylaani Sh.Muxamed Xubin –

Wixi talo iyo tusaale ah Nagala soo Xiriira 

tell: 0615151551 / 0699151551 / 0699400060 / 615808062 / 615994555 / 0699423733

E-Mail address  gcgg114@hotmail.com

Saxiixa Gudoomiyaha 

Sh.C/laahi Sh. Cali Weheliye

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.