Home » Warar »

Deeq Maanta lagaarsiiyey dad gaaraya 230 Qoys

Maxamed Axmed Magan Cartan   oo ah Wakiilka  Minneapolis ee cariga Mareykanka ee Ururka SWACRO (Somali Women Children Rescue Organization ayaa Mar Ururkiisa lacag Deeq ah oo loo soo wakiishey loo  qaybinayey ilaa Sedex Kaam oo ay ku jraan dadka ka soo cararey Abaaraha ayaa waxaan wax ka weydiiney qaabka  lacagtaas u soo gaartey wuxuuna yiri “ Marka u Horeysa Ururkeenna wuxuu ka dhisan yahay dalka Gudihiisa iyo dibadiisa marka Soomaalida ku nool Cariga Mareykanka ayaa na soo wakiishay isagoo sheegey in iyana ay lacagtaas ay u gubiyaan Wakiiladeena dalka Soomaaliya lacagta maanta la qaybinaya waxaa soo dhiibey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Cariga Mareykanka

Halkan kadaawo sawiradoo dhamaystiran

 

Waxaa weydiiyey Macaawanidiina ma Muqdisho kaliya ayey ku kooban tahay mana jiraan meelo kale oo aad gaarsiiseen  wuxuuna ku jawaabey Magan” Maya waxaana dhawaan gargaar gaarsiiney Dadka soomaaliyeed ee ku jira Xerooyinka ku yaal wadamada Kenya, Itoobiya,Yaman,Pundland  iyo deegamada kale ee dadka  Soomaaliyeed ay ku dhibaateysan yihiin hadddii aan nahay Ururka SWACRO dadka Soomaaliyeed waa noo siman yihiin”

 

Mudane Magan  Wuxuuu sheegey in intii uu dhisnaa ururka SWACRO  uu qabtey Howlo Mhiim ah ha noqoto kaalmeynta Caruurta Agoonta ah , Dhisida Dugsiyo ay wax ku bartaan caruurata Aqoonta ah , Qodida Ceelal Biyoodyo iyo arrimo kale oo Muhiim u ah Bulashada Soomaaliyeed waxaan kaloo waydiiney maxaa u doorateen in aad lacag ugu deeqdaan dadka dhibaatey wuxuuna ku jawaabey “Waa runtaa  waa  su’aal Muhiim ah waxaan u dooraney markaan Warbaahinta aan ka aragney  dadka oo la siinayo Raashin,Agabka Guryaha iyo qalabka kale marka dadka iyagoo caydh ah ayey soo galeen Magaalada marka waxaa istusiney in dadka ay u baahan yhiin Wax ay raashinkaas ku Iidaantaan ama Goosaar ugu dhigtaan. “

 

Yaasiim Mayow Maxamed oo ah Wakiilka Ururka SWACRO ee Soomaaliya  oo uu weheliyo Gudoomiye ku xigeenka Ururkaas Amiin Yuusuf Khasaaro ayaa saakey Deeg lacageed gaarsiiyey Sadex kaam oo ay ku jiraan Dadka ka soo cararey Abaaraha waxaana lacagtaa la soo marsiiyey  oo loo soo Wakiishey Wakiilka Ururka Swacro ee  Minneapolis  Maxamed Axmed Magan Cartam waxaana isagana u soo wakiiishey  Xubnaha ururka  ee ku sugan Magaalada Muqdisho waxaana lacagtaas oo ka koobneyd 30 Milyan oo shilin Soomaali ah  ayaa waxaa loo qaybiyey ilaa 240 Qoys kuwaas oo mid mid gacanta ay ugu saareen Xubnaha ururka waxana ku wehliyey Masuuliyiiin ka tirsan  Degmada Waaberi  hase yeeshee Yaasiin Mayow  ayaa markii ay gashey Aqalada ay ku nool yihiin dadkaas waxay ku soo aragtey Caruur qaba Cuduro kala duwan oo qaarkood ay ka muuqatey Nafaqadaro aad u daran  waxaana Wakiilka  Minneapolis ee Ururka SWACRO Maxamed Axmed Magan Cartan ayaa ugu baaqey dadka soomaaliyeed Ilaah wax siiyey in ay dadkaa kacan weyn siiyaan wxuu kale uu sheegey in ururka SWACRO uu Todobaadkaan Gudihiisa uu laba jeer qaybiyey lacago loo soo Wakiishey

 

Dhinaca  kale  Qaybinta deeqdaas waxaa kaloo iyana dadkaas lacag u soo dhiibey Amaal Cabdi Faarax oo degen Magaalada London waxaana iyana lacagtaas loo qaybiyey Dadka ka soo cararey abaaraha kuwaas oo ku jirey xerooyin ku yaal Deegaanka Waaberi mar ay nala soo xiriirtey Amal ayaa waxay tiri “Haddii aan joogi lahaa wadanka dadkaas xoogeygaan ugu tabaruci lahaa waxaana si aad ah u murugoodey Markaan dadkaa ka daawadey Warbaahinta Caalamka oo indhaheyga qabteen dad ka muuqato Darxumo iyo Diif ayaa Amaal sheegtey in  Ilmo indhaheeda qoysey marka waxaan dadka soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay gargaarka laba jibaaraan si dadkaas loo badbaadiyo    Hadaba Cdii dooneysa in ay caawinto dadkaas Abaarajha ka soo cacarey waxa la xiriiri karaan wakiilka Swacro ee Mareykanka Maxamed Axmed Magan Cartan

cartansamafale@hotmail.com

 

Ama Telka 006122429821 

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo .co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.