Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ms Josette Sheeran, Madaxa Guud ee WFP.

Josette Sheeran oo ah Madaxa Guud ee Hay’adaCuntada Adduunka (WFP) ayaa maanta ku soo booqatay Ra’iisul Wasaaraha
Xafiiskiisa Muqdisho. Waa markii ugu horreysey oo ay Madaxa Guud ee Hay’adaCuntada Adduunka soo gaarto magaalada Muqdisho, wallow ay bishii April soo gaartaymagaalada Gaalkacyo. Josette waxaa wehliyey Agaasimaha Geeska Afrika ee WFPiyo saraakiil sar-sare. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulankan wasiiradiiguddiga abaaraha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa umahadceliyey Josette Sheeran imaatinkeeda magaalada Muqdisho, isla markaanasiiyey warbixin la xiriirta xaaladda bani’aadanimo ee macluusha ah ee heysatashacabka soomaaliyeed. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxuu ka warbixiyey sidaDowladdu ay bishii ugu danbeysey xoogeeda isagu geysey sidii gar-gaar deg-deg ahloola gaari lahaa shacabka soomaaliyeed iyo dadaalada aan kala go’a laheyn ee kasocda magaalada Muqdisho.Ra’iisul Wasaaraha waxuu kaloo sheegay in dowladdu ay dib-u-dejin ku sameeysobarakacayaal gaaraya 4,000 oo loo diyaariyey hoy, biyo nadiif ah, iyo dhammaan gargaarkii ay u baahnaayeen. Ra’iisul Wasaare Cabdiweli waxuu kaloo sheegay in xaaladda abaarta ay mareyso heerkii ugu xumeyd oo shalay Qaramada Midoobey ay caddeeyeen inay shacabka soomaaliyeed heyso macluul aad iyo aad u daran.Waxuuna ka codsaday WFP inay labo jibaaraan howlahooda quudinta iyo sidii shacabka tabaaleysan loogu heli lahaa gurmad deg-deg ah.

Halkan kadaawo sawiradii oo dhan

Waxuuna sheegay in xaaladda ay mareyso heer loo baahanyahay gurmad maanta ah oo aan la sugi karin inta qorsheyaasha caadiga ah laga hirgelinayo.Josette Sheeran, Madaxa Guud ee Hay’adda WFP ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay inay la kulanto Ra’iisul Wasaaraha, sheegtayna in WFP ay ka go’antahay sidii gurmad deg-deg ah loola soo gaari lahaa shacabka soomaaliyeed.
Josette ayaa sheegtay in WFP ay hadda diyaarisay nafaqooyin wax weyn ka tari kara xaaladda oo dadka gaajeysan ay ku soo celineyso nafaqadii, waxeyn ballanqaaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan nafaqadan u gaarsiin doonaan dhammaan goboladda
dalka gaar ahaan kuwa ay sida ba’an abaarahu uga jiraan. WFP waxey si joogta ah cunno iyo nafaqo u gaarsin doonaan barakacayaasha ku sugan Muqdisho. WFP oo ka jawaabeysa codsiga Ra’iisul Wasaaraha waxey ballanqaadeen in isbedel cusub ay la
iman doonaan taasoo laga dareemi doono xoojinta iyo kobcinta gar-gaarka bani’aadanimo.

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia
 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.