Home » Warar »

Taksiilayaasha Wadanka Norwey oo walaalohood deeq gaarsiiyey

Deeq isugu jirtay Raashiin Daawooyin iyo Bacaha laga sameysto Aqallada kana timid Taksiilayaasha Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Oslo ee Xarunta Dalka Norway ayaa  la gaarsiiyay Qoysas soo Barakacay oo ku jira xero ku taalla Deegaanka lambar 50 ee Gobolka Shabeellada hoose oo lagu magacaabo Al-Yaasir.

 

Taksiilayaasha Oslo ayaa iskasoo aruuriyay lacag gaareysa $12,300, kaddib markii ay ka damqadeen xaaladaha murugada leh ee ay ku nool yihiin kumanaanka qoys oo walaalahooda ah, kuwaasoo ay soo barakiciyeen abaaraha daba dheeraaday ee ku dhuftay qaybo badan oo ka tirsan dalkeena Soomaaliya.

Lacagtan oo walaalaha Tagsiileyaasha Oslo-Norwey ay u soo wakiisheen Kamaal Maxamed Kheyre ayuu sheegey inay ku iibiyeen sahay isugu jirta Daawooyin, Cunto iyo Bacooyin ay aqalada ku dahaartaan maadaama dadkaasi dhibaataysani aysan haysan Hoy hagaagsan oo ay kaga gabadaan roobka xagaaga iyo dhaxanta habeenkii.

Halkan kadaawo sawiradoo dhamaystiran 

“Alle ka sokoow waxaa mahad balaaran u soo jeedinaynaa walaalaha Tagsiileyaasha Oslo-Norwey oo maanta Deeqdan ay madaxooda ku timid halkan si loogu qeybiyo  dadkan Tabaalaysan ee aad u jeedaan, waxay kusoo beegantay xilli aad loogu baahan yahay iyagana Alle ayaa ka abaal marinaya,” ayuu yiri Ustaad Kamaal oo war-fidyeeno goobta tagay la hadlay.Sahaydan deeqda ah ayaa waxaa ku jiray 350-xirmo oo midkiiba ay ku jirto sideed xabo oo bac ah, Boqol loor oo Bariis ah iyo Daawooyin aad u faro badan oo loogu talo-galay kuwa cudurrada la liita ee ka midka ah dadka soo barakacay ee ku sugan agagaarka deegaanka lambar 50.

 Qaar ka mid ah odayaasha deegaanka oo deeqdaasi lagu wareejiyay si ay dadka dhibaateysan ugu qaybiyaan ayaa ammaan u jeediyay Tagsiilayaasha Oslo-Norwey sida wanaagsan ee ay isku xil-qaameen uguna gurmadeen walaalahooda ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

 Odayaashan waxay ka codsadeen xoogsatada kale ee Soomaaliyeed dibadaha ku nool inay ku daydaan Tagsiilayaasha ah ee ku nool Oslo-Norwey oo u soo gurmaday walaalahooda ku dhibaateysan gudaha dalka, kuwaasoo ay abaaro ku habsadeen.

Cabdulaahi Ibraahim Tima-cadde oo ka mid ahaa Aqoon-yahannadii qaybta ku lahaa sidii dadkan deeqda gargaarka loo gaarsiin lahaa ayaa sheegay in looga baahan yahay Soomaalidu inay isku gurmadaan.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.