Home » Warar »

Wafdi midowga afrika ah oo soo gaaray caasumada Muqdisho.

Ergayga gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya John Jerry Rawlings iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaasoo kulamana la qaatay Masuuliyiinta dowlada Ugu sareeya

Wafdigan soo gaaray magaalada muqdisho ee uu hogaaminayey ergayga gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan somalia  John Jerry Rawlings islamarkaana ahaan jiray madaxweynihii hore ee dalka Ghana ayaa ugu horaynba kulan la qaatay madaxweynaha dowlada KMG ah ee somalia sheikh shariif sheikh axmed  iyagoo ka wada hadlay xaaladaha abaareed ee dalka ka jirta iyo duruufaha ay keentay iyadoo dhinaca amnigana ay isla soo qaadeen labada masuul

Rawlings oo socdaalkiisa ay ku weheliyeen Abubakar Diyaara iyo Wafula wamunyinyi oo ah ku xigeenka ergayga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshihiisa somalia gaar ahaan caasimada magaalada Muqdisho isagoo tilmaamay inay isha ku hayaan xaaladda abaareed ee dalka jirta  islamarkaana ay u gudbin doonaan beesha caalamka iyagoo qaylo dhaan ka diraya khatarta ay ay keeni karto dhibaatada taagani

Halkan kadaawo sawiradii oo dhamaystiran

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya sheikh Shariif Sheikh Axmed oo isna markiisa  warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyay booqashada ergayga gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya isagoo sheegay inay ka wada hadleen dhammaystirka heshiiska Kampaala ee wakhtiga loogu kordhiyay dawlada KMG ah ee somalia

Waxaa isna wafdiga la kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali gaas oo laga sugayo inuu ku dhawaaqo golaha wasiirada ee cusub isagoo lagu booriyey inuu soo dhiso xukuumada tayo leh oo waxqabad muujisa

 Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ee uu dalka soomaaliya yimaado Rawlings tan iyo intii loo magacaabay Ergayga gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan arimaha somalia iyadoo booqashada wafdiguna kusoo beegmayo xili laga dhursugayo in lagu dhawaaqo xukuumada bedesha xukuumadii hore ee uu ka tegey raysalwasaarihii hore ee maxamed c/laahi farmaajo

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.