Home » Warar »

Madaxweynaha soomaliya oo booqday xero ay ku jiraan dadkii abaaruhu.

Dowladda Kuweyt oo 10 Milyan ugu Deeqdey Dadka Abaartu Saameysey.Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo qulqulaya dad fara badan kuwaas oo ka soo cararey Abaaraha ka dilaacay  Gobolada Koonfureed  waxaana Maalin waliba magaalada soo galaya dad kor u dhaafaya kun Ruux kuwaas oo ay ka muuqato Diif iyo Durxumo ay ka dhaxleen Abaarta daran ee ka jirta dadlka soomaaliya  waxaana markii dadkaas ay soo gaareen magaalada Muqdishu ayey waxay  galeen Guryo markii hore burbursanaa oo aan lahayn  Musqulo iyo wax ay ka galaan Roobka iyo Qaraxda

Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah ugu gurmadey dadkaas kuwaas oo la gaarey waxa ay heystaan waxaana , dhinacyada isaga soo horjeeda Magaalada Muqdisho ayaa sameeyeen Xerooyin waaweyn kuwaas oo loogu diyaariyey Waxyaabhii ay u baahnaayeen dadkaas  oo ugu horeysa raashin iyo Goobo ay ka galaan roobabka iyo dhaxanta, waxaana Dowladda Federaalka  Xaafadda xoosh ka  hirgelisey Xero loogu magacdarey Badbaado  halka Xarakada Alshabab ay iyana  deegaanka labar Kontom ay ka hirgeliyeen Xero loogu magacdarey Al-Yaasir

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo  booqdey Xerada la yiraahdo Badbaado  wuxuuna halkaa kula kulmey Guddiga Abaaraha ee ay Dowlada Federaalka ay u magacowdey Abaaraha  kuwaas oo Madaxweynaha mid mid u soo tusiyey Xaalada ay ku nool yihiin dadka ka soo barakacay Abaaraha  waxaana la arkayey Madaxweynaha oo dhadhaminaya Raashinka Bisil ee loo karinayo dadka ka soo cararey Abaaraha

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa uu soo kormeerey Goob Caafimaad oo ku taal Xerada Badbaado kuwaas oo  halkaa ka fuliya Howlo Caafimaad oo loo fidiya dadka ka soo barakacay abaarta , waxaana madaxweynaha uu warbixn ka dhageystey Guddiga Abaaraha oo sheegey in ay xeradaan ku jiraan qoysas fara badan iyagoo halkaa maanta gaarsiiyey Agab kala duwan oo loogu talagaley dadka abaarta ka soo cararey , wuxuuna Madaxweynaha  u mahadceliyey intii gaganta ka geysatey badbaadinta dadkaas , wxuuna u soo jeediyey Hayadaha Samafalka iyo dadka sdoomaaliyewed ee  wax haysta in ay sii laba jibaaraan  Kaalmada ay siinayaan dadkaas

Madaxweyanaha ayaa  xubnihii la socdey waxay lug ku soo mareen Jidka dheer ee dhex mara Degmada Madiina halkaa oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Maamulka Degmada Madiina iyo dadweyne aad u fara badan  kuwaas oo aad ugu faraxsanaa imaanshaha Madaxweynaha Degmooyinka Wadajir iyo dharkeenleey

Dhinaca kale Dowladda Kuweyt  ayaa 10 Milyan oo Doolar ugu deeqdey shacabka Soomaaliyeed ee ay soo wajahdey Abaaraha waxaana Todobaadkaan Gudhiisa Magaalada Muqdisho ay soo gaari doona Diyaarado sida Gargaar Deg deg ah sidoo kale Dowladda Kuweyt waxay sheegey in lacagtaa badankeed  la gelin doono Raashin oo ay sheegtey in dalka Gudhiisa laga iibin doono maadaama aan xiligaan  Raashin lagu rarey Maraakiib  aysan dhaqso u gaari doonin Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro @hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.