Waxaa Magaalada Muqdishi waayadaan ku soo qulqulayey Shirkado Shisheeye oo dhamaantood Howla ka fuliya Magaalada Muqdisho gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha iyo xeradii xalane waxaana inta badan Shirkadahaas lagu tilmaamaa in yihiin kuwa markii hore ku yimid arrimo ganacsi ka dibna isku badeley kuwa Maletari iyadoo taasi ay jirto ayaa Goroonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxaa haatan la wareegey Shirkada lagu magacaabo SKA Logistic ha noqoto dhinaca Amaanka iyo DhaqaalaBA
Shirkadda SKA oo ah Shirkada weli aysan Ansaxin Golaha Baarlamaanka hadana Howlaheeda si caadi ah ayey isaga wadataa iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa dhawaanShirkadaha Diyaaradaha ee isticmaala Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ay Shirkadda SKA Ku wargelsey in 13 bishaan ay shirkadda la wareegtey Wixii tas-hiilaad ahaa ee garoonkaas laga fulin jirey waxaana arrinkaan si aad ah uga caroodey Shirkaddaha Diyaaradaha Soomaaliyeed ee isticmaalayey Garoonkaas waxayna sheegeen in aysan ogolaan Karin in shirkada SKA ay la wareegto waxyaabhii ay ka qaban jireen Garoonkaas oo ay sheegeen in ay ahaayeen kuwa dhaqaale ka soo geli jirey Shaqaalle fara badan oo soomaaliyeed
Shirkadd SKA ayaa wixii ka bilowda 13 bishaan waxay sheegtey in ay la wareegtey dhamaan wixii howlo ahaa ee Garoonkaas la fulin jirey waxaana ka mid waxyaabaha ay la wareegtey Jaranjarooyinkii Diyaaradaha looga soo dejin jirey rakaabka oo markii hore ay keensan jireen shirkadaha Diyaaradaha Soomaalida ,waxaa kaloo ay la wareegtey Kontoroolkii lagu sameyn jirey Dadka rakaabka ee ka soo degeya Garoonka iyo kuwa ka dhoofaya waxaana howlahaan fulin jirey shirkadaha Soomaalida iyadoo ay adeegsan jireen Shaqaale Soomaaliyeed , waxaa kaloo Shirkadda SKA ay la wareegtey Daabulida Alaabooyinka ka soo degeya Garoonka iyo kuwa laga dhoofinayo,waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha ay la wareegtey Dhinaca Amaanka ha noqoto Diyaaradaha iyo Rakaabka saaran
Halkan kadaawo sawiradii oo dhan
Shirkadda SKA waxay kaloo ay la wareegtey Kontoroolka Diyaaradajha marka ay ciladi ku timaado waxana Kontoroolkaas fulinaya Injineero ay leedahay Shirkadda SKA sidoo kale waxay shirkadda la wareegtey Sameynta Cuntada, Biyaha iyo sharaabka kale ee la siiyo rakaabka iyo we;liba Nadaafadda Musqulaha iyo Kuraasta Diyaaradaha oo hore ay u sameyn jireen Shaqaale ay lahaayeen Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed, Waxaa kaloo ka mid Howlaha ay la wareegtey Sahay siinta Shirkadaha sida Shidaalka iyo qalabka kale ee ay u baahan yihiin waxaana halkaa ka baxay shaqaale fara badan oo Garoonka u shaqo tagi iirey kuwaas oo dhamaantood lahaa Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed
Masuuliyiinka tirsan Shirkaddaha Diyaaradaha Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen in kharashka ku baxaya Howlaha aan kor ku soo sheegney ay yihiin kuwo aad u fara badan oo ay shirkadaha ay sheegeen in aysan Xamali Karin waqtigaan waxayna ka codsadeen Dowladda Federaal;ka in ay deg deg u soo faregiliyaan Qorshaha ay la timid Shirkadda SKA iyagoo sheegey in haddii aan Dowladda wax ka qaban ay imaan karto in shirkadaha ay ka sii shaqeeyaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, hase yeeshee Shirkadaha Diyaaradaha ayaa Maalamahaan waday qiime kordhin ay ku sameynayaan rakaabka raacaya Diyaaradahooda isaga gooshaya Dalka Gudihiisa iyo dibadiisa kuwaas oo dhibaato ku ah Shacabka Soomaaliyeed Tusaale Sanadkii hore Dadkii soo xajinayey Xajka waxay Shirkadaha Diyaaradaha ay ku qaadeen lacag ku dhow 3 kun oo Doolar qofkii,waana qiimo sadex Jibaar ah waxaana Sanadkaan laga cabsi qabaa in qiimaha intaa uu ka sii kordho
Madaxda Sare ee Shirkadda SKA ayaa sheegey in Howlaha ay la wareegeen ay wargeliyaan Dowladda Federaalka iyagoo sheegey in ay Shirkada SKA u qaban doonto Rakaabka Tas-hiilaad ka waaagsan waxa ay qaban jireen Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed,waxaana lagu waramey in Shirkadda SKA ay qorshaha ugu jirto Mustaqbalka in ay la timaado Diyaarado Rakaab oo ka qiimo jaban kuwa Soomaalida
W/D Amiin Yuusuf Khasaarp
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.