Home » Warar »

Raiisul Wasaare Cabdiweli oo qarka u saaran inuu iscasilo

Iyadoo Bishii hore 23 –deedii Goloha Baarlamaanka uu ansaxiyey islamarkaana Codka Kalsoonida Siiyey in  Raiisul Wasaare ka noqdo Dalka Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaana Raiisul Wasaaraha uu haystaa muddo bil  uu ku soo magacaabo Golahiisa Wasiirada oo haatan ka harsan tahay lix maalmood waxaana muuqata in waqtiga uu ka sii dhamaanayo Raiisul Wsaaraha waxaana lagu waramey in dib u dhaca ku yimid Magacaabista Golaha Wasiirada ay tahay is qabqabsi ka dhx jira Masuuliyiimnta Sar Sare ee Dowladda Federaalka oo uu mid weliba uu doonayo in uu Boos u helo rag uu wato

Jahwareeka soo wajahay Raiisul Wasaaraha ayaa rag ku dhow dhow Madaxtooyada ay noo sheegeen in Raiisul Wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu qarka u sAaran yahay in uu iska casilo Xilka Raiisul Wsaaranimo ka dib markii uu cadaadis  uu kaga imaanayo Madaxweynaha  Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadanoo iyagu doonaya in Xubnio ku darsadaan  Goloaha Wasiirada halka Raaiisul Wasaaraha uu doonayo in loo gacan banaaneeyo Magacaabista Golaha Wasiirada waana midaa in dhowr jeed dib loo dhigo magacaabista Golaha Wasiirada

Sadexdac  masuul ee ugu sareeye Dowlaldda Federaalka ayaa dhowr jeer yeeshey kulamo albaabada u xiran yihiin oo looga hadlayo cidda ka mid noqoneysa Gollaha Wasiirada ee Dowlada Cabdiweli   iyadoo maantadaan oo la filayey in Raiisul Wasaaraha uu ku dhawaqo Golahiisa Wasiirada uu mar kale dib u dhac ku yimid markii la isla fahmi waayey Liiska cida loo magacaabayo Golaha Wasiirada

Raiisul Wasaaraha ayaa dhowr jeer ka caroodey Magacyo uu u soo gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka oo aan ka mid ahayn Beesha uu ka so jeedo Gudoomiyaha wuxuuna Raiisul Wasaaraha uu u sheegey Gudoomiyaha Baarlamaanka uu uusan xaq u lahayn in uu soo magacaabo Xubno aan beeshiisa ka mid ahayn waxayna Xubno ku dhow dhow Raiisul Wasaaraha ay noo sheegeen in Mar Raiisul Wasaaraha ay ka gaartey in uu dhiibo istaqaaladiisa Xilka Raiisul Wasaaranimo isagoo laga soo xigtey Madaxda Sare ee Dowlada ay yihiin rag aan lala shaqeyn Karin oo dantooda eeganaya

Wararka aan ka helayno Villa Soomaaliya waxay sheegayaan in mar la isku soo dhawaadey hase yeeshee hadana la kala boodey ka dib markii la isku qabsadey cidda loo magacaabayo Wasaaradaha ugu tunka weyn gaar ahaa WAsaarada Maaliyada oo la sheegey in uu ku dhagey Gudoomiyaha Baarlamaanka oo,isagu keensadey Xubin ka mid ah Taageerayaashiisa hase yaashee warar aan helney ayaa sheegaya in Wasirkii Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane uu isaga tagey Xilkii Wasiirnimo, hadey dhabowdo ka tagistiisa waxay dhabar jab ku noqoneysaa Raiisul Wasaarajha oo isagu ku adkeystey in Xuseen Cabdi Xalane uu sii joogo Wasaarada Maaliyadda oo lagu tiriyo ragii ugu muhimsanaa ee Soo mara Wsaaradaas oo la sheegey in uu si aad ah ula dagaalamey Musuqmaasuqii ka jirey Dowladda Federaalka

Sidoo kale  Wasaaradaha la isku haysto waxaa ka mid Wasaarada Gaashaandhiga  waxaana Raiisul Wasaaraha uu doonaya in uu sii joogo Wasiirka haatan ku magacaaba ee Cabdi Xakiim Macalin Faqi oo la sheegey in wax badan uu ka qabtey Wasaaradaas hase yeeshe Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegey in uu soo gudbiyey Shaqsiga uu la doonayo Wasaaradaas , Sidoo kale Wasaarada arrimaha Gudha ayaa iyana is qabsi uu ka jiraa waxaana la sheegey in Beesha Habargidir ay isku haysato balse Waxaa lagu waramey in wasaaradaas lala doonayo wiil uu dhaley Gudoomiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud oo la dhashey Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Cabdishakuur oo qarax lagu diley

Isku soo duuboo haddii uusan Raiisul Wasaaraha  24-ka saac ee soo sodota  magacaabin Golahiisa Wasiirada ay xaaladu Cirka isku shareeri doonto waxayna raga siyaasada ka faalooda ay sheegeyaan in haddii uu Raiisul Wasaaraha  uu ka dhabeeyo Iscasilaadiisa waxay dhabar jab ku noqoneysaa labada Shariif oo caalamka u arki doona kuwa hortaagan in siyaasada Soomaaliya ay sal dhigato

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.