Home » Faallo »

Faraqa u dhexeeya masaafadda Sawaariikhda China iyo Maraykanka

Quwaddii Hore ee Russia

Xilliyaddii lagu gudo jiray dagaalkii qaboobaa dalka Russia waxa uu ahaa quwadda adduunka,gaar ahaan wakhtigii hogaankii labadii madaxweyne ee  Russia .Madaxweyne Chrooestsjov iyo Madaxweyne Berzijnev waxaana uu ahaa dalka kaliya ee dhinaca ciidamadda kula tartami jiray  Maraykanka , hadaba  wakhtiyadan dambe quwaddii hore ee adduunka ee Russia aad ayaa looga hormaray, hadana ciidamo la tilmaami karo  kama joogaan daafaha dunida marka laga reebo tirro yar oo kaalmaysa  xulafadiisii hore ee Soofiyetiga sida, Abkhazia,  Armenia,Koonfurta Ossetia iyo Transdniester.

Quwadda Maanta ee Maraykanka

Maraykanku waa dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan lixda qaaradood ee adduunka  kuwaas oo  dhan 11saldhig oo u sii kala baxaya ugu yaraan 1-3 Saldhig oo ka kooban dhowr qaybood, gaasas iyo guutooyin, iyo 11 ka mid ah maraakiibtta dagaalka ee Maraykanka dagaalka oo iyaguna ka hawl gala  baddaha adduunka ,kuwaas oo ku xidhan  909saldhigyo ciidan  ah boo qaarkood ay cabsi ciidan galiyaan wadammadda kulaalla biyaha adduunka

iyada oo taasi ay jirto aya hadana  ibedelka cimilada iyo siyaasada aduunka ayaa Maraykanku  wax uu cabsi ka qabaa dabaysha siyaasdeed ee ka soo babanaysa dhinaca Asiya.(China iyo India )

Quwadda Mustaqbalka ee China

Labada dal ee China iyo Maraykanka waxaa u dhexeeya faraq wayn marka aad eegto xaga tirada tayadda ciidamada  iwm .hadaba sannadihii ugu  dambeeyey dalka China  dhinac walba waa uu ka dhisay Ciidamadiisa inkasta oo ciidamada Maraykanku ay waayo argnimo ay ka heleen Dagaalkii  Labaad ee Aduunka, dagaalkii Khaliijka ,dagaalkii Somalia, iyo kuwii ugu dambeeyey ee Afghanistan iyo Irak , hadana khubaradda Ciidamadda ee Nato waxa ay leeyihiin tayadda qalabka Ciidammada badda ee China Maraykanka ayaa ka horeeya qiyaastii 7sannadood, laakiin hubka qaarkii waa uu soo gaadhey oo wuu kula tartami karaa waxaana tusaale kuugu filan sida sawaariikhda hoos ku xusan

Masaafada Sawaariikhda Shiinaha iyo Reer Galbeedka iyo Xadak ay u ogoshay hay,adda International Instistuet for Stragtegic Studied (IISS)

Sawaariikhda China Maraykanka Xadka Hay’adda IISS

 

S.M. Gaaban   /SRBM 1,000Km 1,100 km ka yar  800km
S.M. Dhexe/ SRBM 1,000 – 1,100 km 1,100  – 2,750km ka yar  800-2400km
S.Ridada Dhexe  /IRBM 3,000 – 4800km 2,750 – 5,500km 2,400 -5,500km
S.Ridadda Fog/ LRBM 3,000 – 8,000km Sir Ciidan Ma oga hay’adda IISS
S.Qaarada/ICBM Ka badan 8,000km 5,500 – 14,800km Ka badan 5,500km

 Warbixintii bishii November 1997 dii ee gaashaandhiga Maraylanka waxa ay ku xuseen in China uu casri ka dhigayo  sawaaiirkhda kharajiska ee  dareeha ah ee is cabeeya ( (Liqued propellant missiles) kuwaas oo uu ku badalayo sawaariikhda dhaq-dhaqaaqda ee adkaha ah ee is cabeeya ( Mobile solid propellant missiles ), ee ku rakiban gaadiidka culus ee ciidamada, si raadaarka  iyo diyaarradaha sahanka ciidamada cirka ee quwadaha shisheeye ay u beegsan .

sidoo waxa uu habeeyay sawaariikhda [ fuel missiles iyo hydaro missiles ]

Dhinaca kale  warbixintu waxa ay ku dartey sidii looga hortagi lahaa  in uu dhaco shil dhibaato wayn u gaysta dadka iyo deegaankaba wakhtiga la rararayo ama la rar-furaya  waxa uu kala saarey  qarxiyaha, baarruuda, gumucyadda , dayactirka, kaydka iyo,shidaalka sawaariikhda. sidoo kale isaga oo ug adeegsanaya sawaariikda farsamada casriga ee hubka waxa uu adeegsadaa  qaabka ( wireless iyo fiber optics) isla markaana waxaa uu ku rakibay gantaalaha  hirka dhawaaqa  codka xoogan eee loo yaqaano ( infrasounds), kaas oo Maraykanku uu ku siticmaalay  wadamada Iraq, Afghanistan, iyo Libiya. oo dhago tira waxa ay ugu yeedhaan cadowga kuna rida anfarir,firxad iyo argagax  [shock and hawk.]

 Yaa loo samaysatay ama loohaystaa hubkan , hadii la isku rido cawaaqib intee le eg ayaa ka dhalan kara

 M.Farah Aden

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.